Carlo Ancelotti Oo Si Cad U Sheegay In Bar-tilmaameedkii Kooxda Manchester United Ee Renato Sanches Uu Ka Bixi Karo Garoonka Allianz Arena Suuqan Xagaaga.

0
Tuesday July 25, 2017 - 11:31:59 in Sports News by
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carlo Ancelotti Oo Si Cad U Sheegay In Bar-tilmaameedkii Kooxda Manchester United Ee Renato Sanches Uu Ka Bixi Karo Garoonka Allianz Arena Suuqan Xagaaga.

    Macalinka reer talyaani iyo kooxda Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa wuxuu saxaafada u sharaxay sida uu noqon doono mustaqbala da'ayarka khadka dhexe ee reer Portugal Renato Sanches.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalinka reer talyaani iyo kooxda Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa wuxuu saxaafada u sharaxay sida uu noqon doono mustaqbala da'ayarka khadka dhexe ee reer Portugal Renato Sanches.

Xidigan reer Portugal ee Renato Sanches ayaa waxaa lala xidhiidhinayay inuu isaga baxayo garoonka Allianz Arena inta uu socdo suuqan xagaaga, kadib mudo hal xili ciyaareed uu kaga soo biiray kooxda Bayern Munich dhigeeda Benfica aduun dhan £ 30m.

Macalinka kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa wuxuu ka dalbaday maamulka sare ee kooxdiisa reer England inay sida ugu dhaqsida badan ugu dhaqaaqaan soo xero galinta Renato Sanches, si xili ciyaareedka soo aadan ay ugu buuxsadaan khadkooda dhexe, sidoo kale xili ciyaareedkii hore ayuu xidigan bar-tilmaameed u ahaa kooxda United-ka

Hadaba tababare Carlo Ancelotti oo ka hadlayay mustaqbalka Renato Sanches ee garoonka Allianz Arena ayaa wuxuu yidhi: "haatan inaga ayuu tababarka nala qaadanayaa, laakiin waa inaan sida ugu dhaqsida badan go’aan u gaadhnaa, waxaa jira suurtagalnimada uu Renato Sanches kaga bixi karo Allianz Arena, laakiin hadii uu doono wuu nala sii joogi karaa xili ciyaareedka soo aadan”

19 jirkan ayaa wuxuu qeyb ka ahaa safka kooxdii xulka qaranka Portugal ee wacdarada ka dhigay koobkii Euro 2016, kadib markii ay kaga guuleysteen xulkii marti galiyay ee France, gaar ahaan xidigan ayaa wuxuu ku soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan taasoo ku qasabtay in Bayern Munich ay la wareegto saxiixiisa.

Xili ciyaareed kaamil ah uu ku sugnaa safka kooxda Bayern Munich ma uusan ciyaarin kaliya wax ka badan 17 kulan ee ah horyaalka Bundesliga, wuxuuna kulamadaas ku guuldareystay inuu dhaliyo wax gool ah si uu ugu qanciyo in Ancelotti uu boos ka helo, laakiin Manchester United ayaa laga dhur sugayaa waxa ay ka yeeli doonto xiisahii ay ka qabtay saxiixa laacibkan kadib hadalka kasoo yeedhay Carlo Ancelotti.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip