WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 6-DA SEPTEMBAR 2015-KA

0
Sunday September 06, 2015 - 09:54:09 in Wararka by
  • Visits: 1167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 6-DA SEPTEMBAR 2015-KA

    BASHIIR CIISE CALI"LACAGTA BEEN ABUURKA AH PUNTLAND AYAA KEENTAY" Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo shalay Shir Saxaafadeed ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa Faah-faahin ka bixiyay Lacago Been a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BASHIIR CIISE CALI"LACAGTA BEEN ABUURKA AH PUNTLAND AYAA KEENTAY" Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo shalay Shir Saxaafadeed ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa Faah-faahin ka bixiyay Lacago Been abuur ah oo mudooyinkii danbe laga dareemayay Magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiye Bashiir ayaa sheegay in Lacagtaasi Been abuurka ah lagu Farsameeyo Degaan ada Maamulka Puntland islamarakaana Sicir barar ku riday Dadka ku nool Magaalada Muqdisho.

"Waa wax laga Xumaado in Puntland oo ka mid ah Tiirarka Nidaamka Federaalka laga soo sa aro Lacago Sharci darro ah,taas oo dhaawaceyso Dhaqaalaha Puntland iyo kan Dalkaba”ayuu yiri Guddoomiye Bashiir.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay socdaan Qorshe Lacagaha Been abuurka ah Dalka looga saarayo islamarkaana Shilinka Soomaaligaa dalka laga isticmaalayo.

Waxaa socda Dadaal Bankiga dhexe ee Soomaaliya”Dowladda Federaalka iyo Hay’addaha Caalamka ee Arintaasi daneeya in ay wadaan in si Nadaamsan waqtiga ugu haboon lagu dhaqan galin lahaa soo saarita Lacagta Shilinka Soomaaliga oo Tayo leh,waxaa socda Heshiisyo Soomaa-liya ay la gashay Santuuqa Lacagta Adduunka ee IMF”ayuu si raacsaday Guddoomiye Bashiir.

Maamulka Puntland wali wax war ah kama soo saarin Eedeynta uga timid Dolwadda Feder aalka Sooma-aliya.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO HESHIIS LA GASHAY SHIRKAD SHIDAALKA BAARTA..

Munaasabad uu Goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/ra shiid Cali Sharmaake islamarkaana uu Ujeedkeedu ahaa Heshiis Dowladda Soomaaliya ay la ga shay Shirkad heer Caalami ah oo ka shaqeysa barista Badroolka ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirkada ayaa baareysa Dhul ku fadhiya 28 Kun oo KM oo ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya,waxaana uu qaadan doonaa Mudo Hal Sano iyo Bar ah.

Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Badroolka Xukumadda Soomaaliya Maxamed Muqtaar ayaa sheegay in Heshiiskaan uu yahay in la Sahmiyo oo kaliya,balse uusan aheyd mid Lacag lagu dhiibayo Baarista Shidaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo ka hadlayay Munaasabadda ayaa she egay in heshiiskaan ay kala saxiixdeen Wasaarada Badroolka iyo Shirkada qaabilsan dhanka Badroolka ay Faa’ido Ummadda Soomaaliyeed ugu jirto isla markaana ay shaqo ka heli doonaan Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Shaqo la’aan ah.

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA OO LOO JEEDIYAY IN AY MAGACAAWDO MADASHA SHIRKA MAAMUL U SAMEYNTA HIIRAAN IYO SH/DHEXE

Nuux Isaaq oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee ku sugan Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in kulamo kala duwan ay ka dhaceen Magaaladaasi.

U jeedada Kulamadaasi ayuu ku sheegay Nabadoon Nuur Isaaq , in uu ahaa mid looga soo horjeeday hadal dhawaan ka soo baxay Guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan oo ku aadan in Magaalada Baladweyne lagu qabanayo shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabee laha dhexe isagoo ka dalbaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha in si deg deg ah ay ugu dhawaaqdo madasha rasmiga ah ee lagu qabanayo shirkaasi.

Nabadoonka ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka degan Gobolka Shabeelaha dhexe ay u diyaar garoobeen maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe waxa uuna xusay in ay soo dhaweynayo meel weliba oo ka tirsan labada gobol oo lagu qabanayo shirka balse waxa uu hoo sta ka xariiqay in shaqsi uu iskiis ugu dhawaaqo madasha uu shirka ka dhacayo ay tahay mid aan sax ahayn.

Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo indhawaanahaan laga dhur sugayayay ayaa weli waxaan loo sameynin guddigii farsamada ee mareyn lahaa howlaha shirkaasi maamul u sameynta iyadoona weli lagu muransanyahay meesha uu ka dhacayo shirkaasi.

MADAXWEYNAHA GALMUDUG IYO WASIIRO KA TIRSAN XUKUUMADDA FEDERAALKA OO GAARAY CEELBUUR

Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, oo ay wehliyeen Wasiirka Gaashaandhiga, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo maa mulka Galmudug ayaa shalay gaaray magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Booqashada Wafdigan ayaa aheyd sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaalada magaalada oo tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray laga deyrinayay xaalada bani’aadanimo iyo tan nololeed.

Wafdiga ayaa waxaa ay la kulmeen Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka socday, saraakiisha dowladda iyo Mas’uuliyiinta Maamulka degmada, iyagoo kala hadlay xaaladaha amniga iyo mida bani’aadanimada.

Sidoo kale Wafdiga ayaa waxay kormeereen Ceelka kaliya ee magaalada biyaha laga cabo, kaasoo uu ka ciladoobay matoorkii biyaha soo saari jiray.

Intii Wafdiga ku sugnaayeen magaalada ayaa waxaa ammaanka si aad ah u adkeeyay Ciida mada AMISOM, waxaana wafdiga lagu wadaa inay dib ugu soo noqdaan magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka tageen.

Degmada Ceelbuur ayaa in muddo aheyd mid go’doon ku jirtay, ka dib markii Al-Shabaab ay jareen waddadii sahayda u mari jirtay, iyadoo ay ka barakaceen qoysaskii ku noolaa.

XILDHIBAAN FAARAX SHEEKH C/QAADIR OO U DAMAASHAAD TAGEY XEEBTA LIIDO ..

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu u damaashaad tagey Xeebta Liido, oo ku taala Degmada C/casiis Ee Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo aynaan wax ilaalo ihi la socon, ayaa dhexgalay dad fara badan oo xilligaa ku sugnaa Xeebta Liido. Waxaana la arkaayay isagoo dhexda ugu jira dad kaasi.

Xildhibaan Faarax oo si caadi ah ugu dhex lugeynaayay Xeebta Liido, ayaa waxaa aqoon saday dadka qaarkii, iyagoona ku soo xoomay, waxayna wax la qaadan waayay u arkayn la kulan kiisii.

Xildhibaanka, ayaa gacan qaaday dadkii uu Xeebta Liido kula kulmay, iyadoo uu wax ka wey diiyay xaaladooda iyo waqtigii ay ku qadanayen Liido.

Liido waxay ka mid tahay meelaha ugu muhiimsan ee Magaalada Muqdisho, ee dadku ku kulmaan maalmaha fasaxa lagu jiro, waana meel ay u nasiino taggaan dadka badankii.

BOQORKA DALKA SACUUDIGA IYO MADAXWEYNAHA MAREYKANKA OO WASHINGTON KU KULMAY

Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama, ayaa Magaalada Washington kula kulmay Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan, kadib markii booqasho uu ku tagay dalkaasi Mareykanka Boqor Salman. Kulan ay wada qaateen labadan masuul ayaa waxa ay uga wada hadleen arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay, sidii loo xasilin lahaa Bariga Dhexe iyo kaalinta Sacuudiga arintaasi ka ga aadan.

Boqorka dalka Sacuudiga iyo Madaxweynaha Mareykanka oo Washington ku kulmay

Boqor Salmaan, ayaa sheegay in dalkiisa uu kala shaqeyn doono Xukuumadda Washington, sidii nabad looga dhalin lahaa Bariga Dhexe oo ay qalalaaso la dageen.

Booqashada Boqor Salmaan ee dalka Mareykanka ayaa ah tii ugu horeysay ee uu ku tago dalkaasi, tan iyo markii uu qabtay xilkan Bishii Ja-naayo.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama, ayaa sheegay Boqor Salmaan inuu kala hadlay arimaha ku aadan Dagaalada Syria, Dagaalada Yemen iyo arimaha ku saabsan Bariga Dhexe.

Obama ayaa ku cadaadiyay Boqor Salmaan inuu u ogolaado hay’adaha gargaarka in ay si aan shuruud lahayn uga howlgalaan Yemen, halkaasi oo xulafada uu Sacuudiga horkacayo ay dagaal kula jiraan fallaagada Xuutiyiinta.

KU DHAWAAD 60 RUUX OO SOOMAALI AH OO LAGU XIRAY DALKA MASAR

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya dalka Masar ciidamada ammaanka dalkaasi, ayaa xabsiga dhigay ku dhawaad 60 ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo rabay inay doon ka racaan dalkaasi si ay u gaaraan Xeebaha dalka Talyaaniga.

Dadkaan oo doonaayay inay si sharcidarro ah uga ambabaxaan dalka Masar ayaa waxaa suu ragashay inay gacanta ku soo dhigaan ciidamada ammaanka dalka Masar, waxaana la sheegay in ay xiran yihiin iminka.

Warbaahinta ayaa tabinaysa tirada dadka inay gaarayaan ilaa 60-ruux oo Soomaali ah, wax aana laga qabtay Magaalada Alexandria ee dalka Masar, iminkana waa ay xiran yihiin.

Dowladda Masar ayaa sheegtay dadkaan maxkamad ay soo taagi doonto maadama dalke eda ay ku galeen hab sharci darro ah waxaana dadkaan ay Masar ka galeen dhinaca wadanka Sudaan.

Soomaali badan oo u tahriibta dalalka Yurubta, ayaa waayahan dambe waxa ay isku dayay aan inay dhanka Masar doon ka raacaan si ay badda uga gudbaan, ka dibna Xeebaha dalka Talya aniga ay sidaasi ku gaaraan.

Dowladda Masar waxa ay isku dayaysaa inay xakameyso Soomaalida tahriibka ah ee doon aysa inay dalkeeda ka dhoofaan, maadaama Masar ay ka mid tahay dalalka dagaalka adag kula jira tahriibka.

Kumanaan ruux ayaa ku geeriyooday badda qatarta badan ee u dhaxeysa dalalka Libya iyo Talyaaniga, kadib markii ay la dagtay doomihii ay saarnaayeen dadkaasi.

GAADIIDKA XAMUULKA QAADA OO LAGA MAMNUUCAY INAY ISTICMAALAAN WADADA MAKKA AL-MUKARRAMA EE MUQDISHO

Taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) iyo afhayeenka wasaara dda amniga gudaha Maxamed Yuusuf oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa shee gay in gaadiidka qaada xamuulka laga mamnuucay wadada Makka Al-mukarrama.

Taliye Cali Gaab ayaa sheegay in gaadiidkaasi ay caqabad badan ku yihiin isku socodka gaadiidka kale iyo dadweynaha waddada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, isaga oo uga digay darawalada gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada in amarkaasi ay jabiyaan.

"Waddada ka billaabata Jamaal Cabdinaasir ee aada KM4 waxaa ka mamnuuc ah inay mara an gadiidka xamuulka qaada sida biraha, dhagaxyada, iyo wixii la mid ah” ayuu yiri Cali Gaab.

Dhinaca kale afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf oo isna dhankiisa sheegay in darawalada gaadiidka xamuulka ay amarka qaataan, isaga oo tilmaamay in tani shacabka iyo darwalada dan muhiim ah ugu jirto.

Maxamed Yuusuf ayaa ugu baaqay ciidamada ammaanka in arrintaasi ay kala shaqeeyaan ciidamada ilaalada wadooyinka, si uu u dhaqan galo ammarkaasi.

Wada Makka Almukarrma ayaa ah wadada ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, ka sokoow gaadiidka xamuulka ah, waxaa wadadaasi ay tahay midda kaliya ay sida aadka u isticma alaan gaadiidka dadweynaha kuwa dowladda.

DOWLADDA RWANDA OO TAAGEERSAN HOWLGALKA AMISOM EE LAGULA DAGAA LAMAYO AL SHABAAB

Dowlada Rwanda oo xad la leh dalka Uganda ayaa ka hadashay weerarkii dhawaan lagu dilay askar ka tirsan Uganda oo qayb ka ah howlgalka Midowga afrika ee Soomaaliya.

Ugu yaraan labo iyo toban askari oo Uganda ah ayaa ku dhintay weerarkaasi oo ka dhacay deegaanka janaale ee gobalka shabeelada hoose sida uu sheegay afhayeenka ciidamada malat eriga ee dalka Uganda .

Dowlada Rwanda ayaa shaaca ka qaaday in ay mar walba garab taagan tahay dowlada Uganda iyadoo dhinaca kale sheegtay inay aad ugu xuntahay askartii dhawaan laga dilay ciidamada Uganda ee ka howl gala Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada ee dalka Rwanda louise mushikiwabo ayaa sheegay in dowlada Rwanda ay ku amaanayso doorka ciidamadooda ee nabad ilaalinta Soomaaliya waxaana wasiirka uu sheegay in ciidamada Uganda ay u dhimanayaan si geesinimo leh.

Xarakada al shabaab ayaa sheegay in weerarki talaadadi la soo dhaafay ay ka fuliyeen fariisan ciidamada Uganda ay ku lahaayeen deegaanka jannaale ay ku dileen ilaa iyo konton askari.

Wasiirka difaaca ee dalka Uganda ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku sheeg ay in ciidamadooda ay gacanta ku dhigeen labo ka mid ah ragii weerarka soo qaaday isla markaana ay dileen 46 ka mid ah al shabaab.

CIIDAMADA AMISOM OO QARAX LAGULA EEGTAY GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE

Wararka laga helayo Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay isaga hulaaleen Degaanka Ceelsariini oo u dhaxeeya deegaanada Lambar 50 iyo Lambar 60 ee Gobolka Sh.Hoose.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay isaga baxeen gabi ahaan Degaankaasi iyadoona Wararka ay sheegayaan in halkaasi lagu arkayay Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale Darraad waxaa ay faarujiyeen Degmada Kunturwaareey ee Gobolka Sh. Hoose, sida uu Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u sheegay. Guddoom iyaha Degmada Kunturwaareey.

Faarujinta Ciidamada AMISOM ee Degaanada Gobolka Sh.Hoose ayaa ku soo aadeysa Xili Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ay dhawaan Weerar Xoogan ku qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM ee Degaanka Janaale halkaasi oo lagu Dilay toboneeyo ka mid ahaa Ciidamada Uganda.

RAG KUFSI KA GEYSTEY GALGADUUD OO LAGU WAREEJIYEY DAMBI BAARISTA

Xeer Illaaliyaha Guud ayaa ka hadlay rag dhawr ah oo la sheegey in falal kufsi ah ka geyste en gobolka Galgaduud, kuwaasi oo lagu wareejiyey gacanta ciidamada dambi baarista dowladda.

Xeer Illaaliyaha Dr. Axmed Daahir ayaa u digey dadka geysta falalkaasi oo kale, wuxuuna yiri "waxaan u sheegaynaa oon rabnaa inaan u digno dhammaan qofkasta oo is leh hadaad dambi gay sato qabiilkaaga ayaa ku ilaalinaaya ama koox diimeed meel kugu xiratay ayaa ku ilaalinaya waxaan leeyahay gacanta dowladda iyo gacanta sharciga aadan ka waynay oo uu ku qabanayo mooryaan taas jidkooyooyinka dhigtay waxa ay ku marmarsiyoodeen in qabiil ay u shaqaynayeen”.

Waa markii koowaad bilihii dhawaa dad loosoo qabto fal ceynkan oo kale ah.

GUDDIGA XUDUUDAHA IYO FEDERAALKA SOOMAALIYA OO SIMINAAR LO OGU SOO XIRAY NAYROOBI ..

Waxaa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya loogu soo xiray shalay Aqoon kororsi muddo saddex cisho ah u socotay Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya oo Magaciisa loosoo gaabiyo BF-C (Boundaries and Federal Commission).

Aqoon kororsigaan oo ay Maalgalineysay hay'adaha Horumarinta u qaabilsan Qaramada Mid oobay ee UNDP ayaa waxyaabihii lagu bartay waxaa ka mid ahaa, sida bulshada looga dhaadhicin karo hannaanka Federaalka , Xalinta khilaafaadka deegaanada, Soohdinta iyo qaabka xuduud gobal eedyada loo sameeyo.

Guddoomiyaha Guddiga Xuduudaha iyo federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdikariin Maxamed oo ka hadlay xiritaankii aqoonkororsigaas, ayaa sheegay inay wax badan ka faa’ideen isla markaa sna ay si wanaagsan ugu shaqeyn doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Xiritaankii Siminaarkaas ayaa Waxaa ka Qaybgalay Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanna an ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya, Qareen Ahmed Issack Hassan oo ku booriyay xubnaha BFC in aynan ka daalin shaqadooda, isagoona u balan qaaday Guddiga Soomaaliya iney siin doonaan taageerooyin Farsamo iyo Tababaro dheeraad ah haddii ay u baahdaan.

"Waxaan diyaar u ahay inaan mar kasto caawiyo walaalaheenna Soomaaliyeed, IEBC-na diyaar ayey u tahay iney idin caawiso, haddii aad naga codsatiin xitaa khuburo inaan idin soo dirno waan idinku taageereynaa”, ayuu yiri Ahmed Isaaq oo intaas ku daray balanqaad uu u sameeyay Guddiga oo ku saabsanaa iney geyn doonaan haddii ay u baahdaan gobalada Kenya oo dhan, si ay u arkaan qaabka loo sameyay xuduud gobaleedyada.

EBC, ayaa guddiga madaxa bannaan ee BFC la wadaaggtay fahan ku saabsan qaabka ay ku shaqeeyaan, iyadoona saddexdii bari ee aqoon kororsigaas uu socday ay ku sugneyd Caroline Manyange oo ah xubin ka tirsan IEBC oo bixineysay casharo ku saabsan qaabka uu guddigoodu ku howlgalo.

Dhanka kale, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya, ayaa darraad booqday Xaru nta IEBC, waxeyna labada dhinac sheegeen iney yeelan doonaan xiriiro iskaashi oo joogto noqon doono.

Siminaarka oo bilowday 2-dii bishaan, ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday Was aarada arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, xiritaankiisa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Hay’adda UNDP oo uu ka mid ahaa David Akopyan iyo Ayesha Nor oo ka socotay xafiiska tageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Waxaana Shahaadooyin sharaf la gudd oonsiiyay qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay.

Ugu dambeyn, Guddiga BFC oo labo bilood ka hor lagu dhisay Muqdisho ayaa Howlaha horyaalla waxaa ka mid ah; inay kulammo wadatashiyo ah la qaataan Bulshada qeybaheeda kala duwan kadibna ay safarro ku Tagaan Goballada Soomaaliya si ay u Qiimeeyaan, isla markaasna ay bulshada ugu bandhigaan hannaanka Federaalka iyo howsha guddigooda.

DAGAAL CIIDAMADA DOWLADDA SOOMAALIYA IYO KUWA AL-SHABAAB KU DHEXMARAY GOBOLKA GEDO

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Al-shabaab ayaa ka dhacay Deegaanka Takar oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo khas aare dhimasho iyo dhawac isugu jirta kasoo gaareen dhinacyada dagaallamay.

Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay inay Weerar ku Qaadeen Deegaankaas oo ay ku sug naayeen Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliyo, waxaana halkaasi ka dhacay Dagaal Saacado badan Socday.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay ayaa haddana waxay sheegayaan wararka laga helayo deegaankaas inay ku dhinteen dagaalkaas shan ruux oo dhinacyadii hardam yay ka mid ah, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in xaaladda deegaankii dagaalku ka dhacay ay hadda tahay mid deggen, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka wadaan deegaankaas dha qdhaqaaqyo ciidan.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhowr jeer weerarro ku qaaday deegaannada ay Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM kaga sugan yihiin gobolka Gedo, kuwasaoo ay ka dhasheen khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah.

WADDAMADA YURUB OO ISKU MARI LA’A QAYBSIGA QOXOOTIGA KU QULQULAYA QAARADDA YURUB

Dalalka Qaaradda Yurub ayaa isku mari la’ qaybsiga Qoxootiga faraha badan ee ku Qulqul aya dalalkooda, kuwaas oo ka cararaya Colaadaha ka taagan dalalka ku yaalla Afrika iyo Aasiya.

Ra’iisul Wasaarayaasha Waddamada Czech, Poland, Slovakia iyo Hungary ayaa diiday in Midowga Yurub uu u Jaangooyo Tirada Qoxootiga ah ee Qaadanayaan si ay Dalalkooda ugu nool aadaan.

Ma muuqato calaamad muujinaysa in Midowga Yurub uu isaga soo dhawaanayo Arrinta ku aaddan in si cadaalad ah ay Waddamada Xubnaha ka ah Ururka EU-da u Qaybsadaan Tobannaan ka Kun ee Qoxootiga ku ah Soohdimaha Yurub.

Ra'iisul Wasaaraha Hungary, Viktor Orban ayaa xusay in xiisadda hadda taagan ay qayb ahaan mas'uul ka yihiin Siyaasiyiinta Waddamada Yurub. Isagoo intaas ku daray in Qaar ka mid ah Siyaasiyiintaas ay Qoxootiga ku Dhiirrigelinayaan in ay u socdaalaan dalalka Galbeedka Yurub.

Sidoo kale, Dalalka ay Hungary ka midka tahay uu Waajib Sharci ah ka saaran yahay inay joo jiyaan Safarrada Qoxootiga Noocaas ah.

Hoggaamiyayaasha Afarta waddan ayaa ku tilmaamay hannaanka qaybsiga qoxootiga mid horseedaya in dad badan ay badaha isku soo biimeeyaan ayna Qaarkood ku dhintaan.

Middaas badalkeeda Hoggaamiyayaashi ayaa ku talinaya in xoogga la saaro sidii Amniga Soohdimaha Waddamada Yurub loo Adkeyn lahaa iyo ilaalinta Sharafta Nidaamka isku socodka ee ay ku mideysan yihiin inta badan Dalalka Yurub ee loo yaqaano Schengen.

Dhanka kale, Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Yurub ayaa soo jeedin in la sameeyo Tareenno Qaas ah oo Qaxootiga Suuriya kasoo daabula Hungry, isla markaana geeya dalka Jarmalka, iyagoo aan ku joogsan doonin Slovakia ama Czech.

Ugu dambeyn, Qorshahaas ayaa Waxaa lagu Xiray in Xukuumadda Berlin ay Dal ku gal siiso Qoxootiga Dalkeeda la Geynayo.

KENYA OO ISKA XIRTAY KIISKA HAWEENEEY INGIRIIS AH OO SHABAAB LA JOOGTA

Maxkamad ku taala magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa iska xirtay kiiska haweene yda Ingiriiska ah ee ka tirsan Xarakadda Al-Shabab ee la yiraahdo Samantha Lewthwaite maadama ciidamada Kenya ay ku guul daraysteen inay soo qabtaan.

Gudoomiyaha maxkamada Mombasa Julius Nang’ea ayaa sheegay maadaama lagu guul dar aystay in haweenaydaan lasoo qabto ay hadda kiiskeeda iska xirayaan.

Garsooruhu waxaa uu sheegay in kiiska Samantha Lewthwaite oo muddo dheer yaalay maxk amadaha Kenya ay hadda go’aan ku gaareen inayba meel iska dhigaan oo ay iskaq tureen.

"Maadaama aan lasoo qaban haweeneydaan lana garaneyn halka ay ku sugan tahay waan iska xiraynaa kiiskeeda intaan ka badan lama sugi karo booliska” ayuu yiri Julius Nang’ea oo ah gudoonka maxkamada Mombasa.

Go’aanka maxkamadi gaartay ka dib xeer illaaliyaha gobolka Nicholas Kitonga ayaa asna she egay inuu talo ahaan u soo jeedinayo in booliska waqti dheeraad ah la siiyo si ay haweeneydaan Al-Shabab ka tirsan u qabtaan oo ay cadaalada u hor geeyaan hase ahaatee lagama yeelin.

Dawlada Kenya ayaa warqada soo xirista u jartay haweeneydaan dalka Ingiriiska u dhalatay sanadkii 2012 ka dib markii lagu eedeeyay inay abaabushay weeraro wadankaasi ka dhacay.

Samantha Lewthwaite oo muddo dheer ka mid ah Xarakadda Al-Shabab wajigana badalata ayaan la ogeyn halka ay si rasmi ah ugu nooshahay.

Sirdoonka reer galbeedku waxay aaminsan yihiin in Samantha ay joogto goob aad loo illaaliyo oo ku taala koofurta Soomaaliya.

KENYA HEEGAN GALISAY CIIDANKEEDA JOOGA JAZIRADA LAMU

Taliyaha ciidamada Boolsika waddanka Kenya Joseeph Boinett ayaa soo saaray faafin Oge ysiis ah oo uu ku cadeenayo keynta Boni ee wadankaasi Kenya in haatan ay noqotay goob halis ah isla markaana wadankaasi Kenya u horseedi karta amni darro.

Keynta Boni ayuu hada Joseph ku tilmaamay iney noqotay goob wado u ah AL-shabab ayna ka soo qaadaan weerarada dhiiga badan ay ku daateen ee ka dhaca wadankaasi Kenya , haatana ay fariisin u tahay Al-shabab.

Mudo sanado ah waxaa Keynta Boni la rumeysnaa inay fariisin muhiim ah u ahayd Al-shabab ,sidoo kale koox maleeshiyo ah oo dalkaasi ka dagaalanta ayaa iyana lasheegay si lamid ah A-shabab inay Boni u adeegsan jirin bar muhiim ah sanado kahor.

Ciidamada Daafaca Kenya oo dhowr mar isku dayey inay gudaha ugalaan Keyntan Boni ayaa Al-shabab kala kulmay iska caabon , balse Taliyaha Ciidamada Kenya Joseeph Boinettayaa sheeg ay in 90 maalmood ee soo socata ay xaqiijin doonaan amaanka Keyntaas iyo guud ahaan deegaan ada gobolka Xeebta dhaca.

SHANDAD CAQLI BADAN OO LA SOO SAARAY

Shirkad Maraykan ah oo lagu magacaabo Planet Traveler ayaa hindistay shandad casri ah, oo ay u bixisay Space Case 1, taaso oo ku samaysan tiknoolajiyad casri ah cabbirkeeduna yahay 73 cm x 53 cm.

Space Case 1 si la mid ah qalabka casriga ah ee Talefannada ka mid yihiin waxa ay ku shaqa ysaa barnaamij casri ah waxaana ku rakiban qalab dabagal oo la shaqaynaya talefanka gacanta, ka as oo si joogto ah kuugu sheegaya hadba halka ay taallo shandaddu.

Dhinaca miisaanka marka laga eegana shandaddan taayirradeeda waxaa ku rakiban qalab miisaamaya culaysa shandadda oo ku soo qoraya shaashad yar oo loogu talagalay, taas oo loogu talogalay in qofka musaafirka ah ay ka saarto cabsida imika inta badan ka qabsata miisaanka waxa uu sitaa in uu ka bato miisaankii diyaaraddu u ogolayd.

Shandaddan waxaa ku rakiban baytari dab oo quwaddiisu tahay 12000 Milliampere, waxa ay sidoo kale leedahay saddex god oo ah kuwa loo yaqaanno USB, oo midi gudaha ku yaallo labada kalana dibadda, waxa aanay awooddaa in ay ugu yaraan toddoba jeer dabayso talefannada gacanta iyo aaladaha yaryar ee la mid ah.

Shandaddani waxa ay leedahay codbaahiye ku shaqaynaya farsamada Bluetooth ka, oo qof ku si sahal ah uu ugu xidhiidhin karo talefankiisa gacanta si uu halkaas talefannada ugaga jawaabo ama uga dhegeysto waxa uu doono ee talefankiisa ku jira.

Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in shandaddani ay leedahay farsamo casriiya oo qofka leh talefankiisa gacanta u soo diraysa dhambaallo caddaynaya hadba masaafada u dhaxaysa isaga iyo shandadda. Waxa kale oo ay leedahay qalab loogu talogalay in uu shandadda ka ilaaliyo tuugada, kaas oo si fiican u shaqaynaya marka shandaddu si uun uga durugto qofka sita isaga oo aan ogeyn, markaas oo ay soo dhawaq dingiineed oo si toos ah talefanka gacanta ugu soo gudbaya. Qofka sha ndaddan iibsanayaa waxa uu ku qasban yahay in uu qaato laba xabbo oo mataano ah, qiima hooduna waa 609 doolarka Maraykanka ah, laakiin waxa ay leedahay damaanad 10 sano ah oo loo beddelayo haddii cillad aanu qofku u geysani ku timaaddo.

WAX KA BARO HABKA LOO ABUURO GANACSIGA INTERNET-KA ?

Internet-ka waxaa dhexyaala fursado ganacsi oo aad u balaaran, iyadoo uu yaryahay qarashka kaaga baxaya aasaaska ganacsiga internet-ka isla markaana faa’iidadu ay tahay mid saraysa.

Haddaba sidee ayaa u abuuran kartaa ganacsiga internetka?

Inta aadan furan ganacsi, waxaad u baahan tahay fikrad…waxaa jira dhowr fikradood oo aad uga shaqeeya internet-ka.

1. Website macluumaadka laga akhristo – Websiteyada macluumaadka laga akhristo sida wararka, talooyinka, sheekada, buugaagta iyo dhammaan waxkasta oo la qoro waxay ka midyihiin kuwa ugu caansan ee internetka looga shaqeysto isla markaana ay fududahay aasaaskooda. Wax aad u baahan tahay in aad ku wanaagsan tahay qoraalka. Waxaa jira websiteyo waaweyn oo si joo gto ah u soo tabiya wararka halka qaar kale ay ku taqasuseen soo gudbinta macluumaad gaar ah. Si aad dhaqaale uga samayso websiteka nuucaan ah waxaad u baahan tahay in ay akhristaan dad badan, adigoo ka dibna ku xiraya xayeysiinta sida Google Adsense ama xayaysiinta shirkadaha Soomaalida. Websiteyada nuucaan ah waxay u baahan yihiin samir iyo shaqo joogto ah, muddo dheer ayay qaadan kartaa inta uu soo caan baxayo.

2. Websiteyada wax lagu iibiyo – Waxaad kale oo abuuri kartaa dukaan online ah oo wax laga iibsado. Internetka waxaad ku iibin kartaa wax kasta haddii aad suuq u haysato balse waxaa muhiim ah in aad doorato suuq aan cidi kugu haysan oo aad si fudud oo raqiis ah ku heli karto maca amiishaada. Marka aad dukaanka furato waxaa sidoo kale muhiim ah in aad leedahay nidaam dadku ay lacagta ku bixin karaan oo fudud iyo in si degdeg ah aad alaabta macaamiisha ugu geyso. Gan acsiga nuucaan ah waxa uu la midyahay midkii caadiga aha ee suuqa Bakaaraha balse waxa uu ka ga duwan yahay in aadan u baahnayn in aad kiraysato dukaan qaali ah. In aad samaysato website wax laga iibsado dhaqaale badan ku bixi maayo, laakiin waa in aad soo iibsataa waxyaabaha aad iibinayso ama waa in aad iibisaa alaab dad-kale.

3. Websiteyada adeega bixiya – Haddii aad tahay qof xirfad leh ama haysta dad xirfad leh waxaad abuuri kartaa website laga dalbado adeega. Adeegyada aad ka bixin karto internetka aad ayay u badan yihiin, iyadoo halkii aad ka furan lahayd xafiis uu internetku yahay halka lagaala soo xiriirayo. Tusaale, haddii aad tahay macalin caruurta Quraanka bara, waxaad adeegaaga ku bixin kartaa internetka iyadoo ay caruurtu casharada ku qaadan karaan Skype iwm. Waxaad sidoo kale samayn kartaa adeeg laga soo dalbado nadaafada guryaha, adigoo markaa shaqaale u diraya macaamiisha soo nadiifiya guryaha. Adeegyada aad ka bixin karto internet-ka aad ayay u badan yihiin oo halkaan laguma soo koobi karo. Isla markaana ganacsiga ku dhisan adeega waa mid ka qarash yar midka badeecada iibiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip