Goormeen dhan uga baxaynaa Masrixiyada UK ee cinwaankeeda yahay…

0
Friday May 12, 2017 - 18:45:48 in Maqaallo by
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goormeen dhan uga baxaynaa Masrixiyada UK ee cinwaankeeda yahay…

    Goormeen dhan uga baxaynaa Masrixiyada UK ee cinwaankeeda yahay Maareynta khayraadka Dalka iyo Dadka Somaliyeed iyo dhigista Shirarka London oo iyaga madhaleys ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goormeen dhan uga baxaynaa Masrixiyada UK ee cinwaankeeda yahay Maareynta khayraadka Dalka iyo Dadka Somaliyeed iyo dhigista Shirarka London oo iyaga madhaleys ah.

Shirkan waa la mid shirki hore ,madaxdi ka soo qeybgeli jirtay markan waxaa ku dhacay nuqsaan oo beesha Caalamka ayaa isla fahmi-weysay sidi loo qeybsanayo khayraadka dalka Somaaliya markan,madaxda maqan qaar waxay isu gafuurinayeen MW Farmajo sidi MW Uganda oo xurguf hore iyo kala aargoosi ay ka dhaxeeyo labadooda.

Lacagta Soomaalida loogu yabooho shir walba iyo shirkan waa Milyaaraad deyn ku ah Ummadda Soomaaliyeed sanada badan oo soo socdo ,tii hore meel lagu cunay cidna ma taqaan, tan haddeer la aruurshayna kolay uma muuqato mid la ogaan doono halka ay mari doonto ,tan iyo inti ay hay’adaha caalamka badankooda degan yihiin Nayrobi iyo Addis-ababa iyo xerada Xalane.

Ciyaarta ku aadan tartanka loogu jiro maareynta khayraadka Dihan dhulka Somaliya ,gaar ahaan saliida Betroolka ee u dhaxeeyo Dowladaha waaweyn ,weliba reer galbeedka waxay isku shareertay cirka.

Som oil ayaa haddeer u gacan dheer tartamayaaasha ,maadaama ay gacan saar la leedahay MW Farmajo iyo RW Khayre oo isaga qeyb ka ah shirkadaas.


meesha kama marno tartan, dibandaabyo iyo jalaafooyin ay isu dhigayaan dowlada badan iyo shirkadaha ka socdo dhankooda ,dhibkooda waxaa hubaal inuu ku dhacayo ummadda Soomaaliyeed,dib u dhacna ku keenayo suurta gelinta helitaanka dowlad wanaagsan oo iyada awood u yeelato maareynta dalka Soomaaliya dhamaantiis..

Waxaa ciyaarta fuliyayaal ka ah Somalida oo aan iyagaba hoos imaan hal hoggaan oo iska leh go’aanka u dambeeyo ee ummuuraha dalka marka ay hawsha tahay waaqic ee afka layskala soo tago…

Dhibka ma yaro ,waxaasa sii murjinayo in Soomaalida ay badanaa og yihiin cudurkooda ,balsa aynan daawada aynan ka doonin halka ay ku jirto oo dhab ahaan iyada ah wadajir ayaa cadaw gaamuray looga hortagaa.


Qormadii: Abdullahi Moalim




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip