Puntland iyo Galmudug oo ka wadahadlay Amniga Mudug

0
Tuesday May 23, 2017 - 10:36:29 in Wararka by
  • Visits: 414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland iyo Galmudug oo ka wadahadlay Amniga Mudug

    Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ka wadahadlay Amniga degaanada gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ka wadahadlay Amniga degaanada gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta Amniga gobolka Mudug ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug , waxaana ay ku heshiiyeen in la kala qaado Ciidamada isku horfdhiya degaanka Balibule iyo duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Sarkaal ku tirsan Ciidamada Amniga Gaalkacyo ayaa Risaala u sheegay in Puntland iyo Galmudug si buuxda ugu guuleysteen in la gala qaado ciidamo dhawaan ay dirir dhexmartay oo ku sugan Bariga gobolka Mudug.

Dhawaan ayaa degaanka Balibusle ee gobolka Mudug waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug , waxaana dagaalkaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Mas’uuliyiinta labada dhinac.

Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa soo wajahday cabsi xooggan maalmihii lasoo dhaafay , ka dib markii labadii dhinac ay isku jeediyeen eedeeyeen kulul.

Gudoomiyeyaasha gobolka Mudug ayaa yeesha kulamo joogto ah si looga hortagaayo in dagaal uu dhaco gobolka Mudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip