Dowladda Qatar oo wax aan macquul aheyn ku tilmaamtay fulinta dalabkii Xulafada Sacuudiga

0
Saturday June 24, 2017 - 20:20:21 in Wararka by
  • Visits: 373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Qatar oo wax aan macquul aheyn ku tilmaamtay fulinta dalabkii Xulafada Sacuudiga

    Dowladda Qatar ayaa iska diiday dalab ka yimid Xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga, kaasoo ahaa 13 qodob oo shuruud looga dhigay inay fuliso, hadii ay rabto in laga qaado xayiraada Diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale ee la saaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Qatar ayaa iska diiday dalab ka yimid Xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga, kaasoo ahaa 13 qodob oo shuruud looga dhigay inay fuliso, hadii ay rabto in laga qaado xayiraada Diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale ee la saaray.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa arrin aan macquul aheyn ku tilmaamtay dalabkaas oo ay ku jirtay in Albaabada la isugu dhifto Telefishinka afka dheer ee Al Jazeera.

Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo labo todobaad ka hor ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen Qatar ayaa shuruud ku xirtay Qatar in 10 maalmood gudahood ku fuliso dalab ay u jeediyeen, hadii ay rabto in laga qaado xayiraada.

Shuruudaha lagu xiray waxaa ka mid ah, inay hoos u dhigaan xiriirka ay la leeyihiin Iiraan, in saldhigga Milateri ee Turkey ka siisay dalkeeda la xiro, in la joojiyo maalgelinta Ururada Argagixisada, in la xiro Telefishibka Al Jazeera iyo qodobo kale.

Telefishinka Al Jazeera ayaa ku eedeeyay Xulafada Sacuudiga inay isku dayayaan inay Aamusiyaan Xoriyadda Hadalka.

Qatar ayaa iska fogeysay inay dhaqaale siiso Argagixisada, waxaana ay beenisay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip