Al-Shabaab oo soo bandhigtay Sawirro muujinaya weerarkii Janaale

0
Monday September 07, 2015 - 14:12:34 in Wararka by
  • Visits: 1530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo soo bandhigtay Sawirro muujinaya weerarkii Janaale

    Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawiro muujinaya weerarkii 1-dii bishan September ay ku qaaday Saldhig Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ku lahaayeen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawiro muujinaya weerarkii 1-dii bishan September ay ku qaaday Saldhig Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ku lahaayeen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka oo ahaa kii labaad oo noociisa oo ka dhacay Shabeellaha Hoose, laguna qaado Saldhigyada Ciidamada AMISOM ayaa Al-Shabaab u adeegsaday qarax weyn oo gaari lagu fuliyay, dabadeedna dagaalyahano aad u fara badan ay xerada dhowr jiho ka weerareen.

Sawirada la soo bandhigay ayaa muujinayay Meydadka Askarta Ciidamada AMISOM, Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo dareyska milateri xirnaa, iyo calaamad gaduudan madaxa kaga duubneyd, iyo gaadiid dagaal oo ay u adeegsadeen weerarka.

Waxaa kaloo Al-Shabaab xerada ka heleen saanad hub ah oo ay kala baxeen Konteenar uu ciidamada AMISOM hubka ugu xareysnaa oo yaallay saldhiga ay degenaayeen.

Sawirada waxaa lagu baahiyay Barta Facebook ee Idaacada afka Shabaab ku hadasha ee Andulus iyo baraha kale ee bulshada iyo kuwa Internet ee Al-Shabaab taageera

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas todobaadkii hore dhacay ay ku dishay in ka badan 50-askari, isla markaana ay ugu aar-guday shacabkii Ciidamada AMISOM ku xasuuqday magaalada Marka 31-kii bishii July.

Laakiin dowladda Uganda ayaa beenisay wararka sheegaya in kontameeyo askari laga dilay, waxaana afhayeen u hadlay Ciidamada Uganda Paddy Ankunda uu sheegay in 12 askari weerarkaas looga dilay.

Weerarkan lagu qaaday Xerada Janaale ayaa ku soo beegmay sanad-guuradii koowaad geeridii Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr oo loo yaqaanay Axmed Cabdi Godane oo 1-dii bishii September sanadkii 2014 duqeyn ay fulisay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka lagu dilay.


janaale weerar (1) janaale weerar (2) janaale weerar (3) janaale weerar (4) janaale weerar (5) janaale weerar (6) janaale weerar (7) janaale weerar (8) janaale weerar (10) janaale weerar (12) janaale weerar (13) janaale weerar (14) janaale weerar (15)

XIGASHO:-JOWHAR.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip