Saxiixa Ugu Qaalisan Dunida Neymar Junior Oo Xalay Daawaday Guusha Kooxdiisa Cusub Isagoo Si Weyn Ugu Dabaal Dagay (+Sawiro).

0
Sunday August 06, 2017 - 13:43:44 in Sports News by
  • Visits: 755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxiixa Ugu Qaalisan Dunida Neymar Junior Oo Xalay Daawaday Guusha Kooxdiisa Cusub Isagoo Si Weyn Ugu Dabaal Dagay (+Sawiro).

    Saxiixa ugu qaalisan dunida Neymar Junior ayaa nasiib u yeeshay inuu daawado kooxdiisa cusub oo guul gaareysa kulankii ugu horeeyay horyaalka faransiiska xilli ciyaareedka cusub waliba isagoo saaran tarabunka Parc des Princess.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxiixa ugu qaalisan dunida Neymar Junior ayaa nasiib u yeeshay inuu daawado kooxdiisa cusub oo guul gaareysa kulankii ugu horeeyay horyaalka faransiiska xilli ciyaareedka cusub waliba isagoo saaran tarabunka Parc des Princess.

PSG waxey 2-0 guul ah ka gaartayAmiens, waxeyna habeen khaas ah u aheyd qoyska Neymar Jr, madaxweyneNasser Al-Khelaifi & Jamaahiirta Paris Saint Germain kuwaas oo si wadajir ah ugu kulmay garoonka.

Neymar wuxuu soo fariistay VIP-da garoonka Parc des Princess si uu kooxdiisa u daawado waxeyna kaamirooyinka qabteen isagoo cabitaan ku raaxeysanaya sidoo kalana si weyn ugu dabaal dagaya goolasha ay dhaliyeen Javier Pastore & Edinson Cavani.

Nasiib xumo kooxdiisa uma ciyaari karin xalay madama la daahiyay warqadaha shaqada, waxaana la filayaa inuu ciyaaro kulanaka labaad ee horyaalka markaas oo ay la ciyaarayaan 13-ka bishaan kooxdaGuingamp.

Dhoola cadeynta Neymar Junior waxaa loo fasirtay inuu si weyn ugu faraxsan yahay nolosha cusub ee uga bilaabatay magaalada Paris.

Paris Saint Germain kaliya waxey ka walwaleysaa iuu qabto xeerka dhaqaale wanagga UEFA kaas oo baaritaankiisa & arimahiisa ay soo ifbixi doonaan marka uu suuqa kala iibsiga xirmo 31-ka August.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip