''Soomaaliya'' iyo waa kuma Black water

0
Friday June 30, 2017 - 07:25:26 in Wararka by
  • Visits: 1772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ''Soomaaliya'' iyo waa kuma Black water

    Erik Prince,Aas aasihiiBlack water wuxuu aamin san yahay in adduunka laga tiriro Muslimiinta iyo Caqiidada Islaamka, waa ninkii sameeyay shirkaddii Xasuuqa ka gaysatay Ciraaq iyo Afqaanistaan , haatanna ka dagaalanta Soomaaliya laakiin magic kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Erik Prince,Aas aasihiiBlack water wuxuu aamin san yahay in adduunka laga tiriro Muslimiinta iyo Caqiidada Islaamka, waa ninkii sameeyay shirkaddii Xasuuqa ka gaysatay Ciraaq iyo Afqaanistaan , haatanna ka dagaalanta Soomaaliya laakiin magic kale wadata, waxaa haattan uga fuliyay Soomaaliya dilalka Qorshaysan dhalin yaro Soomaali ah oo si heer sare ah loo taba baray, Xulufada uu khaliijka horboodayo hoostana ay ka maamulayaan CIA da ciidanka u dagaallama duqaynta iyo dilka ka wada Yaman 70% waa Calooshood u shaqaystayaal uu ka soo daabulay ''Mulkiilaha '' Kolombiya Erik Prince , Koonfur Afrika iyo Kolombiya.

Wuxuu Erik aamin san yahay inay muhiim tahay in adduunka laga cirib tiri Islaamka , markii hore wuxuu shirkaddiisaBlack wateru bixiyayHoly Black water, Dagaalka Erik kuma salaysna oo kaliya xoolo adduun inuu aruursado laakiin waxaa u waheliya oo waliba six eel dheer uu u aaminay inuu u dagaalamayo Eebbe !

 

Waxaa gudaha Soomaalia u jooga 2000 oo Calooshood u shaqayste Soomaali , Erik oo kaashanayaKhasnadda Amiirka Abu Dabi, Maxamed Al-Nahyaan , waxaa ciidankaan loo taba baray si heer sare ah waxaana quudiya Imaaraadka , Ninkaan oo ah sarkaal CIA ka ‘’tirsanaa’’ sheegayna inuu ka tagay hasa ahaatee wariyayaasha wax baara waxay aamin san yihiin inuu Erik yahay gacanta CIA da ee ay ku fushato dilalka iyo qaska la doonayo in laga fogeeyo Magaca Dawladda Maraykanka . 

Academi is a US security company / military company, founded in 1997, and has its headquarters in North Carolina. In December 2011, a name was changed to Academi. Wikipedia Founded: 1997 CEO: Craig Nixon (Feb 28, 2013-) Headquarters: Virginia, USA Founder:Erik Prince, Al Clark Subsidiary: International Development Solutions LLC, Blackwater Security Consulting, Academic Training Center, Inc.

Fariimo laga Jabsaday Shirkadda (Saracen International) oo aan qaar ka mid ah helay waxaa isoo jiitay farriin la diray dabayaaqaddii Bishii Diseember 2011 waxaa lagu sheegay ‘’ Dr kii sharka abuurka ahaa dhulkay ku dareen, ardayga abaal marin dheeraad ah ayuu mudan yahay’’ . Lama sheegin magacaga Dr ka la dilay markaan laakiin Farriinta oo laga soo diray Dalka Imaaraadka iyo xiligaas Dr ka kaliya ee la dilay waaDr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Oo 5 tii Diseember 2011 Magaalada Bosaso Lagu Diley, Baaritaanadii ay sameeyeen gole madax banaan oo Soomaali ah waxay sheegeen inay dileen Al-Shabaab , hassa ahaatee waxaa suura gal ah in ‘’Ardayga’’ la abaal marinayo uu yahay qof sokeeye ama shisheeye ah oo Shabaabka xiligaas taladooda wax ku lahaa.

 

Imaaraadka iyo Sucuudiga waxay ka caraysan yihiin Dawladda Qadar ay qaadatay maamulka iyo maaraynka Shidaalka mustabalka la doonayo in laga soo faago dhulka Soomaaliya , Amiirka Qadar wuxuu ku baxshay Doorashadii Xassan Shiikh 20 Milyan oo Doollar , sidoo kale waxaa la sheegayaa inay jitro lacag fara badan oo lagu bixiyay sidii loo magacaabi lahaa Xassan Khayrre , kana mid ah Saami leeyda Shirkadda musuqa lagu haysto,Som Oil and Gas, Khayrre waxaa la aamin san yahay inuu yahay ninkii ku qanciyay Xassan Shiikh inay Soomaaliya qaadato10% dakhliga kasoo xarooda Shidaalka halka ay shirkadda uu saamiga ku leeyahay Khayrre ay qaadan doonto 90%.

 

Dawladda Imaaraadka ayaa waxay xoog uga cabsi qabtaa Ururka Akhaanul Muslimiinka iyo Qowmiyiinta Carbeed inay xoog ku yeeshaan Dalalka Carabta , waxay taageero xoog leh siisaa Janaraal Xaftarka Liibiya , Calooshood u shaqaystayaal shisheeye ( Kolombiya , Koonfur Afrika ) u badan ayaa duqayn joogtaa ka wada Yemen iyo Liibiya , waxayna kasoo duulaan xerada Ciidan ee Erik iyo Al Nahyaan oo ku taalla Saxaraha Imaaraadka .

Bishii May Sanadkaan Erik wuxuu sheegay hadal uu ka jeediyay Jaamacadda Oxford , ee Ingiriiska inuu ku faanayo ‘’Calooshood ushaqaystayaashiisa’’ jooga Puntland Soomaaliya iyo Muqdisho , Ciidanka loo bixiyay (Puntland Maritime Police Force)waa ciidan ka kaliya ee haysta Diyaarado iyo hub casri ah waxaa looga gol leeyahay inay ilaaliyaan danaha Imaaraadka ee Geeska Afrika oo ah danaha reer galbadeedka salkana ku siihaya hungiraga shirkadaha waawayn ee reer galbeedku lee yihiin.

 

Shirkadda Shell oo ay Qadar Saamiga ugu badan haattan leedahay waxay ku guulaysatay inay soo dhisto Golaha Wasiiradda Soomaaliya waxayna xoogga saareen sidaan ka dheegtay war bixin aan ka helay ilo xog ogaal ah , Shell iyo Qadar waxay xoogga saareen Maamulka sare hassa ahaattee Erik Prince oo ah Gacanta CIA da Soomaaliya haattan asagoo kaashanaya Agaasimihii Xaruntii CIA da ee Muqdisho Michael Shanklin in ay ku yeeshaan Golaha Wasiiradda iyo Xafiiska Madaxwaynaha indho Soomaaliyeed ( Somali Dogs ) oo usoo tabiya waxa kasocda xarumaha Dawladda .

 

Wasaaradda Amuuraha Dibadda ee Ingriiska ayaa kiraysatay Shirkad Amaan oo si gaar ah loo lee yahay si ay u Layliso Xoogag lagula Dagaalamo ‘’Argagaxisada’’waa Ciidamo Soomaali ah oo aan ka amar qaadan Dawladda Soomaaliya , waa qodax hor leh loona dhigayo hour socod hadduuba ka jiro Soomaaliya .

 

NISSA waxaa askun keeda lahaa CIA waxayna ka maamushaa daaha gadaashiisa , Taliyaashii ka horeeyay ninka haattan ‘’Maamula ‘’ NISSA oo aan la xariiray kumaysan faraxsanayn in Hay’adda maamulkeeda la Soomaaliyeeyo lagana nadiifiyo danaha qalooca ee ay shisheeyaha dalka iyo dadka curyaaminaya u qabtaan .

 

F.Xiirane ( NSS 1976-1991)

fahiira@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip