Soomaaliya ma waxa ay u baahan tahay xal siyaasadeed mise xal caskari ah ?

0
Monday May 22, 2017 - 12:02:06 in Maqaallo by
  • Visits: 1347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya ma waxa ay u baahan tahay xal siyaasadeed mise xal caskari ah ?

    Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo mowduuc aad u mihiimsan,Kaasi oo loo baahan yahay in ay ka doodaan dadweynahaSoomaaliyeed ee iska leh dalkan baylahda ahsidaCulimada, Aqoonyahanada, Odayaasha Dhaqanka iyo waliba dhalinyarada Soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo mowduuc aad u mihiimsan,Kaasi oo loo baahan yahay in ay ka doodaan dadweynahaSoomaaliyeed ee iska leh dalkan baylahda ahsidaCulimada, Aqoonyahanada, Odayaasha Dhaqanka iyo waliba dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka kortay aragtida gaaban ee ku dhisan qabiilka, deegaanka iyo walibakooxda.Mawduucan, Ayaa ku saabsan noocaxal ee ay Soomaaliya u baahan tahay waqti-xaadirkan la joogo: Ma xal siyaasadeed mise xal caskari ?

Arintan, Ayaa igu dhalatay ka dib markii aan arkay hogaankiicusbaa ee rajada badan laga qabay oo u digdigleynaya dagaal iyo in xoog wax lagu xaliyo, Iyadoo ay arinkaasika dhalaneysoin uu daato dhiig kaleooxaaraam ah, xillila og yahay in arinkaasi ayku fashilmeen madaxdii dalkan soo martay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay eeay ku jireen rag militari sooahaan jiray sida Cabdulaahi Yuusuf oo kale. Waxaa sidoo kale arinkaasi ku fashilmay rag Iyana soo ahaan jiraywadaaddo sida Shariif Sheekh Axmedoo kale.



Inta aanantilmaaminnooca xal ee ay u baahan tahay Soomaaliya waqti-xaadirkan la joogo, Aan marka hore ka waramo xaalka uu marayodalkeenna iyo walibahalka ay timid dhibaatadaku haysatay, Taasi oo runtii sawir buuxa naga siin doonta nooca xal ee loo baahan yahay. Soomaaliya, Waxa ay maantamareysaa marxaladdii ugu xumeydee ay abid marto. Taasi oo maantakeentay in taladii dalkeennaay u gacangasho shisheeye isugu jira caddaan iyo madow, gaal iyo muslim, Kaasioo gaarayheer uugo’aamiyo tirada ciidan ee aannu yeelanayo!!

Waxa uu sidoo kale gaarayheer aysan Soomaalidu go’aan gaari karin Isaga la’aatii, Waana sababtaasi sababtakeeneysa in uu dabadheeraado dagaalka sokeeye ee ka socdadalkeenna oo runtiiay dano badani ugu jirto shisheeyaha aan soo tilmaamay. Walaalayaal, Waxaamaanta lamarayaa in shirkad ajanabi ay bixiso 19% daqliga ka soo xarooda dekedda magaalada Berbera, Iyadoo waliba lasiinayo dal aannu cadow nahay. Taasi oo runtii ku tusineysa heerka xun eeaySoomaalida gaartay. Sidee Itoobiya ku qaadan kartaa hanti ka soo xaroota dhul Soomaaliyeed ?

Walaalayaal,Waxaa kaloola marayaa in dadkii Soomaaliyeed ay maantanoqdaan wax gaajo u dhinta, wax cuduro u dhinta, wax ayxabadi disho iyo walibawax ku dhintaxabsiyada Aduunkaka dib markii la waayey cid ka dabatagta. Waxaa sidoo kale la marayaa in kheyraadkiiaan mudada badanka gaajeysneynuu maantasi fudud ugu gacangalayo shisheeye ka kala yimid Dunida dacaladeeda, ka dib markii uuhelay rag Soomaaliyeed oo halhaysa ka dhigtay: Doolar ma haysaa aan dal dahankugu wareejiyee !!

Arimaha aan soo sheegay, Ayaa waxaa sabab u ah dagaalada sokeeye ee ka dhacay dalkeena, Islamarkaanna haatanka socda, Kuwaasi oo galaaftay wax walba oo ay Soomaalidu haysatay sida diin, dhaqan,af, akhlaaq, garasho, taxadar,xishood, amaano, run, naxariis iyo walibaixtiraam. Marka aadburburto, Waxa uu burburkaasi saameynayaa wax walba oo taabanayo shaqsiyaddaqofka bini’aadamka ahi iyo waliba sida uu u fikiro,Waana sababtaasi sababta keeneysa in uuxumaado habka ufikirka qofka Soomaaliga ee maanta nool. Ma garaneysaan sababaha maalin walba lootijaabiyo xal caskari ah?

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan maanta kaga waramayo nooca xal ee ay Soomaaliya u baahan tahay waqti-xaadirkala joogo: Ma xal siyaasadeed mise xal caskari ? Anigu, Waxaan qabaa runtiiin Soomaaliya (dadka Soomaaliyeed)ay u baahan tahay xal siyaasadeed oo qura, Kaasi oo soo afjara dhiiggan daadanayo iyo ismarinwaaganu dhaxeeya dadkan walaalaha ee maalin walba ku sii hoobanayo boholaha aan laga soobixi karin ee uu shisheeyuhu la doonayo dadka Soomaaliyeed.

Sidan soo sheegeyba, Soomaaliya waxa ay u baahan tahay xal siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin kaliya maadaama xalkii caskariga ahaa lagu guuldareystay. Taasina waxaa daliil u ah dagaaladii dalkan ka dhacay sida kuwii dhexmaray Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Alaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre iyo walibaJabhadihii Isagaka soo horjeeday. Waxaa sidoo kale daliil u ah dagaaladii Iyaganadhexmaray Jabhadihii faraha badnaa ee ku dagaalamayey magacaqabiilka sida SSDF, SNM, SPM,USC, SDM, SNF, SNA, SRRC, RRAiyo walibakuwa la midka ah.

Waxaa sidoo kale daliil uah dagaaladii iyaganadhexmaray ururkii A-Itxaad iyo Siyaasiyiintii cilmaaniyiinta ahayd eeka soo horjeeday iyo waliba dagaaladii kale ee Iyagana dhexmarayMidawgii Maxaakiimta iyo hogaamiye kooxeedyadii ay iska soo horjeedeen ee uu shisheeyuhu taageeri jiray. Hadaba, Maxay ku soo dhamaadeen dhammaandagaaladaasi ? Jawaabtu waadhimasho, dhaawac, barakac, burbur, kala adkaan la’aaniyo waliba isnaceyb ilaa maanta socda. Ma jirtaa qolo wadanka laga saaray ka dib markii laga adkaaday ? Kallaa walaahi.

Tusaalayaashii aan soo sheegey iyo kuwa kale oo lagu darayba, Waxa ay dhamaatoodnoo xaqiijinayaan in xalka Soomaaliya aanu ahayn xal casakari bal uu yahay xal siyaasadeed iyo dib-uheshiisiin qura, Waa haddii la doonayo in laga hadlo xaqiiqda dhabta ah iyo walibawax u roon dadweynaha Soomaaliyeed ee daallan. Sidee xal caskari uguwanaagsanaan karaa dad wada dhashay ? Dadka Soomaaliduse ma yihiin dadkala adkaan kara, Ama laga adkaan kara ? Haddii ay jawaabtu haa tahay. Maxay horay ugu kala adkaan waayeen, Ama loogaadkaan waayey ?

Tan kale, Maxaa faa’iida ah oo ku jira dagaal iska socda oo aan lagu kala adkaan karin, Islamarkaana naafeynaya tarankii dadka iyo waliba dhaqaalihii yaraa ee la haystay ? Mase jira miyaaxal aan dagaal ahayn ? Maxaa diidaayo in la raadiyo xal kale sida wadahadal iyo dib-ushesiisiin oo kale, Mise Shisheeyaha ayaan dooneyn in uu dagaalkaistaago inta aydadka Soomaalida ahi ka daalayaan si uu markaasi u gurto kheyraadkooda sida hadaba socota ?

Anigu, Waxaan baarid ii gaar ah ku sameeyey sababaha keenayo in aysanSoomaalidu kala adkaan nooc kasta oo ay u dagaashaba. Waxaana ii soo baxday in dadkani ay yihiin dad wada dashay, Islamarkaana ku abtirsada hal diin, hal dhaqan, hal af, hal dal iyo waliba hal qoys. Waxaa kaloo ii soo baxday in qofka Soomaaliga ahi uu yahay qof qalafsan oo aan xoog lagu maquunin karin xitta haddii laga awood badan yahay, Waana sababtaasisababta keeneysa in uu dabadheeraado dagaalkan sokeeye ee ka socda dalkeenna.

Tan kale, Aniguwaxaan ka aaminsanahay dagaalada ka socdadalkeena ee u dhaxeeya dadka Soomaalida in ay yihiin dagaallo fidna ah oo u dhaxeeya dad muslimiin ah, Kuwaasi oo natiijadoodu ayku soodhamaaneysoAl-qaatilu wal-maqtuulu fin-naariyo walibasibaabul muslim fusuuqun wa qitaaluhukufrunkamaa qaala Nabiyu Salaalaahu calayhi wasalam. Dagaalada dhexmara dadka Muslimiinta ee ku dhisan ijtihaadka ay qolo ku dooneyso in ay ku keento nooc xal ah waa dagaalo qatartooda leh, Islamarkaana inta badanku dhamaaada natiija xun, maxaa yeelay ijtihaadkaagu ma’ahan sidii waxyi oo kale, Imma antukhdi aw tusib.

Sidee dagaal ugu ijtihaadeysaa Adigoo ay ku soo xuleen ku dhawaaad300 oo qof oo ay soo doorteen 50 ergo? Taasise ma ku siineysa sharciyad buuxda oo aad dagaal ku iclaamin karto ama aad ku gali karto heshiisyo waa weyn oo sanado badansaoconayo? Mar kale, Sidee ugu ijtihaadeysaa dilka dad SoomaaliyeedAdinkoo waliba lagugudoortay mugdi iyo meel aan la aqoon ? Ma kireyn kartaa dekad Soomaaliyeed Adigoo horboodayo maamul beeleed aan saacadodagaalami karin? Maxaase loo haabhaabanayaa sharciyad aan la haysan ?

Tan kale, Maxaa diidaayo in wax laga barto waxyaabihiila soo maray iyo asbaabihii dalkan dumiyeymise caqligeena ayaan shaqeyn?Maxaa kaloo diidaayo in taariikhda laga dhigto saaxiib wanaagsan oolagu qiimeeya hadalada macmacaan ee ka soo baxa shisheeyaha sida Igriiska, Talyaaniga, Faransiiska, Xabashida,Sawaaxiliga iyo walibakuwa la midka ah? Adiguse imisaad ogashay in lagu qiyaamo ? Ma og tahayse inqabaa’ilda qaar ay waligoodba la safnaan jireen shisheeyaha sida M iyo I oo kale?

Gabogabadii iyo gunaanudkii, Haddii aan mar kale iseydiinno: Soomaaliya ma waxa ay u baahan tahay xal siyaasadeed mise xal caskari ? Jawaabtu, Waxaan leenahay Soomaaliya waxa ay u baahan tahay xal siyaasadeed iyo dib-uheshiin qura maadaama xalkii caskari ahaa lagu guuldareystay nooc kasta oo loo doonaba,Taana waxaa daliil u ah27 sano oo dagaal sokeeye ah.Waxaa sidoo kale daliil u ah cadiimadii shisheeye ee dalkan yimid sida UNITAF, UNISOM iyo waliba Itoobiyankii faraha badnaaee uu dalka soo geliyey Cabdulaahi Yuusuf, Kuwaasi oo dhamaantood ku fashilmay howlihii ay Soomaaliya uyimaadeen.

 
W/Q: MaxamedIbarim


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip