MAQAAL: SOOMAALIDU WAY KALA CABANEYSAA,.IYAGANA WAA LAGA CABANAYAA. !!!

0
Monday May 22, 2017 - 11:45:43 in Maqaallo by
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAQAAL: SOOMAALIDU WAY KALA CABANEYSAA,.IYAGANA WAA LAGA CABANAYAA. !!!

    Xildhibaanadu Madaxweynaheey ka Cabanayaan, Madaxweynuhuna Beesha Caalamkuu ka cabanayaa,Wasiiradu Mooshin bey ka cabanayaan,iyagana shaqaala hoodaa ka cabanaya,Dowladu Maamul Goboleed yadeey ka cabaneysaa,Maamul Goboleed yaduna iyagaa kala cabanaya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanadu Madaxweynaheey ka Cabanayaan, Madaxweynuhuna Beesha Caalamkuu ka cabanayaa,Wasiiradu Mooshin bey ka cabanayaan,iyagana shaqaala hoodaa ka cabanaya,Dowladu Maamul Goboleed yadeey ka cabaneysaa,Maamul Goboleed yaduna iyagaa kala cabanaya, Dableeydu Saraakiisheey ka cabanayaan, Saraakii shuna Jananadeey ka cabanayaan, Ciidamaduna mushaar la'aan bey ka cabanayaan.. Gaadiidleyduna Isbaareey ka cabanayaan.isbaaroo leyduna Madaxda wadooyinka loo xirey ka cabanayaan.

Hantiilayaashu Cadaaladeey ka cabanayaan,Ganacsataduna laaluush bey ka cabaneyaan, iyagana sicir barar baa looga cabanayaa,Qurba joogta waa laga cabanayaa, Iyaguna Qurac joog bey ka cabanayaan, Waxbarashadu lacag la’aan bey ka cabaneysaa, Bulshaduna shaqa la’aan bey ka cabanayaan,Guurkii hore kan danbuu ka cabanayaa,Martida Aroos yaduna Xabadaha la rideey ka cabanayaan . Gabdhuhu Garoobadeey ka cabanayaan. Garooba duna Rageey ka cabanayaan.

Wadaadadii hore kuwa danbeey ka cabanayaan,Kuwii danbana arday doodeey ka cabanayaan,Ardaduna cilmi yarey ka cabanayaan, Cilmiguna barasha la’aan buu ka cabanayaa, Dawladaha darisku Shabaab bey ka cabanayaan, Shabaabkuna joogitaan koodeey ka cabanayaan,Xoogsatada Soomaalidu Ajaanibteey ka cabanayaan, Ajaanibtuna kuwa wax ka sheegeey ka cabanayaan. Reer galbeedku Turkigeey ka cabanayaan ..Turkiguna Laamiyaduu dhisay biyaha dhex fadhiyuu ka cabanayaa.

Wariya yaashu Mulkiila yaasheey ka cabanayaan,Ilo wareedyaduna sharuur bey ka cabanayaan, Fanaaniintii hore kuwa danbey ka cabanayaan,Kuwa danbana Tiyaatarkeey ka cabanayaan,Basasku Caasiyadeey ka cabanayaan, Tagaasiduna Bajaajkeey ka cabanayaan,Bajaaj leyduna Mootooyin keey ka cabanayaan.Maqaayadahii hore Hoteeladeey ka cabanayaan, Hodheeladuna Cuntada raqiiska ah bey ka cabanayaan,Dhalinyardu Nabad sugideey ka cabanayaan,Nabad sugiduna dilalkiyo Qarax yadeey ka cabanayaan.

Shacabku Amni xumeey ka cabanayaan, Hey’adaha Amniguna wada shaqeyn la’aan bey ka cabanayaan,Kooxda badda gashaa Xarig bey ka cabanayaan, Iyagana Burcadnimaa looga cabanayaa, Qaadka Kenya waa laga cabanayaa, dadka ka ganacsadaana in la joojiyeey ka cabanayaan,Kuwa ruugaana jeebkiyo Gowsaheey ka cabanayaan,Soomalida Qurbahu wey cabanayaan,iyaguna Argagixisaad tihiin bey ka cabanayaan.

Ugu danbeyntii Facebooka qudhiisa wuu cabanayaa, Isagana Commentska xun baa looga cabanayaa..dadka wax lagu soo taag gareeyana wey cabanayaan,iyagana Like toodaa laga cabanayaa. Cabashaduna wey cabaneysaa, Ee Soomaaliyeey ma sidaas baan u kala cabannaa ilaa cabashadu noo soo cabato………..MOOYI.

Abdulkadir Farah Dulyar



WQ/= 2013 -Kii


dulyar23@gmail.com


M U Q D I SH O.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip