NOLOSHA AFRIKA, TAN FIICAN IYO TAN XUN (QALINKII AYAAN MAXAMED CALI)

0
Monday July 31, 2017 - 12:45:30 in Maqaallo by
  • Visits: 1251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NOLOSHA AFRIKA, TAN FIICAN IYO TAN XUN (QALINKII AYAAN MAXAMED CALI)

    Wanaag iyo xumaan Afrika waa gurigayga mana jirto meel aan ku badalanaayo, Waan jeclahay Africa meel la mid ahna ma jirto noloshayda labaadna hadaan fursadaas helo ayada ayaan dooranayaa, waan jeclahay shakina kuma jiro inay ayadana I jeceshahay, dad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wanaag iyo xumaan Afrika waa gurigayga mana jirto meel aan ku badalanaayo, Waan jeclahay Africa meel la mid ahna ma jirto noloshayda labaadna hadaan fursadaas helo ayada ayaan dooranayaa, waan jeclahay shakina kuma jiro inay ayadana I jeceshahay, dadka qaar ma fahmi karaan, waxay la tahay inay yaqaanaan balse ma ay garanayaan, Qaarkoodna waxayba moodaan in ay aad u yaqaanaan lkn xaqiqda waxay tahay inaysan garanayn Afrikada aan anigu aqaan, waan aqaan Afrika, ayadana way I taqaan.

Waxaan ku dhashay Afrika, ku koray, waana degaankayga marka waa inaad I aamintaa hadaan ku iraahdo ma jirto meel afrika lala simo, waa dhab aabbehey awowgiis ma uusan samayn diyaarad laakiin waxaanay dad badan ogayn in uusan u baahnayn diyaarad inuu ku duulo,

Waa xaqiiq inaanay Ayeeyadey Ayeeyadeed book ku qorin sheekadeeda, laakiin waxay dadku ilowsan yihiin in ay sheekadeeda ku qaloocin kartay buur aan dhaqaaqin.

Hadaad aragto adeerkeey oo cararaya saxaraha Kalahari isaga oo aan shaar iyo kabo wadan ha ku xukumin in uu nacas yahay ogowna in uu adeekeey gacmihiisa oo maran uu ku eryo lo gisida duur joogta ah taas oo u baahan geesinimo iyo caqli fara badan oo lagu fuliyo, hadaad ku nooshahay newyork oo aad aragto adeerkey ha is oran waa doqon ogow in uusan doqon ku noolaan Karin kayntaas ay ka buuxaan xayawaanka dad cunka ah.

Dadka qaar ayaa mooda in hooyo afrika tahay qof aan wax aqrin qorina laakiin hooyada afrika waxay taqaan wax aanay dunida ka aqoon kala bar intay taqaan, hadaad ka xado beerteeda guriga kuma eryanayso intay qori soo qaadato ha u qaadan in ay indho la dahay, indhaheedu waxay u ifayaan sida qoraxda wax kastana waa u jeedaa laakin ma xukumayso ee waxay wax walba u daysaa kan wax kasta og si uu isagu u xukumo, mar kale afrika waa gurigayga mana jirto meel lala simo.

Mar kasta oo aad faqri maqasho waxaad maqleysaa Afrika, faqri wuu ka jiraa afrika maanta mana diidani,
Laakiin Awooweheygii 3 aad wuxuu heystay cunto aad u badan wuxuu heystay cabitaan ku filan, wuxuu awooday in uu siiyo wax kasta oo ay caruurtiisa waydiistaan, dahab iyo macaadiin qaali ah oo ku sharxo qasrigiisa,Afrika wax badan ayay heysatay laakiin wax badan ayaa laga qaatay taas oo dhaxalsiisay in hooyada Africa ay weydo wax ay siiso caruurteeda, dhibta kaliya ee afrika heysta waa niyadda wanaagsan iyo gacanta furan oo ay qof walba ku so dhaweyso iyada oo moodo in dadka oo dhan ay isku mid yihiin laakiin ilowsan inay jiraan qaar geeri ka xun, waxay kuu imaanayaan iyaga oo wata hadal macaan laakiin niyad dadban iyo wadne dhuxusha ka madow, dadka qaar taas ma fahmayaan intiisa ay isku dayi lahaayeen inay gartaan waxay ku dagdagaan inay xukmiyaan.
Wuu ka jiraa Faqri Afrika waa maxay sababta, Baahi waa taalaa Maxaa kalifay waxaad xoog iiga qaadatay cad rooti ah oo aan gacanta ku haystay markaas ayaad hadda isku dayaysaa inaad igu quudiso buskud dhacay iyo faanta la qasay maadaama aanay ii harin wax kale oo aan cuno aniga oo og inaanan wax faaiido ka heleyn buskutka dhacay taas ma xaq baa? Waxaad dumisay gurigayga ka dib ayaad ii soo laabatay adiga oo I baraya in midnimadu xoog tahay ma waxaad rabtaa inaan ku jeclaado haddii ay midnimadu awood tahay sida ku qoran buugaada maxaad tayda u burburisay, waxaad iga qaaday aragii markaas ayaad ila soo laabatay ushii aad igu hagi lahayd ma waxaad iga filaysaa inaan kaaga mahad naqo in ul la igu hago, dad badan ayaa mooda inay fahmayaan laakiin waxba ma fahmayaan qaarna waa dad xun laakiin nasiib daro xitaa ma oga inay xun yihiin, waxaa loo baahan yahay in la muujiyo arimo badan oo jira dhibaatooyin badan oo la rabo in la xaliyo ayaa jira , waxaa la jooga waqtigii aan midoobi lahayn oo aan noqon lahayn hal oo umad oo meel u wada jeeda,

Waxbarasho liidata.

Waxbarasho oo aan ka wado mid wanaagsan taas oo ah furaha xalka inta badan dhibaatooyinkeena, Maxaan uga walwalayaa inaan barto Abraham Lincoln iyo Thomas Jefferson aniga oo aan aqoon Kwame Nkrumah iyo Nelson Mandela, waxbarashada qeybo badan oo ka mid ah waa mid liidata sababta maaha faqriga ee waa muhiimad la aanta waxa la barto, macalinkayga wuxuu ku mashquulsanaa sida aan u sawiro qaaradda Amerika aniga oo aan aqoon sawirka tan afrika, waxaa la joogaa waqtigii aan marka koowaad baran lahayn waxa aan u baahan nahay intaan ku bilaabi lahayn barashada taariiqda ameerika, waxaan baran karnaa beeraha sida tacbashada miraha iyo dhaqida xoolaha, beeraha ayaa nooga faaiido badan barashada taariiqda ameerika oo afrika lagu dhigto, wax badan oo muhiim ah ayaa dunida ka jira oo la barto laakiin qaar ayaa ka soo muhiimsan, waana inaan kuwaas ka bilownaa waxaan maanta iskoolada ku baranaa wax badan oo haba yaraatee wax anfac ah noo lahayn intaan abaari lahayn kuwa aan u baahan nahay.

Faragalin Dibadeed

Haa waa jirtaa inaan mararka qaar ku eedeeyno reer galbeedka wax aan sax ahayn, anaga ayaa sababna inta badan dhibaatooyinkeena taas oo aan macno wayn samayneynin hadaan galbeedka ku cambaareyno dhibaatooyinka heysta Afrika maanta, hase yeeshee taas macnaheeda maaha in aan laga hadlin Xoogaga reer galbeedka iyo ficiladooda sheydaanimo ee ay ka geystaan Afrika, wadamada reer galbeedka waxay iska dhigaan inay wax caawinayaan laakiin waxa kaliya ee ay yaqaanaan waa burburinta Africa, waxa kaliya oo ay afrika u geysteen waa dhaawac wayn, Murugadeena ayaa u ah sida naaxiyadda heesta AMAZING GRACE waxay ka faaiidaan xanuunkeena, Ilinteena iyo Murugadeena, waxay iska dhigaan inay wax caawinayaan laakiin taasna waa mid kale oo xumaan ah oo ay dadka ku qaldayaan, waxaa la joogaa waqtigii aan anaga fakari lahayn intii ay reer galbeed inoo fakari lahaayeen, maxaa yeelay marnaba wax dan noo ah ma hayaan oo aan ka ahayn kaalaya aan meeshaas faaiido ka samaynee, waxay amraan in geedo laga beero dalalkooda halka ay afrikana amraan in geedaha la jaro si loox dhismo looga dhigto, Dahabka anigaa leh laakiin ayagaa suuqa maamula, dheemanta aniga ayaa la iga helaa laakiin ayaga ayaa xukuma waxa lagu kala iibsanayo dheemanteena, waa waqtigii aan anaga isku tiirsanaan lahayn intaan ku tiirsanaan lahayn reer galbeed aan hayn wax faaido u ah afrika, way og yihiin in midnimadu tahay awoow taas ayayna mar kasta u kala qaybinayaan afrika si ay u sandulaystaan una maamulaan.
Reer galbeed wuu burburiyaa isaga oo iska dhigaya in uu wax dhisayo sida shaydaanku wax u xado una baabiiyo waxay mar walba ku dadaalaan in dadka xun ay doorashooyinka ku guulaystaan afrika, waxay ka faaidaan madaxdeena xun xun ee hunguriga wayn waxay ku bixiyaan lacago fara badan si ay ugu soo baxaan hogaanka taas ayaana sababta in inta badan hogaamiyaasha qaarada yihiin kuwa musuqmaasuq iyo hunguri badan, Reer galbeedka wax faaiido ah uguma jirto in madaxda qaarada noqdaan kuwo wanaagsan oo aan ayaga ku tiirsanayn, waa jirtaa inaan dunida kuwada nool nahay mana dhahayo aan godoon noqono ma qabo in reer galbeedka laga go o laakiin waxaan rabaa in aan laga ogolaan inay faragalin nagu sameeyaan oo ay noo go aamiyaan mustaqbalkeena maxaa yeelay ma jirto wax faaiido ah oo aan reer galbeed ka heleyno.

Hoggaan xun iyo musuqmaasuq

Shaki kuma jiro in hogaamiyayaasheenu yihiin Dad Hunguri wayn, musuq badan oo caqli xun, anaga ma dooran hogaan xun ee reer galbeedka ayaa noo xula dadkaas xunxun si ay uga faaiidaan dhididkeena iyo xanuunkeena, marka ay noo doortaan dadkaas iyaga ah mararka qaar waan ka hor tagnaa ka dibna waxay soo diraan ciidamadooda NATO iyaga oo iska dhigaya inay wax caawinayaan waa taas waxa aad mar walba uga maqasho rabshado siyaasadeed Afrika, Galbeedku waxay ku tilmaameen NELSON MANDELA bahal laakiin sida aan wada ognahay wuxuu ahaa xornimo u dirir aan isku dhiibin reer galbeedka, waxay u soo bandhigeen lacag iyo janno aduun waana ka diiday, Mandela wuxuu ahaa hogaamiye ma ahayn madax (boss), wuxuu jeclaa Africa.
Ma dhihi karo madaxda kale ee Africa waxay la mid yihiin Mandela, kuligood waa dad aqli xun oo musuq badan, in ka badan 500 000 oo qof oo aan waxba galabsan ayaa ku dhimatay Daarfuur, Albashir oo ahaa maskaxdii qabanqaabisay wali waa madaxweyne, dad badan ayaa Gadafi u jeclaa si aan caadi ahayn sababta oo ah wuxuu ka soo hor jeeday reer galbeed, laakiin waxay ilowsan yihiin in reer galbeed laga soo hor jeesto kaliya kaama dhigayso hogaamiye wanaagsan mararka qaar waxay keentaa ka soo horjeedida reer galbeedka in hogaamoyahu ka fiido ee ma aha dadka masaakiinta ah ee afrika wuu ka soo horjeeday reer galbeed laakiin dhinaca kale wuxuu ahaa mas cows ku hoos jira, Mugabe waa nin diidan reer galbeedka hase ahaatee dhinaca kale waa bahal ifaaya, wuxuu ka qaaday dadka cadaanka beerahooda laakiin ma siin dadkii mudnaa ee wuxuu gacanta u galiyay qaraabadiisa iyo asxaabtiisa halka dadkii masaakiinta ahaa aysan haysan dhul ay beertaan, wuu ka qaaday dadkii lahaa laakiin wuu ku guul daraystay in dhulkii laga manaafacaadsado, Zimbabwe oo mar ahayd dalka afrika ugu qanisan maanta waa mid ka mid ah kuwa ugu faqrisan ama la dhihi karo ugu dhaqaale liita, wuxuu mugaabe ku eedeynayaa guuldaradiisa cunaqabataynta reer galbeedka taas oo aan wax macno ah samaynaynin, hase yeeshee dad badan ayaa ku tilmaama in uu geesi yahay.
Kaligii taliyayaal sida Teodoro Opiangka Equatorial Guinea, Eduardo de Santos ka Angola, Paul Biya ha Cameroon Boqor Swasi 3 ga Swaziland iyo Yoweri Museveni ga Uganda waxay awooda dalalkooda iska haysteen mudooyin dhaadheer walina faqrigii ayaa dalalkooda ka jira waxaan wali ogolaanaynaa madaxdii hore ee la inoo soo dhoofiyay waxaanan sugaynaa isbadal fiican iyo qaninimo.. waa taas nolosha Afrika

Qalinkii Ayaan Maxamed Cali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip