Koox hubeysan oo rasaas khasaaro geysatay ku furay dhalinyaro ciyaartoow ah

0
Monday May 22, 2017 - 21:58:43 in Wararka by
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox hubeysan oo rasaas khasaaro geysatay ku furay dhalinyaro ciyaartoow ah

    Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Koox hubeysan ay rasaas ku fureen dhalinyaro ku wajahnaa Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Koox hubeysan ay rasaas ku fureen dhalinyaro ku wajahnaa Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

Mid ka mid ah Dhalinyarada oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in isaga iyo saaxibadiisa ay ka soo laabteen Magaalada Muqdisho, halkaasi oo kubad ay ku cayaarayeen.

Waxuu sheegay in lagu rasaaseeyay Degaanka Xaawo Cabdi ee Duleedka Magaalada Muqdisho, xili ay ku sii jeedeen Degmada Afgooye, isagoona intaasi ku daray in rasaasta hal ruux uu ku dhintay, labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhaawaca dhalinyaradaasi ayaa sida la tilmaamay loo qaaday isbitaal, si xaaladooda caafimaad halkaasi loogu dabiibo.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysa rasaastan lagu furay dhalinyaradan ciyaartoowda ah oo marayay Duleedka Magaalada Muqdisho.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip