Jose Mourinho Oo Ooyay Markii Uu Wayne Rooney Ka Tagay Manchester United & Tababaraha Oo Sharaxay Sababta Ka Dambeysa Murugtiisa.

0
Wednesday July 26, 2017 - 11:01:53 in Sports News by
  • Visits: 562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Ooyay Markii Uu Wayne Rooney Ka Tagay Manchester United & Tababaraha Oo Sharaxay Sababta Ka Dambeysa Murugtiisa.

    Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga murugooday in Wayne Rooney uu ka tago Old Trafford kana dhawaajiyay inuu ilmeyay markii uu xidiga reer England ka dalbaday fasaxa uu ku aadayo Everton.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga murugooday in Wayne Rooney uu ka tago Old Trafford kana dhawaajiyay inuu ilmeyay markii uu xidiga reer England ka dalbaday fasaxa uu ku aadayo Everton.

Wayne Rooney ayaa si xor ah ugu biiray Everton horaantii bishaan isagoo soo afjaray 13-sano oo uu xirnaa maaliyadda Red Devils isagoo markiisii ugu horeysay kasoo muuqan doona khamiista marka ay ciyaaraan isreeb-reebka Europa League.

31-jirkaan ka mid ah haldoorada ugu fiican ee soo xirtay maaliyadda casaanka ah ayaa soo afjaray waayahiisa isagoo ka saaciday kooxdisii hore ku guuleysiga shan Premier League, 1-Champions Leaguue, 3 League Cup iyo sidoo kale koobka FA Cup.

Sidoo kale Rooney wuxuu noqday gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda taariikhda isagoo ka tuuray xilkaSir Bobby Charlton wuxuuna dhaliyay in ka badan 250-gool.

"Wuu u qalmay wixii uu helay iyo waxa uu helay rabitaanka ah inaan dooneyno joogitaankiisa, xushmadda aan u heynana waxey aheyd wax cad gabi ahaanba, waxaan jecleen inuu joogo” ayuu yiri Jose Mourinho.

"Waan u xiisi doonaa sababtoo ah sababtoo ah waa qof cajiib ah”

"Ma ahi dadka qaar ee si caadi ah u ilmeeya markaan ku jiro shaqadeyda balse waan ilmeeyay markii uu baxay Rooney” ayuu yiri Jose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip