Ronaldo oo loo haysto dambi ah inuu kala dhuuntay dalka Spain canshuur badan

0
Tuesday June 13, 2017 - 22:04:49 in Wararka by
  • Visits: 591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldo oo loo haysto dambi ah inuu kala dhuuntay dalka Spain canshuur badan

    Weeraryahanka kooxda dhowaan ku guuleysatay Horyaalka Yurub iyo xulka dalkiisa ee Portuqal Cristiano Ronald ayaa lagu eedeeyay in uu dawladda Spain ka khayaanay canshuuro gaaraya malaayiin doolar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka kooxda dhowaan ku guuleysatay Horyaalka Yurub iyo xulka dalkiisa ee Portuqal Cristiano Ronald ayaa lagu eedeeyay in uu dawladda Spain ka khayaanay canshuuro gaaraya malaayiin doolar.

Xafiiska dacwad oogeyaasha dalka Spain ee magaalada Madrid ayaa sheegay inay gudbiyeen dacwad ka dhan ah ciyaaryahanka reer Boortaqiis.Ronaldo ayaa lagu eedeeyay in uusan bixinin 16 milyan oo doolar oo canshuur ah intii u dhaxaysay 2011kii ilaa 2014kii.

Ciyaaryahannka lacagta ugu badan lasiiyo ayaa horay u sheegay in uusan ka cabsiqabin baaritaannada la xiriira canshuuraha maadaama oo aysan jirin wax uu qarinayo.

Hadda waxaa lagu eedaynayaa in uu si ula kac ah u adeegsaday "qaab ganacsi” si uu u qariyo dhaqaalaha ka soo gala xuquuqda sawirradiisa.Macluumaad la dusiyay bishii Desembar ee sannadkii hore ayaa tilmaamaya in Ronaldo uusan canshuuro ka bixinin lacago soo galay oo la sheegay in ay yaalaan meel Spain ka baxsan.Hase yeeshee eedeymaha ah in uu canshuur la dhuuntay wuu diiday ciyaaryahanka reer Portuqal

Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahanka ugu mushaarka badan leh caalamka sanadkii labaad ee isku xiga sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’ada Forbes oo ka hadasha arrimaha dhaqaalaha dadka ku nool caalamka.

Ciyaaryahankan ayaa sanadkii hore waxaa soo gashay lacag gaareys $93m (£72.05m) taasoo isugu jirta mushaarka uu qaatay,gunno iyo lacago ka soo galay shirkadaha wax xayaysiiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip