Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo looga Digay Khilaaf soo Dhex-gala

0
Sunday September 06, 2015 - 12:11:31 in Wararka by
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo looga Digay Khilaaf soo Dhex-gala

    Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo ay u arkeen mid keenaya khilaaf soo dhexgala xildihbaannada baarlamaanka Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo ay u arkeen mid keenaya khilaaf soo dhexgala xildihbaannada baarlamaanka Somalia.



        Siyaasiyiintan Soomaaliyeed ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay kala aragti-duwanaanshahaan soo dhexgalay Golaha Baarlamaanka Somalia iyo sidoo kale mooshinnada is-barba-socda.

Mooshinka ka yaalla Madaxweynaha ayuu sheegay in loo baahan yahay in loo maro qaab sharci ah, islamarkaana aan la carqaladeyn hanaanka la hiigsanayo ee Sanadkan 2016-ka.

      Sidoo kale, siyaasiyiintan ayaa sheegay in Xildhibaannada Baarlamaanka uu waajib ka saaran yahay dalkooda iyo dadka ay matalaan, ayna yihiin Sharci-dajintii dalka; sidaa darteedna aysan muran iyo is-qabsi ka keenin mooshinka yaalla baarlamaanka.

      "Cid walba oo khalad lagu tuhmo in lala xisaabtamo waa waajib, xildhibaannadana waxaa looga baahan yahay inay mooshin walba oo la hor-keeni ay sharciga mariyaan oo uusan muran soo dhex-gelin,” ayay xubnahan siyaasiyiinta ah ku yiraahdeen warbixintooda.

      Ugu dambeyn, Digniinta Siyaasiyiintan ee ku aaddan in xildhibaannada Golaha Shacabka ay ka digtoonaadaan khilaaf soo dhex-gala ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay baarlamaanka horyaallaan laba mooshin oo iska soo horjeeda




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip