Warbixin: Taariikhda Halgankii SYL (Sawirro) Qeybtii 1-aad

0
Sunday May 14, 2017 - 19:23:59 in Wararka by
  • Visits: 1120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Taariikhda Halgankii SYL (Sawirro) Qeybtii 1-aad

    Taariikhda xisbigii SYL lama soo koobi karo, aniguse waxaan si kooban uga hadlayaa unuggii xisbiga, anigoo ka mid ah dhallinyaradii nasiibka u yeelatay, eebbena waafajiyey inay aAs-aasaan xisbigaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhda xisbigii SYL lama soo koobi karo, aniguse waxaan si kooban uga hadlayaa unuggii xisbiga, anigoo ka mid ah dhallinyaradii nasiibka u yeelatay, eebbena waafajiyey inay aAs-aasaan xisbigaas.

   Waxaan uga dan leeyahay qoraalkan in aan dadweynaha Soomaaliyeed xusuusiyo halgankii qawmiyadeed iyo taariikhdii sharafta laheyd ee la soo maray si looga faa’iideysto.

Aa-aaskii xisbigii Legada (SYL) oo Soomaaliya u horseeday gobannimmada iyo madaxbanaanidda. SYL waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah "Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah "Lega dei giovani Somali”.

Markaan soo xusuuusto xilligii uu hanaqaaday xisbigii SYL marna waa farxaa, marna waa naxaa. 

Waa farxaa oo waxaan soo xusuustaa wanaaggii, waddaninimmadii, midnnimadii, isqadarintii iyo kalsoonidii Soomaalidu isu qabtay waagaas, kuna guuleeysatay. 

   Marna waa naxaa, oo waxaan arkaa xaaladda maanta Soomaali ku sugan tahay oo ah: dawlad la’aan, daryeel la’aan, dagaal joogto ah, dulli qaxootinimo iyo dugaagnimo.

    Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee adduunweeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga. 

Xukunkii Faashiga ahaa ee talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dhinca kasta, ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba. 

xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana soo gashay yidadiilo iyo waa cusub.Waxaa waagaas dalalka Aasiya iyo Afrika ka jirtay neecoow gobannimaddoon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya,Waxaa waagaasi Magaalada Xamar ku noolaa nim man Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa dibedda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay cambareeyaan taliskii faashiga ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan.

      Yaasiin Cismaan oo ka mid ahaa Aas-aasayaashii Ururka SYL ayaa waxa uu bilaabay inuu fikradda gobanima-ddoonka la qeybsado bulshada, wuxuu si gaar ah u abbaaray dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin, waxaana dadkaasi ka mid ahaa: Karaaniyaasha dawladda, ganacsatada, culumaa’uddiinka iwm.



Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Yaasiin shir ugu qabtay gurigiisa, waxaan ahaayeen 7 ama 8 dhallinyaro ah, wuxuuna soo jeediyay talada ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimaddoonka Soomaaliyeed,Markaasi ayuu bilowday dhaqdhaqaaqa, Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu yiqiin, unna ku kalsoonaa, muddo bilo ah gudahood ayay is uruursadeen 13 Dhalllinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan xisbiga, islmarkaana u babacdhigaan halganka gobannimaddoonka.

Dhismihii Xisbiga, 13 dhallinyaro ah oo nasiib u yeeshay inay noqdaan Aas-aasayaashii Xisbiga SYL, ayay magacyadoodu kala yihiin:-

  1. Yaasiin Xaaji Cismaan
  2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin 
  3. Maxamad Cismaan Baarbe. 
  4. Maxamad Faarax Hilowle 
  5. Sayidiin Xirsi Nuur 
  6. Maxamad Cali Nuur 
  7. Daahir Xaaji Cismaan
  8. Xaaji Maxamad Xuseen
  9.  Khaliif Huudow Macallin
  10. Cismaan Geedi Raage
  11.  Dheere Xaaji Dheere
  12. 12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
  13. 13.Cali Xasan Maxamad "Verdura

         Shirkii gu horreeyay waxay ku yeesheen qol, ay ka kireeysteen waddada "via Roma” ee Muqdisho. Shirar iyo tabaabusho ka bacdi, waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi ah loo furi lahaa, loona diiwaangelin lahaa Xisbiga. 

Habeenkii taariikhdu ahayd 15ka Maajo 1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan soo hordhigay barnaamijkii Xibiga oo ka kooban 13 qodob.

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa:-

  • In loo halgammo, lana xaqiijiyo gobannimada iyo madaxbannaanida ummadda Soomaaliyeed.
  • In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
  • In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la’aanteed.
  • In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
  • In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimaddoonka iyo madaxbannaanida.
  • In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqammada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm.

Ka dib waxay doorteen Hoggaanka Ururka, waxaana Guddoomiye loo doortay

Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye

Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen 

halka Yaasiin Xaaji Cismaan loo doortay Xoghaye Guud. 

Waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ulajeeddada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo. Sidaas daradeed, waxaa Xisbiga loo bixiyey magaca ah "Somali Youth Club” ama Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u go’an arrimaha bulshada iyo dhaqanka si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara xaggiisa.

    Subaxdii 15 Maajo 1943, waxay tageen xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, iyagoo wadata codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsada Naadiga, ka dib waa loo oggolaaday,Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay.

   Waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u farabadan oo mutadawiciin ah. Waxaa cirka maray magaciisa iyo maqalkiisa. Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku codsanayaan in Xisbiga loo furo. Waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya, waxaana laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil. 

Islamarahaantaas, waxaa si lixaad leh u batay taageerayaashiisii ooy ku dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida dhallinyarada, Odayaasha, Culimmada, Dumarka iwm. Horumarka Xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas wuxuu ahaa mid la yaab leh oo mucjiso ah oo aan Taariikhdiisa halkaan lagu soo koobi karin.

 

     Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awooddiisa, sababahaan soo socda awgood:- 

Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin, damaca gumeeystayaasha. Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii, iyo Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay.

     Galab ayaa Xisbigu qabtay shir lagu cusamay Soomaali iyo Ajnabiba, waxaana halkaas khudbad ka jeediyey, isagoo ku hadlaya magaca Xisbiga, Yaasiin Xaaji Cismaan oo ku dhawaaqay in Xisbiga loo bixiyey Somali Youth League (SYL), uuna yahay Xisbi siyaasi ah, oo dagaal ba’an kula jira gumeeysiga, balse Ayaamo ka dib, amar Ilaahay, waxaa aad u xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan, xanuunkaasi oo ahaa Duumo (malaria). Yaasiin wuu dardaarmay, ka dib markuu dareemay in jirradiisu tahay mid halis ah, wuxuu ka dardaarmay in jagada Xoghayaha Guud loo dhiibo Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo madax ka aha faraca Xisbiga ee Beledweyne, ayna wada shaqeeyn jireen, wuuna aqbalay taladiisii, Maalmo ka dib, Yaasiin wuu geriyooday Allaha u naxariistee.

La soco qeybta 2-aad

Waxaa isku soo duway C/llahi Ruush



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip