WARAN-CADE Turkiga iyo Soomaaliya waxay ka Shaqeynayeen Shirqool ka dhan ah Somaliland

0
Monday November 23, 2015 - 19:34:34 in Wararka by
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARAN-CADE Turkiga iyo Soomaaliya waxay ka Shaqeynayeen Shirqool ka dhan ah Somaliland

    Xukuumadda Somaliland ayaa sheegay inay ka fiir-sanayso xidhiidhkii ay la lahayd dalka Turkiga, waxaanay ku eedeeyey inay dabin daabyo u dhigayso madax banaanidda Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegay inay ka fiir-sanayso xidhiidhkii ay la lahayd dalka Turkiga, waxaanay ku eedeeyey inay dabin daabyo u dhigayso madax banaanidda Somaliland.
Wasiirka arrimaha gudaha Cali Waran Cadde oo warbaahinta kula hadlayey magaaladda Ceerigaabo ayaa sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya doonayaan in wada hadalkii socon waayey u wareejiyaan bulshada rayidka ah iyo madax dhaqameedka, waxaanu uga digay ciddii ka qaybgashay shirarkaasi Soomaaliya sharciga la waafajin doonno.

"Waxaanu jawaab ka bixinaynaa shirqool la doonayay in lagu dumiyo Somaliland, taasoo in muddo ah ay ka shaqaynayeen dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya inay ka shaqeeyaan sidii loo maro habaabin lahaa madax banaanidda iyo midnimada Somaliland”

Wasiir Waran Cadde ayaa sheegay in dawlada Turkiga isku meeqaam dhigtay Somaliland iyo dadka Kurdiska ah ee madax banaanidda raba, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "waxaanu Turkigu dalkooda ku qaban jireen wada hadalo u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia oo aanu u fahanay ujeedadadda shirarkaasi kuwo lagaga meeqaam dhigayo bulshadda kurdiska ah ee gumaadka iyo foolxumada ku hayso Turkigu oo runtii haddii ay doonayso inay na kala saarto in dadka Turkiga ah ee dhibaataysan ay wax ka qabato, waxa Somaliland iska garatay dabin-daabyadaasi ku jiray shirarkaasi waxayna ka maagtay wada-hadalkii Turkiga ka socday inuu sii socdo, waxaana shakigaasi aanu u bandhignay beesha caalamka waxaana u sheegnay in meel dambe oo Turkigu halkiigii joogo ka hada hadli doonin anaga iyo Soomaaliya balse madal caalamku u dhan yahay ku wada hadli karno”.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu bulshadda iyo madax dhaqameedka uga digay inay ka qayb-galaan shirarkaasi, isla markana cidii ka qaybgasha sharciga la horgeyni doonno, waxa kale oo uu sheegay in shirarka doorashooyinka Somalia lagaga hadlayo u gaar tahay Somalia, isla markaana aanay khuseyn Somaliland, isagoo siyaasiyiinta Somalia jooga ku tilmaamy qaar u shaqo tagay oo bulshadda Somaliland saameyn.

Dhinac kale, Af-hayeenka madax dhaqameedka Somaliland, Suldaan Yuusuf Xiirey ayaa sheegay inuu soo jeediyay in laga qayb-galiyo wadahadalka u socda Somaliland & Somalia maadaama oo madax dhaqameedku masuul ka yihiin bulshadda.

"Waxaanu soo jeedinay in madax dhaqameedka laga qayb-galiyo wadahadalada maadaama oo bulshada masuul ka yihiin oo siyaasiyiinta laftooda anagu madax dhaqameed u nahay,” ayuu yidhi Suldaan Yuusuf Xiirey.

Suldaanka oo la waydiiyey inay casuumad ka heleen dawladda Turkiga oo la sheegay in wada hadaladda doorkan ay casuumayaan madax dhaqameedka ayaa sheegay in aanay jirin casumad ay heleen, laakiinse ay muhiim tahay in siyaasiyiinta oo kale lagu koobin wada-hadalada u socda Somaliland iyo Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip