Waa Kuwee TOBANKA Ciyaartoyda Ee Saakay Oo Arbaco Ah Loogu Hadal-Heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga? Halkaan Ka Aqriso Liiska Oo Dhameystiran.

0
Wednesday July 26, 2017 - 10:58:58 in Sports News by
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuwee TOBANKA Ciyaartoyda Ee Saakay Oo Arbaco Ah Loogu Hadal-Heynta Badan Yahay Suuqa Kala Iibsiga? Halkaan Ka Aqriso Liiska Oo Dhameystiran.

    Salamu calaykum waraxmatulaah dhamaan akhristayaasha sharafta iyo ixtiraamka naga mudanow ku soo dhawaada barnaamujkeenii tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee saakay ooArbacoah kuwaas oo inta ugu badan looga ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salamu calaykum waraxmatulaah dhamaan akhristayaasha sharafta iyo ixtiraamka naga mudanow ku soo dhawaada barnaamujkeenii tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee saakay ooArbacoah kuwaas oo inta ugu badan looga hadlay suuqa kala iibisaga isla markaana lala xiriirinayo kooxo cusub. Suuqa kala iibisaga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay 1-da July waxayna koox kastaaba si hordhac ah ugu dadaaleysaa iney hesho saxiixyo cusub.

Football Whispersoo ah shabakada ugu horaysa dhinaca saadaalinta suuqa kala iibisaga ayaa qiimayn khaas ah ku samaysa wararka ciyaartoyda sida wayn loogaga hadlo suuqa kala iibsiga, waxayna si joogto ah u soo gudbisaa hadba ciyaartoyda loogu hadal haynta badan yahay suuqa kala iibsaga iyo kooxaha doonaya ee lala xiriirinayo.

QiimayntaFootball Whispersee suuqa kala iibisaga waxaa ugu sareysa 5 oo ah xiddig sida ugu weyn loo hadal hayo waxaynaSky SportsiyoFootball Whispersay iska kaashadaan in ay hadba soo saaraan ciyaartoyda suuqa kala iibsiga sida wayn looga hadal hayo iyo qiimaynta oo la socota. Haddaba Shabakada Laacib.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa tobankii ciyaartoy ee saaka suuqa inta ugu badan looga hadlay.


Nux-nuxleynta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xiiso gaar ah ayey leedahay subaxnimadaan waxaana kasoo muuqday dhawr ciyaartoy oo waaweyn oo lala xiriirinayo kooxo kadhisan qaaradda yurub, waana heshiisyo la wadasugayo

Philippe Coutinho ayaa soo galay kaas oo lala xiriirinayo Barcelona, waxaana lasoo wariyay inuu heshiis shaqsi ah u saxiixay walow aysan aheyn sheeko ay xaqiijiyeen wakiilada labada dhinac

Wakiilo ka socda Barcelona ayaa shalay u duulay England si ay wadaxaajood fool-ka-fool ah ula yeeshaan dhigooda Liverpool si ay ugala hadlaan xaaladda xidigii hore Inter Milan.

Virgil van Dijk ayaa soo galay liiska kaas oo kusii dhawaanaya inuu ku biiro Liverpool, rabitaankiisa waa Anfield Road, balse Reds waxaa u dhiman iney Saint kala heshiiso qiimahiisa.

Ivan Perisic isna wuxuu mar kale kusoo laabtay shaashadda Manchester United madama Inter Milan ay kusii dhawaaneyso helitaanka Keita Balde.

Dhinaca kalana Kylian Mbappe ayaa lasoo warinayaa inuu noqon doono saxiixa ugu qaalisaqaalisan dunida madama Marca ay shalay shaacisay in labada kooxood ay ku heshiiyeen aduun dhan 180 Malyan oo Euro walow markii dambe Monaco ay beenisay sida ay warisay Sky Sports.

Haddaba akhriste halkan kaga bogo dhamaan tobanbka ciyaartoy ee saaka suuqa kala iibsiga ugu qiimaynta sareeya, kooxaha lala xiriirinayo iyo waliba qiimaynta suurtogalnimada ay kooxahan ugu biiri karaan oo dhamaystiran:

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip