AKHRISO:-Liiska Xabsiyada Ugu Xun Addunka

0
Monday May 22, 2017 - 21:24:40 in Maqaallo by
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO:-Liiska Xabsiyada Ugu Xun Addunka

    Marka laga eego dhanka caafimaadka, nadaafada, iyo cadaalada tiradaan xabsiyada ee hoos ku xusan waa xabsiyada ugu xun addunka, inkastoo dambiilayaasha ay tahay in ay maraan inqaabta ay muteesteen hadana mararka qaar waxaa dhacda in inka badan inqaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka laga eego dhanka caafimaadka, nadaafada, iyo cadaalada tiradaan xabsiyada ee hoos ku xusan waa xabsiyada ugu xun addunka, inkastoo dambiilayaasha ay tahay in ay maraan inqaabta ay muteesteen hadana mararka qaar waxaa dhacda in inka badan inqaabtii ay mudnaayeen la marsiiyo.

Xabsiga ku jira kaalinta 1”aad xabsiyada ugu xun aduunka waxaa lagu magacaabaa Sabaneta Prison waxa uuna ku yaalaa Magaalada Maracaibo ee wadanka Venezuela.

Maadaama Venezuela ay tahay wadanka dunida ugu badan ee uu ka dhaco dil wadareed dad si micno darro ah loogu laayo iyagoo aanan waxba galabsan, waa iska caadi in xabsiga dunida ugu nadaafada xun misane ugu cadaalada daran uu ku yaallo wadankaasi.

Humberto Prado waa agaasimaha xabsiga Sabaneta Prison waxa uuna warbaahinta u sheegay in xabsiyada ku yaallo badi wadanka Venezuela ay yahiin kuwo dhaafay xadigii loogu talagalay oo ay suurta gal tahay in qol xabsiyeed loogu talagay 4 ruux mararka qaar lagu xirro 70 ruux, taasina ay dhaliso in xabsiga uu ahaado mid la xadeen waayo.

Xabsiga Sabaneta prison ayaa waxaa ku xiran xiligaani 3,700 dambiilayaal oo lagu sheegay in ay yahiin dambiilayaasha ugu halista badan wadankaasi, waxaana xabsigaan markii la dhisaayey loo qorsheeyey in lagu xiro kaliya 700 oo ruux, waxaana iminka ku xiran 3 jibaar tiradii loogu talagalay.

Sidaad iska garan karto oo iska cad xabsigaan ayaa ah mid dhaafay xadkii loogu talagay, taasi oo ka dhigayso mid halis ah ayna adagtahay in lagu noolaado, waxaana ka jirta xaalad aad u xun oo sida xeywaanada oo kale ayey iskula dhaqmaan maxaabuusa oo midba midka uu ka awood badan yahay ayuu baad ka qaadaa si uu u helo meel amaan ah oo uu si nabdoon ku seexdo.

Sanadii 2013”kii 16 ruux oo ahaa maxaabiis ku jiray xabsiga Sabaneta prison ayaa si bareer ah ilaalada xabsigaasi ay u dileen kadib markii maxaabiista ay barxad ku taallo xabsigaasi isahu sooo baxeen si ay kaga banana baxaan biyo la”aan xiligaasi soo food saaray xabsigaasi.

Madaxweynahii hore ee Venezuela Hugo Chavez mar uu Khudbad jeedinaayey ayuu xabsigaasi ku tilmaamay in uu yahay albaabkii 50”aad ee laga galo waxa uu ku tilmaamay naarta aduunka.

Xabsiga ku jira kaalinta 2”aad xabsiyada ugu xun aduunka waxaa lagu magacaabaa Rikers Island prison waxa uuna ku yaalaa Magaalada Newyork ee cariga Mareekanka.

waxaana lagu xiraa xukun sugayaasha iyagoo ku xirnaada ugu yaraan 1 ilaa 3 sano, si ay u sugaan xukunkii lagu xukumi lahaa.

Malaha waxaa macquul ah in aad ku fikirayso in xabsi ku yaallo Mareykanka uu kamid noqdo xabsiyada ugu xun aduunka, laakiin sheekada sidaad ku fikireyso way ka duwan tahay.

Xabsigaan ayaa horaan waxaa loogu xiray dad magac ku leh mareykanka iyo aduunka intiisa kale kuwaasi oo isugu jiro fanaaniin, jilaayayaal jila aflaanta Hollywood”ka, iyo majaajiliistayaal, waxaana kamid ah dadka xabsigaan lagu xiray heesaaga heesaha raabka ku can baxay ee Black Afrikaanka ah ee Lil Wayne, jilaaga Mark David Chapman, iyo majaajiliistaha Sid Vicious, kuwaasi oo dhamaantooda xili xabsiyeed adag ku qaatay xabsigaasi kana sheekeeyay xaalada xabsigaasi sida ay u liidato kadib markii ay kasoo baxeen iyagoo ku tilmaamay meel dunida ka baxsan oo nolasheeda ay aad u adagtahay.

Xabsigaan badi falal dil ah kama dhawacaan laakiin waxaa laga diiwaan geliyaa falal jinsiga la xeriira maadaama uu yahay xabsi gaar u ah raga taasina ay sababtay in raga xooga badan ee si qasab ah ugu galmoodaan raga kale oo ay u arkaan in ay ka xoog badanyahiin.

Wargeyska lagu magacaabo New York Times ee kasoo baxo isla magaaladaasi ayaa sanadii 2013”kii waxa uu soo daawacay warbixin sheegaysa in 129 ruux oo maxaabiis ah oo ku xirnaa xabsigaasi loo geestay jir dil xad dhaaf ah oo ay u geesteen ilaalada xabsigaasi.

Xabsiga ku jira kaalinta 3”aad xabsiyada ugu xun aduunka waxaa lagu magacaabaa xabsiga Bang Kwang Prison, waxa uuna ku yaalaa Magaala Madaxda Thailand ee Bangkok.

Xabsigaan ayaa kaalinta 3”aad xabsiyada ugu xun aduunka laga dhigay kadib markii la ogaaday in ay ku xiranyahiin maxaabiis ka badan intii loogu talagay, maxaabiistaas qaarkood ayaana lasoo xiraa iyagoo aan la hor geyn wax maxkamad ah.

Xabsigaan oo la dhisay sanadkii 1930”kii ayaa waxaa loo qorsheeyay in lagu xiro kaliya 3,500 maxaabiis, waxaase iminka ku xiran ilaa 8,000, ruux oo maxaabiis ah taasi oo ka dhigtay xabsigaan mid kamid ah xabsiyada ugu aduunka oo maxaabiista ku xiran xabsigaan ma helaan biyo nadiif ah oo ay cabaan, meel nadiif ah oo ay seexdaan.

Arrimaha yaabka leh ee xabsigaan laga diiwaan geliyey waxaa kamid ah in dadka lagu xukumo dilka toogashada ah lagu xukumo in ay badi xili xabsiyoodkooda ay istaagsanaadaan taasi oo ah inqaab xad dhaaf ah, oo qof aadane ah uunan awoodi Karin in uu maro.

Xabsigaan ayaa kaliya waxaa laga bixiyaa hal cunto oo kaliya ah halka xabsiyada ugu wanaagsan aduunka laga bixiyo ilaa 3 cunto sida dadka guryahoda jooga oo kale, halka wakhti ee cuntada laga bixiyo xabsiga Bang Kwang prison ayaa ah Bariis qaleel ah oo aanan lahayn mararka qaar xitaa biyo la iskaga dejiyo.

Xabsiga ku jiro kaalinta 4”aad xabsiyada ugu xun aduunka waxaa lagu magacaabaa Petak Island Prison waxa uuna ku yaalaa magaalada Vologda ee cariga Ruushka.

Xabsigaan ayaa waxaa lagu xiraa maxaabiista ugu dambiyada culus dalka Ruushka kuwaasi oo isugu jiro kuwo gacan ku dhiiglayaal ah oo loo soo xiray falal dil ah.

Maxaabiista xabsigaan ku jira ayaa kaliya loo ogolyahay in sanadkiiba ay soo booqdaan kaliya labo ruux oo booqdayaal ah, taa oo ay sii dheertahay in wakhtiga loo ogalyahay in ay wada qaatan uu yahay mudoo nus saac ah, taasi oo sanadkii loo ogalyahay labo mar oo ay micnaheedu tahay halkii sano hal saac.

Ilaalada xabsigaan ayaa waxa ay amar buuxa ku qabaan in ay toogtaan cida ay u arkaan in ay isku daydo in ay ka baxsato xabsigaasi, waxayna mararka qaar ilaalada xabsigaani ay jir dil maskaxiyan iyo jismiyanba ay u geestaan maxaabiista.

Xeerarka xabsiga Petak Island Prison maxbuuskii raaci waayo waxaa uu la kulmaa inqaab adag oo waxaa lagu xiraa qol yar oo mugdi ah taasi oo maxaabiista ku keenta in maskaxiyan ay noqdaan kuwo dhiman dhiman ah oo aan miirkooda taam aheyn.

Xabsiga ku jiro kaalinta 5”aad xdabsiyada ugu xun aduunka waxaa lagu magacaabaa USP Florence ADMAX waxa uuna ku yaalaa Magaalada Florence ee Gobolka Colorado ee Wadanka Mareykanka.

Xabsiga USP Florence ADMAX ayaa waxa uu yahay xabsiga ugu ilaalada badan wadanka mareykanka iayadoo lagu xiro maxaabiista badi lagu soo oogo dacwadaha la xiriira heerarka kala duwan ee dilka, taasi ayaana ka dhigtay xabsiga ugu ilaalada badan xabsiyada ku yaallo Mareykanka

Waxaana xabsigaan lagu xiraa sidoo kale dadka loo soo qabto falalka la xiriira Daroogada(Drugs) sirdoonka wadamada shisheeye ee loo arko in ay carqaladeenayaan hanaanka nabada soo jireenka ah ee wadankaasi.

W/Q:- Ayuub Mohamed Ahmed (Fantastic)

Ayuub

W/Q:- Ayuub Mohamed Ahmed (Fantastic)

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip