UNICEF Oo Warbixin ka Diyaarisey Xaalada Bini"Aadanimo Ee Soomaaliya

0
Tuesday May 23, 2017 - 21:27:43 in Wararka by
  • Visits: 459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UNICEF Oo Warbixin ka Diyaarisey Xaalada Bini"Aadanimo Ee Soomaaliya

    Qiyaasyo la sameeyay illaa 4-milyan oo caruur ah ayaa si degdeg ah ugu baahnaan doona kaalmooyin bini'aadanimo oo loo fidiyo Soomaaliya,inkastoo howlo badan oo gurmad ah laga fuliyay gudaha dalka. Hey'adda ayaa sheegtay in qiimeyn la samee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qiyaasyo la sameeyay illaa 4-milyan oo caruur ah ayaa si degdeg ah ugu baahnaan doona kaalmooyin bini'aadanimo oo loo fidiyo Soomaaliya,inkastoo howlo badan oo gurmad ah laga fuliyay gudaha dalka. Hey'adda ayaa sheegtay in qiimeyn la sameeyay ay muujinayaan in xilligga Jiilaalka ee soo socda ay sii jirayaan ama ay sii kacsanaanayaan xaaladaha qatar ee xagga macluusha,taasoo keeneysa in ay isku darsamaan raashin la'an iyo halista cudurada faafa.

Tirada dadka u baahan kaalmooyinka bini’aadanimo ayaa noqonaya 6.7 million oo dalka ah ,halka 3.2 million ay ku jiraan halis ama ay joogaan goobo qatar ah.

Illaa 7-kun oo kiisaska cudurka jadeecada ah ay lagu waramy in lagu arkay gudaha dalka Soomaaliya tan iyo bilowgii sanadkaan,waxaana hey’adaha wadaaga la ah Unicef ay wadaan tallaal cudurkaasi ah oo sanadkaan laga tallaalayo 35-kun oo caruur ah

Dhinaca dadka ku barakacay aggaarka xarumaha magaaalooyinka ayaa la sheegay in dad gaaraya 30.kun oo barqakacayaal ah ay u baahan yihii in laga saacido adeegyada caafimaad sida fayo dhowrka iyo dhismaha musqulo si looga hortago halista cudurada,gaar ahaan xilligga roobabka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip