"Aabe Gabadhiisa Kufsaday, iyo Hooyadiis oo Dishay Gabadhiisa uu Kufsaday"!

0
Monday May 22, 2017 - 21:38:42 in Wararka by
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Aabe Gabadhiisa Kufsaday, iyo Hooyadiis oo Dishay Gabadhiisa uu Kufsaday"!

    Gabar 5 sano jir ah ayaa waxaa kufsaday aabaheyd waxaana gabadhaasi falka kufsiga dabadeed dilay Ayeeyadeed si ay u duugto dambiga uu wiilkeeda galay ee ah in uu kufsaday gabadhiiisa,waxa uuna falkaani ka dhacay xaafada Javulake-Vani oo ka tirsan Deg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabar 5 sano jir ah ayaa waxaa kufsaday aabaheyd waxaana gabadhaasi falka kufsiga dabadeed dilay Ayeeyadeed si ay u duugto dambiga uu wiilkeeda galay ee ah in uu kufsaday gabadhiiisa,waxa uuna falkaani ka dhacay xaafada Javulake-Vani oo ka tirsan Degmada Nashik ee Gobolka Maharashtra ee India.
Booliska maharsahtra ayaa warbaahinta maanta u sheegay in ay xireen aabahaas falkaasi fool xumada ah ku kacay iyo hooyadiis oo geesatay falka dilka ah, iayadoo doonaysay in ay badbaadiso wiilkeeda oo ay u aragtay in ay kaliya ku badbaadin kartay in ay gabadhaasi ay disho.

Falkaan ayaa dhacay haweenkii jimcada kadib markii Sachin Shinde uu guriga kusoo laabtay isagoo ka imaaday shaqada waxuuna kufsaday gabadhiisa oo 5 sano jir aheyd, shinde hooyadiis haweenayda lagu magacaabo Amusaya ayaana dishay gabadha ay ayeeyada u aheyd kadib markii ay aragtay in wiilkeeda uu ku kacay falkaas foosha xun, sidaasi waxaa yiri Devidas Patil oo ah sarkaal boolis ah oo u xil saran kiiskaani.



Shinde hooyadiis ayaa waxaa dilka kadib ay aaday saldhiga booliska oo ay ku wargelisay in gabadhii ayeeyada u aheyd ay ka maqan tahay oo la afduubtay, si ay u baabiā€¯iso raad dambiyeedka laga yaabo in uu kusoo baxo in ay dishay gabadha ay ayeeyada u aheyd.

Markii dambe Booliska ayaa bilaabay baaritaano lagu baadi goobayo gabadha lagu wargeliyey in la afduubte balse la dilay, waxayna markii dambe ka heleen hoyga ay daganeed oo ay ayeeyadeed ku duugtay, kadib markii la wareysatay oo wax laga weydiiye gabdha aabaheed iyo ayeeyadeed waxa ay qirteen in falkaasi arxan darada ah ay iyagu geesteen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip