Maxay tahay maslaxadda Soomaaliya ugu jirta go'doominta ay Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Qadar ?

0
Wednesday June 21, 2017 - 22:18:12 in Maqaallo by
  • Visits: 1078
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay tahay maslaxadda Soomaaliya ugu jirta go'doominta ay Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Qadar ?

    Inta aanan ka jawaabin su'aasha aan cinwaanka uga dhigay qormadeena ee oroneysa: Maxaa maslaxad oo Soomaaliya uga jirta taageeridda go'doominta ayImaaraadka iyo xulafadiisuku sameynayaan dalka Qadar ee muslimka. Aan marka horewaxoogaa ka wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta aanan ka jawaabin su'aasha aan cinwaanka uga dhigay qormadeena ee oroneysa: Maxaa maslaxad oo Soomaaliya uga jirta taageeridda go'doominta ayImaaraadka iyo xulafadiisuku sameynayaan dalka Qadar ee muslimka. Aan marka horewaxoogaa ka warammo dowrka muuqda eeQadar ayku laadahaysaaxada dowladiga, Gaar agaan mandiqadda Bariga Dhexe, Iyo kaalinta ay ka qaadato xalinta xilaafaadyada iyo nizaacaadka u dhaxeeya dadyowga ku noolDunida oo waayadan aad mooddo in uukhilaafaadkoodu faraha ka siibaxayo.

Dalka Qadar,Ayaa cayaarayo dowr weyn oo aan la dhayalsan karin, Kaasi oo mararka qaar ka weyn xajmigiisa dhuleed iyo midkiisa dadeed, Gaar ahaan marka ay timaaddoxalinta khilaafaadyada iyo nizaacaadka u dhexeeya dalalka iyo shucuubta ku noolCaalamkan siisocda. Waxa uu sidoo kale dalkanicayaaraa dowr bini’aadamnimo, khaasatan sii denta iyo fududeyntadadyowga lagu qabsado goobaha aycolaadaha ka jiraan meeshay doonaanba ha ka soo jeedaane sida aad Adinkuba la socotaan.

HadabaIyadoo (Qadar) ka faa’ideysaneya dhaqaalaheeda baaxadda leh ee ay haysato, Ayaa waxa aycayaartay dowrar muuqda oo lagu xalinayey khilaafaadyo soo dhexmaray dalal badan sida Jabuuti iyo Ereteriya oo kale, Halkaasioo ay u dirtay ciidamo kala dhexgala dalalkaasi. Waxa ay sidoo kaleka qeybqaadatay xal u raadinta mishkilado badan sida mishkilddaka aloosnaa gobolka Daafuur ee dalkaSuuddan oo kale. Waxa ay sidookale Qadarka qeybqaadatay soo deynta dad badan oo lagu qabsaday goobo ay colaadi ka jirtay sida Siiriya oo kale.

Dalkan yar, Ayaa mooddaa in uu go’aansaday in uu ka dhexmuuqdo saaxada Caalamka, Isagoo ka faa’iideysanayo dhaqaalaha baaxadda leh ee uu leeyahay iyo waliba hogaankiisa ay kartida badanika muuqato, Kaasi oo doonayo in uu dalkiisa u abuurosumcad iyo ixtiraam weyn oo ka dhexmuuqada saaxada dowliga iyo walibamandiqadda uu dalkaasi ku yaallo, Oo runtii ay ku yaalllaan dalal waa weyn sida Sacuudiga, Turkiga iyo waliba Iiran oo kale, Kuwaasi oo Qadar ka dad badan, Islamarkaama ka dhul weyn.

Marka aad u fiirsato dowrka ay Qadar cayaareyso, Gaar ahaan qadiyaaadka la xariira Caalamka Carabta,kan Islaamka iyo walibagacan kageysasheeda la xariirta xalinta khilaafaadyada iyo nizaacaadkau dhaxeeya dalalka iyo Shacuubta Caalamka, Ayaad mooddaa inarinkaasiu soo jiidday in la colaadiyo. Tusaale ahaan, maxaa ka maqanSacuudiga oo uu Qadar ucolaadinayaa ? Sow ma’ahan maxaad nooga saameyn badatay Anagaaba kaa dhul weyne ? Ma danbi baain lataageero Muslimiinta la dhibo ? Ma jariimaa in si bini’aamdnimo ahloosoo dhaweeyo culimada iyo shaqsiyaadka ka soo cararaydigtaytarada iyo kuwa xukunkasharcidarada ku haysto ?

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan cinwaan uga dhigay: Maxaa maslaxad oo Soomaaliya ugu jira go’doominta ay Imaaraadka iyo xulafadiisu ku sameynayaan dalka Qadar ee muslimka? Arintan (qorista qormadan), Ayaa igu dhalatay ka dib markii aan maqlay siyaasiyiin Soomaali ah oo ku doodayo in la raaco Sacuudiga iyo xulafadiisa si loo ilaaliyo maxlaxadda Soomaalida oo ay sheegeen in ay ku jirto taageeriddaSacuudiga iyo xulafadiisa sida Imaaraadka oo kale ? Hadabo, Waa maxay maslaxadda Soomaaliya ugu jiri karta go’doomin lagu sameynayodal muslim ah fii Ramadaan?

Anigu, Runtii ma garanayo waxmaslaxad oo ku jirta in lataageero go’doomin lagu sameynayo dalMuslim ah oo aan walibawaxba geysan marka laga reebo in uu taageero qadiyaadka Muslimiinta sida qadiyadda Falastiiniyiinta oo kale, Iyo walibataageeridda uu u muujiyo kacdoonada ay sameynayaan shucuubta Carabta oo runtiiku daashay xukunka oo xoog lagu haysto iyo inla iska dhaxlo. Dadweynaha Soomaaliyeed, Ma waxa ay maslaxad u arkaanin la cunaqabateeyo shacab walaalahoodaooaan waxba galabsan, Iyadoo waliba lagu jiro bil barakeysan !!

Maxaa ka fiican inaad dhexdhexaad ka noqoto walaalo is khilaafay oo heshiin kara waqti kasta maadaama ayka dhaxeeyaan xiriir aad u weyn ? Maxaa kaloo ka fiican inaan dhexdhexaad noqoto si aad labada dhinac ugu baaqdo in ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafaadkoodan laga hagayo meelaha kale ? Tan kale, Dhexdhexaadnimadu miyaa laga fahmayaa inaad dhinac la safatay ? Sow dhexdhexaadnimadu ma’ahan inaad dhexdhexaad ka tahay labada dhinac ee ishayo ? Mise Af-Soomaliga ayaan la garaneynin ? Waa maxay dhinac hala raacadan la sheegayo?

Tan kale,Aaway tacaaliimtii Islaamka iyo dhaqankii wanaagsanaa ee dadka Soomaalida ? Islaamku, Ma waxaa uu nafarayaa inaan wax walba ka fiirinno maslaxadeena gaarka xitaa haddii dad kale la dulminayo ? Dhaqankeennu, Ma waxa uu sheegayaa inaan nahay dad calooshooda u shaqeystayaal oo aan mabaadi’ lahayn, Islamarkaana aan xor ahayn ? Sucuudigu gar ma u leeyahay in uu isku xiro wax aan shaqo isku lahayn ? Dowladnimaduse masidaas bayu shaqeysaa ? Maxaa dadka loo bajinayaa oo looga dhigayaa in ay yihiindad ku qasban in ay raacaan waxii loo yeeriyaba ? Aawayse isbadalkii 8-dii Feebaraayo ?

Midda kale, Yaad raaceysaa haddii ay iska horyimaadaan mabaadi’daada iyo masaalixdaada maadiga ? Anigu, Waxaan qabaa runtiiinaad raaceyso mabaadi’daada maadaama ay Iyagu asalka yihiin. Tusaale ahaan, Ma masaalix dhaqaalo ayaad ka raaceysaadiintaada,dhaqankaaga, madaxbanaanidaadaiyo walibaqiyamkaaga insaaniga. Bal fiiriya waxa maantahaysta dowladda Jabuuti ee sida indho la’aanta u raacday Sacuudiga iyo xulafadiisa, Iyadoona ilaawday in Qadar ay ciidamo ka joogaan xuduudda u dhaxeysa Iyagaiyo Ereteriyaanka.

Anigu, Waxan runtiika fahmay Siyaasiyiintii ku baaqeysey in la raacoSacuudiga iyo xulafadiisa in ay yihiin dadaan macno badan lahayn, Islamarkaana aan diin iyo dhaqan midnaxushmad u hayn. Waxaan kaloo ka fahmay inay yihiin dad aan lahaynqiyam insaani ah, Maadaama ay taageerayaan go’doomin lagu sameynayo shacab Muslim ooaan waxba galabsan. Waxaan kaloo fahmay in qofka muslimka ahi uu qiimo leeyahay, Gaar ahaanmarka uu ixtiraamayo diintiisa iyo dhaqankiisa.Ma waxaa wax walba loo sameynayadhismaha labada dekadood ee xun xun? Aawayse diintii iyo dhaqankii iyo waliba qiyamkii insaaniga ?

Tan kale, Sow lama oga inImaaraadka iyo xulafadiisu aysan ku wajahneyn Qadar oo qura, Balay sidoo kale ku wajahan yihiin dowladdaTurkiga ee uu hogaamiyo Madaxweyne Ordogaanoo ay u arkaan Isaga iyodowladdiisa iyo walibanidaamka dimoqoraadiga ee uu ku soo baxay in ay caqabad ku yihiinxukunkoodan liita ee ay xoogga ku haysaan. Ma og tihiin in dowladahan aysan jeclayn nidaamka xukunkalagu kala wareego sida doorashooyinka oo kale iyo walibasaxaafadda xorta ah?

Anigu, Waxaan qabaa runtiiinDowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay go’aan wanaagsan ka qaadatay qadiyaddan, Loona baahan yahay in lagu adkeysto go’aankaasi shariifka ah ee ay taariikhdu xusi doonto. Waxaa kaloo qabaa in Dowladda Federaalkaay waftiyo u dirto dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Kuweyt iyoMasar, Si ay ugu sharaxdo go’aankeeda iyo waxa uu daaran yahayba iyo walibasida ay udaneyneyso in khilaafkan lagu dhameeyo wadahadal iyo is-afgarad walaalnimo.

Gabogabadii iyo gunaanudkii, Haddii aan mar kale isweydiino: Maxaa maslaxad ah ooSoomaaliya ugu jirtataageeriddago’doomin lagu sameynayo dalka Qadar ee Muslimka ah ? Jawaabtu, Waxaan leenahay ma jirto waxmaslaxad oo Soomaaliya ugujirta in la taageero go’doomin lagu sameynayo shacab Muslim ahxitaa haddii ay noogu caroonayaan dalal uu Sacuudigaka mid yahay sababtoo ah, Anigu waxaan nahay dal u madaxbanaan qaraaraadkiisa, Islamarkaana go’aanadiisa ku saleeya diintiisa iyo dhaqankiisa suuban. Ma nihin dad dhaqaalo ku badasha qiyamkooda xittaa hadii ay tabaryar yihiin.

Xusuusin: Qoramdeyda danbe, Waxaan kaga hadli doonaa qormo aan cinwaan uga dhigay: Faa’iido intee le’eg ayaa Dowladda Federaalka ugu jirta dhismaha maamul goboleedka Khaatumo iyo Maakhir State si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka?

W/Q: MaxamedIbrahim (Ragow)



Ragow1960@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip