War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

0
Monday May 22, 2017 - 12:37:31 in Wararka by
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

    Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in nin hubeysan uu gudaha Magaaladaas uu ku dilay Warsan Faarax Yacquub oo ahayd Sarkaalad ka tirsan Ciidanka booliska Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in nin hubeysan uu gudaha Magaaladaas uu ku dilay Warsan Faarax Yacquub oo ahayd Sarkaalad ka tirsan Ciidanka booliska Puntland.

Nin ku hubaysan Qori ayaa ku dilay magaalada Gaalkacyo wuxuuna markii hore isku dayey inuu waxyeelo u gaysto Jirkeedda kadib markii ay la dagaashay ayuu xabad ku dhuftay taas oo markiiba ay u geeriyootay.

Marxuumada la dilay ayaa intii aysan dhiman ka hor ka shaqaynaysay meel meherad ah oo ay ku gadi jirtay Cunnada Fudud, waxayna dadka Magaalada Gaalkacyo ay aad u hadal hayaan falkaan dhacay.

Ciidamada amanka Maamulka Puntland ayaa gaaray goobta u dilka ka dhacay waxayna baadi-goobayaan ninkii ka dambeeyay dilka Warsan Faarax Yacquub oo ahayd sarkaalad ka tirsan Ciidanka booliska Puntland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip