Baarlamaanka Dalka Oo Ansixiyay Sharciga Maalgashiga Shisheeye

0
Monday November 23, 2015 - 23:27:59 in Wararka by
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Dalka Oo Ansixiyay Sharciga Maalgashiga Shisheeye

    Kulanka baarlamaanka ee maanta waxa ay xildhibaanadu guda galeen u codeynta hindise sharciyeedka maalgashiga Shisheeye oo soo maray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka baarlamaanka ee maanta waxa ay xildhibaanadu guda galeen u codeynta hindise sharciyeedka maalgashiga Shisheeye oo soo maray

marxaldooyinkii kale duwanaa ee loogu talo galay in ay maraan sharciyada ka gudbaya baarlamaanka, waxaana u codeeyay sharcigani codeyn gacan taag ku ogolaatay 143 Xildhibaan hal xildhibaan ayaa diiday halka 3 kalena waa ay ka aamuseen sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacbaka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir guddoominayay shirkii maanta.

U codeynta hindise sharciyeedka maalgashiga shisheeye ka dib waxaa xildhibaannada baarlmaanka ugu mahadceliyay in sharcigaasi ay meel mariyaan oo ay guteen waajib Dastuuri ah Wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya mudane Maxamed Xasan Aadan.

Afhayeenka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku hadlayay magaca guddoonka iyo kan xildhibaanadda ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Safiirka Soomaaliya ee u fadhiyay dalka Masar iyo suldaan ka mid ahaa isimadii soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka ee hadda jira oo isaguna geeriyooday kaasi oo lagu magacaabi jiray Suldaan C/llaahi Kibaar Faarax, waxaana uu ilaah uga baryay labadaasi marxuum in naxariistee eebe uu siiyo Qabrigana uu ilaah u nuuriyo.

Ugu dambeyn, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee dhawaan soo kormeeray xuduudda ay Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta xuduudda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip