Taliye kuxigeenkii Nabadsugida ee is casilay oo ka hadlay sababta uu isu casilay

0
Tuesday May 23, 2017 - 19:23:00 in Wararka by
  • Visits: 401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye kuxigeenkii Nabadsugida ee is casilay oo ka hadlay sababta uu isu casilay

    Taliye kuxigeenkii Hey'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya ee dhanka howl galada C/salaan Yuusuf Guuleed ayaa ka warbixiyay sababihii uu isaga casilay xilkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye kuxigeenkii Hey'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya ee dhanka howl galada C/salaan Yuusuf Guuleed ayaa ka warbixiyay sababihii uu isaga casilay xilkaas.

Wareysi uu siiyay Idaacada VOA ayuu sheegay in sababta uu isku casilay qeybna uu ka sheegi karo, qeybna aanu ka sheegi karin, arrimo la xiriira mas’uuliyadiisa.

Mr C/salaan ayaa sheegay inuu isku casilay musuq maasuq baahsan iyo ku tagri fal awoodeed oo ka dhex jira laamaha ammaaanka.

"Waxaa isu casilay musuq maasuq baahsan iyo ku tagri fal awoodeed, waxaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha u soo jeedinayaa inay arrintaas hoos u fiiriyaan”ayuu yiri C/salaan Yuusuf Guuleed.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku yimid rabitaan shacab, hase ahaatee rajadii iyo is bedelkii la filayay aanay iminka jirin.

Mar la weydiiyay inuu labo sano dalkaba joogin, is casilaadiisa aanay waxba soo kordhineyn, ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay, waxaana uu intaa raaciyay in sanadkii hore uu mar caafimaad u aaday dibadda, isla markaana soo laabtay bishii June ee sanadkii 2016.

Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkan waday is bedelo ay ku sameyneysay laamaha ammaanka dowladda, waxaana xilka laga qaaday taliyeyaal iyo saraakiil ciidan

xigasho:jowhar.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip