Magacyada AFAr Xidig Ay Real Madrid Ku Buuxin Karto Booskii Uu Kaga Baxay Xidigeedii Hore Ee Alvaro Morata.

0
Tuesday July 25, 2017 - 11:51:04 in Sports News by
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada AFAr Xidig Ay Real Madrid Ku Buuxin Karto Booskii Uu Kaga Baxay Xidigeedii Hore Ee Alvaro Morata.

    Kadib ka tagastii Alvaro Morata safka kooxda Real Madrid isla markaana uu si rasmi ah ugu biiray Chelsea maalmo kahor aduun dhan 80 million euros, kooxda reer Spain ayaa si wanaagsan kaga fiirsanaysa saxiixyada ay ku buuxin lahayd qeybta weerarkeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib ka tagastii Alvaro Morata safka kooxda Real Madrid isla markaana uu si rasmi ah ugu biiray Chelsea maalmo kahor aduun dhan 80 million euros, kooxda reer Spain ayaa si wanaagsan kaga fiirsanaysa saxiixyada ay ku buuxin lahayd qeybta weerarkeeda iyada oo dooneysa inay ka faa'adeysato dhaqaalaha kaga soo xadhooday iibinta laacibka reer Spain.

Saxaafada Spain ayaa xaqiijinaysa in Zinedine Zidane uu si weyn ugu qanacsan yahay in xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema ay si wanaagsan kaga ciyaari karaan dhanka weerarka kooxdiisa Los Blancos, balse arintan ayaa waxay u muuqataa mid shaki weyn la galinayo maadaama ay suuragal noqon karto in labada ciyaaryahan mid kood uu dhaawacmi karo, waana arin u baahan in si hoose wax looga qabto six al buuxa looga gaadho.

Hadaba Waxaa Lasoo bandhigay liis ka kooban badalada ugu wanaagsan ee dhanka weerarka kooxda Real Madrid kadib bixitaankii dhaliyaha reer Spain ee Alvaro Morata oo si rasmi ah ugu dhaqaaqay safka kooxda Chelsea:

– Borja Mayoral: "Real Madrid”.

– Timo Werner: "RB Leipzig”.

– Lucas Perez: "Arsenal”

– Kylian Mbappé: "Monaco”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip