Siyaasiga Hawiye madoqonbaa mase deeqsi!!

0
Saturday July 29, 2017 - 11:02:12 in Wararka by
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiga Hawiye madoqonbaa mase deeqsi!!

    Sida aan ognahay Soomaliya waa 18 Gobal, Gobal kasta waxaa gooni ugu magacaaban reeraha dega magaalada muqdisho waxey ka mid tahay 18 kaas gobal sidaas si la mid ah ayaa reer loogu magacaabaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida aan ognahay Soomaliya waa 18 Gobal, Gobal kasta waxaa gooni ugu magacaaban reeraha dega magaalada muqdisho waxey ka mid tahay 18 kaas gobal sidaas si la mid ah ayaa reer loogu magacaabaa.

Hadaba waxaa isweydin mudan Siyaasiga Hawiye MADOQONBAA MASE WAA DEEQSI? Jawaabta waxaan u deynayaa akhristaha.

Sida aan lasocono Soomaaliya waxey qaadatay nidaam Federaal ah macnaha Federaalka loo qaatay maaha in magaalooyinka qaar kood gooni loo lahaado magaalada Muqdishana dadka ka dhaxeeyso.
Macnaha Federaalka loo qaatay maaha in Qabiilada qaarkood Xaqooda lasiiyo halka kuwa kale la hilmaamo ama aan la tixgilinin.

Macnaha Federaalka loo qaatay maaha in Sedax malyan iyo bar ay Xuquuqdoodii waayaan halka Sedax Boqol oo kun ama wax ka yar ay Xuquuq helaan.

Macnaha Federaalka loo qaatay maaha in Qabiilku Xalaal yahay marka la joogo Gobalada qaarkood halka marka Xamar la yimaadana uu Xaaraan yahay.

Si kastaba ha ahaatee dhibku intaas wuu ka badan yahay qoraalna kuma soo koobi karo laakin waxaan rabaa inaan ku xusuusiyo mase waad xusuusataa Gabaygii uu tiriyay Allah naxariistii janno ha siiyee Abwan Cabdulle Raage Tarawiil oo ahaa sidatan:-

Dacwo iyo tusaalaya warbixin dan iyo xoog sheegad


Darsin iyo tilmaan qaas ah oo duubnay aajiraye
In dar daaran loo baa hanyahay duqa ha loo sheego
Diiday ee kabaxay iyo anaa dib uhabeyn doono
Dil iyo nololba waa laga fishaa Doowlad ficilkeede
In jawaabti naga daah santahay duqa ha loo sheego
Inkastoo darbado xogle iyo daqaro leygeysatay
Inkastoo dhaqaalihi dalka iyo noloshi leydiiday
Inkastoo ley dilay siyaal dadab ah ee muuqan
Ineey taasi doorsoomi karin Duqa ha loosheego
Dal nimaan udhalan ee layiri dul iyo hoos maamul
Hadoow diido xeerkuu degsanaay fuliyo koow doono
Dembigaas waxey skale ninkii daalun wax udhiibtay

Danta waxaan kataagneyn waxaan daraf kuleenahaye
Hadeg deginne joog aa waqtigi leegu duud siiyay
Dad la dhacay xaqiisii ee karti iyo sarab dugaashaayo
Oo ineey kudoodaan hun guri gobani muu diiday
Hadaan leydin soo dirin maxaa nagala soo doonay.

waxaa qoray Wasiir Sayid Xasan Cali
Email abdisamedd@hotmail.com
Facbook brh sayid

Xigasho:-Somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip