Chelsea Iyo Atletico Madrid Oo Bilaabay Wadahadalka Heshiiska Diego Costa Inkastoo Kooxda Reer Spain Ay Xayiraad Ka Saaran Tahay Suuqa Kala Iibsiga

0
Wednesday June 21, 2017 - 12:03:20 in Sports News by
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Iyo Atletico Madrid Oo Bilaabay Wadahadalka Heshiiska Diego Costa Inkastoo Kooxda Reer Spain Ay Xayiraad Ka Saaran Tahay Suuqa Kala Iibsiga

    Chelsea ayaa wadahadalo ku saabsan iska iibinta Diego Costa waxa ay la bilowday Atletico Madrid kuwaasoo ay saaran tahay xayiraad suuqa kala iibsiga ah taasoo la micno ah inuusan weeraryahanka u ciyaari karin kooxda ilaa 2018.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa wadahadalo ku saabsan iska iibinta Diego Costa waxa ay la bilowday Atletico Madrid kuwaasoo ay saaran tahay xayiraad suuqa kala iibsiga ah taasoo la micno ah inuusan weeraryahanka u ciyaari karin kooxda ilaa 2018.

Kooxda reer Spain ayaa u dhaqaaqday inay dib u la soo wareegaan ninkii ay ka iibiyeen Blues seddex sannadood ka hor, iyadoo tababare Antonio Conte uu sheegay in Costa uusan u ciyaari doonin Chelsea mar kale.

Haddii Atletico Madrid ay heshiis la gaarto kooxda heysata koobka Premier League waxa ay amaah ku fasixi doonaan Costa qeybta hore ee xilli ciyaareedka soo socda ka hor inta aysan soo ceshanin bisha Janaayo.

28 jirkaan reer Spain ayaa mustaqbalkiisa si degdeg loo xalin doonaa, isagoo ka warqaba in haddii uu bisha danbe ku laabto Chelsea oo booqaneysa bariga Fog inuu kursiga keydka geli doono.

Kooxda Blues ayaa dooneysa inay si kastaba iska iibiso xagaagan, laakiin waxa ay walaac ka qabaan in fariintii uu Conte ku ogeysiiyay Costa inuu baxayo inay saameyn ku yeelato qiimihiisa suuqa kala iibsiga.

Waxa ay weli doonayaan inay lacag fiican ku helaan ciyaaryahan dhaliyay 20 gool labo ka mid ah seddex xilli ciyaareed ee ugu danbeysay iyadoo mid walba ay muhim u aheyd hanashada horyaalka.

Madaxa wadahadalka ee Chelsea Marina Granovskaia ayaa la sheegay inay Costa ku dooneyso 50 milyan ginni, inkastoo kashifitaankii la xiriiray inuu baxayo laga baqayo in qiimihiisa uu hoos uga dhaco malaayiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip