Dowladda Maraykanka oo CiidamadaUgandaku wareejiyay Gaadiid u adkaysan kara miinada.+ Sawiro

0
Monday November 23, 2015 - 10:55:52 in Wararka by
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Maraykanka oo CiidamadaUgandaku wareejiyay Gaadiid u adkaysan kara miinada.+ Sawiro

    Ciidamada Maraykanka ayaa waxay Ciiddanka Ugandaku tababareen Xeradda Singo oo ku taalla Uganda, si loogu tababaro isticmaalka gaadiidka u adkeysan kara inay dul-maraan miinooyinka iyo qaraxyadda kale ee jidka loogu aaso gawaarida AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Maraykanka ayaa waxay Ciiddanka Ugandaku tababareen Xeradda Singo oo ku taalla Uganda, si loogu tababaro isticmaalka gaadiidka u adkeysan kara inay dul-maraan miinooyinka iyo qaraxyadda kale ee jidka loogu aaso gawaarida AMISOM. Tababarkaan ayaa noqonaaya kii labaad oo ay Ciiddanka Mariniska Maraykanka u fidiyaan Milliteriga Uganda, iyadoo uu Hawlgalkii Koowaad bilowday dabayaaqaddii bishii August ee la soo dhaafay

Ku-xigeenka Koowaad ee Kooxda Tababarka Lojististikada Mariniska Maraykanka 1st Lt. Christopher Leisring, ayaa sheegay in Hawlgalkan cusub lagu barayo Ciiddanka Uganda isticmaalka gaadiidka u adkeysan kara miinooyinka iyo weeraradda dhabagalka ah (mine-resistant, ambush protected vechile).

Dowladda Maraykanka waxay bilowgii sannadkan sheegeen inay Gaadiidkaasi u soo diri doonaan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Gaadiidkaasi ayaa la sheegay inay Hawlgalka AMISOM ka taageeri doonaan La-dagaalanka Al-Shabaab iyo khatarta ay Gaadiidka AMISOM kala kulmi jireen miinooyinka loogu aaso Waddooyinka.

Madaxa Mariniska Maraykanka1st Lt. Christopher Leisring ayaa sheegay in loo baahan yahay in la fahmo isticmaalka gaadiidkaasi si loo helo dhaqdhaqaaqa madaxa-bannaan ee Gaadiidka ee deegaanadda khatarta ah.

1 (1) 1 (2) 1 (3) 1 (4) 1 (5) 1 (6) 1 (7) mrap2

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip