Guddoomiye Kaliil oo gaaray Garbahaareey iyo Ciidamada Itoobiya oo isku gadaamay hooygiisa

0
Monday September 07, 2015 - 14:18:27 in Wararka by
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Kaliil oo gaaray Garbahaareey iyo Ciidamada Itoobiya oo isku gadaamay hooygiisa

    Guddoomiyihii Gobolka Gedo ee Dowladda Federalka Somaliya Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa xalay gaaray Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, isaga oo wata ciidamo aad u badan oo uu ka abaabulay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Ceelwaaq. Wararka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii Gobolka Gedo ee Dowladda Federalka Somaliya Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa xalay gaaray Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, isaga oo wata ciidamo aad u badan oo uu ka abaabulay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Ceelwaaq. Wararka ayaa sheegaya maanta barqadii ciidamada Itoobiya inay isku gadaameen hooyga Magaalada Garbahaareey uu ka degan yahay Guddoomiyihii Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, xilli saaka Magaalada ay ka taagneyd xiisad dagaal oo adag. Ciidamada Itoobiya ayaa hareereeyay hooyga Maxamed Cabdi Kaliil, xilli ay wada joogaan Kaliil Iimaan Cadoow Kaarshe oo ah Guddoomiyihii Magaalada Garbahaareey.

     Dagaal ayaa laga cabsi qabaa inuu ka dhaco Magaalada Garbahaareey, maadaama Kaliil uu wato ciidamo badan, halka ciidamada Itoobiyana ay hareereeyeen gurigiisa oo ay doonayaan inay kaxeystaan Kaliil.

         Waxaa xusid mudan horay in Gobolka Gedo looga soo masaafuriyay Maxamed Cabdi Kaliil, balse abaabul kadib uu dib ugu laabtay Magaaladaasi.

Luul Nuur Cali oo ka mid ah haweenka Magaalada Garbahaareey ayaa ku eedeysay ciidamada Itoobiya inay dhibaato ka wadaan Magaalada Garbahaareey, maadaama shacabka ay ku dirqinayaan maamul aysan dooneyn.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in inta badan ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Magaalada Garbahaareey ay ka baxeen Magaaladaasi, waxaana laga cabsi qabaa in Xoogaga Shabaab ay soo weerareen Magaalada Garbahaareey.

      Garbahaareey hada waxaa ku wada sugan Maamul uu soo magacaabay Axmed Madoobe iyo sidoo kale Guddoomiyihii Gedo ee xilka uu ka qaaday Axmed Madoobe, waxaana muuqata xaalad kacsanaan ah oo Magaalada ka taagan. XIGASHO DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip