Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo magacaabay Guddi daba gala Agaasimayaasha Waaxyaha

0
Sunday April 23, 2017 - 11:24:32 in Wararka by
  • Visits: 495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo magacaabay Guddi daba gala Agaasimayaasha Waaxyaha

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo ay Guddoomiye u tahay Dumar, kuwaasoo daba gal ku sameynaya sida ay u shaqeeyaan Agaasimayaasha Waaxyaha ee dowladda Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo ay Guddoomiye u tahay Dumar, kuwaasoo daba gal ku sameynaya sida ay u shaqeeyaan Agaasimayaasha Waaxyaha ee dowladda Hoose.

Guddigan uu magacaabay Guddoomiye Taabid ayaa ka soo tala bixin doona shaqooyinka ay qabtaan Agaasimayaasha Waaxyaha iyo baahiyaha gaarka ah ay qabaan, iyadoo Agaasimayaasha qaar aanay laheyn xafiisyo, howlahoodana ay tahay kuwo magac u yaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in Guddigan dabagalka ku sameyanay howlaha Agaasiamyaasha ay durbaba bilaabeen kulamo ay su’aalo ku weydiinayaan Agaasimayaasha qaar, iyadoo ugu tagaya Xafiisyadooda.

Guddigan ayaa marka ay soo dhameeyaan daba galkooda waxaa ay la kulmi doonaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyagoo u gudbianay waxyaabaha ay kala soo kulmaan iyo talooyin ku saabsan hadii Agaasimayaasha ay sii shaqeyn karaan, ama howlahooda tahay mid gaabis ah iyo inay u baahan yihiin adeegyo muhiim ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha Guddigan ku jira qaarkood ay xilal doon yihiin, taasoo shaki ku abuurtay xubnaha qaar ee Agaasimayaasha la daba galayo.

Illaa 32 Agaasime Waaxeed ayay leedahay dowladda Hoose, waxaana ku jirta hal haween kaliya, iyadoo inta badan ay yihiin rag, waxaa in muddo ah ka jiray dood ah in intooda badan ay ka soo jeedaan beelaha dega Muqdisho.

Warar laga helayo Gobolka Banaadir ayaa sheegaya inuu Guddoomiyaha doonayo inuu isku shaandheyn ku sameeyo Agaasimayaasha Waaxyaha, laguna soo kordhiyo Haween.

Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in waqtiga soo socda in lagu dhawaaqo Guddoomiye kuxigeeno cusub oo uu yeesho Gobolka Banaadir, kuwaasoo bedelaya kuwii hore, waxaana Kuxigeenada ka dhex muuqan doonta markii u horeysay qof Dumar ah.

Si kastaba ha ahaatee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa qorsheynaya inuu dar dar geliyo howlaha maamulkiisa, iyadoo la filayo inuu qaado tallaabooyin kala duwan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip