Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Saaka Oo Arbaco Ah

0
Wednesday June 21, 2017 - 11:58:48 in Sports News by
  • Visits: 662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Saaka Oo Arbaco Ah

    Chelsea ayaa u dhaqaaqday saxiixa maashiinka goolasha Bayern Munich Robert Lewandowski.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa u dhaqaaqday saxiixa maashiinka goolasha Bayern Munich Robert Lewandowski.

daily mirror

 

Dhanka kale kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa wadahadal kala bilowday Atletico Madrid heshiiska 50ka milyan ginni ee Diego Costa inkastoo xayiraada ka saaran suuqa kala iibsiga ay la micno tahay inuusan u ciyaari doonin iyaga ilaa iyo 2018.

Liverpool ayaa bixin doonta lacag rikoor u ah suuqooda kala iibsiga oo gaareysa 39 milyan ginni si ay u dhameystiraan saxiixa xiddiga AS Roma Mohamed Salah dhamaadka isbuucaan, seddex sanno ka dib markii ay diideen inay 10 milyan ginni ka bixiyaan markii uu joogay Basel

Chelsea ayaa tartan adag weli kala kulmeysa kooxaha Bayern Munich iyo Manchester United oo ku aadan saxiixa Romelu Lukaku.

Juventus ayaa u calaamadeysatay daafaca midig ee Arsenal Hector Bellerin iyo daafaca Man United Matteo Darmian bedelka Dani Alves kaasoo ay



 

eyrsanaaya Manchester City iyo Chelesea

the sun

Arsenal ayaa diiday dalab 4 milyan ginni ah oo ay Juventus ka soo gudbisay goolhaye Wojciech Szczesny, iyagoo ku doonaya 13 milyan ginni goolhayaha amaahda ku jooga Roma.

West Borm ayaa diyaar u ah inay ka dhigto Jonny Evans ciyaaryahankii ugu horeeyay kooxda ee mushahar ahaan u qaata 100 kun ginni isbuucii.

Southampton ayaa diyaar u ah inay u magacowdo Mauricio Pellegrini tababarahooda cusub haddii uu balanqaado inuusan u isticmaali doonin kooxdooda meel uu kaga sii gudbo kooxaha waa weyn.

Swansea ayaa isku dayaysa inay Premier League ku soo celiso daaficii hore ee Liverpool Martin Skrtel.

daily star
Manchester City ayaa loo sheegay inay bixiso 45 milyan ginni haddii ay doonayaan daafaca midig ee Tottenham Kyle Walker.

daily telegraph

Arsenal ayaa wadahadalo qandaraas cusbooneysiin ah la fureysa Aaron Ramsey taasoo qeyb ka ah in laga fogaado in mustaqbalka ciyaaryahanka uu noqdo mid aan la hubin xagaaga danbe.

John Terry ayaa si dhab ah uga fekeraya inuu ka ciyaaro meel ka baxsan England inkastoo Aston Villa ay weli si weyn u dooneyso.

the times

Chelsea ayaa ka heli doonta Roma lacag gaareysa 2.7 milyan ginni marka Mohamed Salah uu dhameystiro ku biiritaankiisa Liverpool taasoo qeyb ka aheyd heshiiskii ay Blues kaga iibisay xiddiga reer Masar kooxda Talyaaniga.

Daafaca Manchester City Eliaquim Mangala ayaa joogay magaalada Lyons xalayo isagoo isku dayaya inuu heshiis la gaaro kooxda Faransiiska.

the guardian

Dani Alves ayaa u sheegay Juventus inuu doonayo inuu baxo xilli Manchester City ay xiiseyneyso daafaca midig.

the independent

Arsenal ayaa u sheegtay Barcelona in Hector Bellerin uusan iib aheyn, waxaana ay filayaan inuu daafaca reer Spain ku sii negaado Emirates Stadium.

Goolhayaha Liverpool Loris Karius ayaa u sheegay tababare Jurgen Klopp inuu doonayo inuu sii joogo kooxda oo uu u dagaalamo booskiisa Anfield.

daily mail

Arsenal ayaa ka baqeysa in xiddiga Monaco Kylian Mbappe inuu ku biiro Real Madrid iyagoo haatan dadaalkooda oo dhan isagu geynaya soo xerogelinta weeraryahanka Lyon Alexandre Lacazette.

Daafaca Juventus Dani Alves ayaa ku dhow inuu heshiis labo sannadood ah la gaaro Manchester City inkastoo ay xiiseyneyso Chelsea.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip