WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIEMS DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 23-KA ABRIILE 2017-KA

0
Sunday April 23, 2017 - 10:55:26 in Wararka by
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIEMS DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 23-KA ABRIILE 2017-KA

    MADAXWEYNE COSOBLE : CIDNA KAMA AQBALEYNAYO AMAR LAGU CUNAQABATEYNAYO DEEGAANNADA HIRSHABEELLE… Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo shir jiraa'id ku qabtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kaddib saf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE COSOBLE : CIDNA KAMA AQBALEYNAYO AMAR LAGU CUNAQABATEYNAYO DEEGAANNADA HIRSHABEELLE… Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo shir jiraa'id ku qabtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kaddib safar uu kaga yimid Magaalada Bula Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa kaga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Khaadkii labadii maalin ee la soo dhaafay ka dagayay magaalada Jowhar, hase ahaatee shalay aan ka dagin.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka hadlay diyaaradihii qaadka ee labadii maalin ka dagayay magaalada Jowhar ee Xar unta Dowlad Goboleedka, isagoo sheegay in uu soo dhoweey nayo cid kasta oo rabtaa garoomada Hirshabeelle in badeeca da hooda ay ka dagsadaan ayna soo dhoweynayaan, waxaana uu sheegay in uu maqlay in amar ka soo baxay Dowladda lagu jooj iyay in diyaaradaha qaadka aynan ka dagi Karin Jowhar, Misana aynan aqbali Karin in la cuna qabateeyo Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa sheegay markii uu maqlay amarka diyaaradaha Khaadka lagaga joojiyay Jowhar in uu wacay Ra’is ul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre misana uu wax ka weydiiyay amarkani, Ra’isul wasaaruhuna uu sheegay in uu wax ka ogeyn marka xafiisyo hoose oo Dowladda ah ayaa arrintaa ka dambeeya baaritaan ayaana socda xafiiska ay ku cadaatana ayuu madaxweynuhu carabka ku adkeeyay in ay la xisaabtami doonaan oo waxa uu Dastuurka uu qabo ay ku kala bixi doonaan.

"Waxaan Sharci eheyn Cidna nagulama dhaqmi karto, waan ogahay shaqsiyaad daneynaya oo dhahaya ma dhaceyso oo suuqyada ku hayo Ceelmacaan in la furaa ma dhaceyso Garoonka Jo whar iyo cisaley in Badeeco ka soo dagtaa ma dhici karto, shaqsiyaad raba in ay ku owr kacsadaan dano ay leeyihiin Mas’uuliyiina sheeganaya waa ay jiraan, Laakiin xaqiiqda waxay tahay dalku dast uur ayuu leeyahay dastuurka ayayna tahay in lagu dhaqmaa” Sidaasi Waxaa Yiri Madaxweyne Cos oble.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo sii hadlay ayaa sheegay in aynan jirin Dowlad gob oleed Dowlad goboleed kale ka xuquuq yar, haday dhacdo in go’aano Hirshabeelle ka dhan ah la soo saaro taasi waxay dhaawaceysaa Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, waxay meel uga dhici doontaa xuquuqda dadyowga reer Hirshabeelle, waxaana uu carabka ku adkeeyay in laba dowl ad goboleed mid dekado iyo garoomo ay leedahay, caalamkana Heshiisyo la galeysa, midna maya La dhaho midna loo fasaxo diyaaradaha Khaadka midna diyaarado kama dagi karaan la dhaho mar na ma aqbaleyno in la cuna qabateeyo Hirshabeelle.

"Waxaan xaqiijineynaa cuna qabateynta Hirshabeelle Lagu rogay cid kasta oo ku soo rogtayna Maxkamad ayaan la fuuli doonaa Xaqiiqdi waxay tahay Hirshabeelle laguma xadgudbi karo sida aan loogu xadgudbi karin dastuurka, dastuurka ayaa siinaya awoodaha uu leeyahay dowlad goboleedka, cidna dowlad goboleedka Hirshabeelle xuquuqdeeda kuma tuman karto” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

RA’IISUL WASAARE XASAN CALI KHAYRE OO BOOQASHO KU TEGAY DEGMADA DAYNIILE

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali KHayre ayaa booqasho ku tegay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir,

isagoo u kuurgalay xaaladaha amniga iyo arrimaha bulshada ee degmada ka jira waxana uu Mudanuhu warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta iyo dadweynaha degamada.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaalada uu Ra’iisul Wasaaruhu xilliyadii ugu danbeeyey kor ugu qaadayey shaqooyinka dawladda iyo adeegyada loo fidiyo dadweynaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shir looga hadlayey amniga ka furay degamada Da yniile, waxana shirka goobjoog ka ahaa taliyayaasha ciidamada, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka amniga gudaha,guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Intaas ka dib, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dadka tabaalaysan ee ku nool degma da Dayniile u qaybiyey deeq ka ka timid dawladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta, waxana Mudanuhu uu dawladda Imaaraadka uga mahadceliyey sida ay u garabistaagtay shacabka iyo dawladda Soomaaliya xilligan adag iyo dhammaan xilliyadii adkaa ee uu qarankeennu soo ma ray.

TAABID CABDI MAXAMED OO SHEEGAY IN ISBADAL KU SAMEYNAAYO MAAMULKA GOBALKA BANAADIR

Gudoomiyaha maamulka G/banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxa med oo shalay wariyaasha kula hadlay xarunta maamulka Gobalka ayaa cadeeyay in uu is badal ku sameyn doono gudoomiye ku xigeenada maamulkiisa iyo gudoomiyaasha degmooyin ka Gobalka Banaadir.

Taabid ayaa sheegay in la soo magacaabi doono gudoomiye ku xigeenada ma amulka gobalka banaadir oo xilka laga qaadi doono 3da gudoomiye ku xigeyn ee hadda shaqeeya iyo waliba gudoomiye waaxeedyada iyo gudoomiyaasha degmooyin ka gobalka banaadir isagoo hadalkiisa kusoo koobay "waxaan sameyn doonaa isbadal muuqda oo dhinaca maamulka iyo madaxda ah”

Siyaasiin badan ayaa loolan ugu jira sidii ay kaga mid noqon lahaayeen maamul ka cusub ee Dowladda Hoose halka kuwa kalane ay dadaal ugu jiraan sidii ay u difaac an lahaayeen boosaska ay joogaan.

MAREYKANKA OO LIISKA DADKA UU DOONAYO KU DARAY MUWAADIN SOOOMAALI CANADIAN AH

Dowlada Dalka Mareykanka ayaa liiska dadka ay ku daba jirto waxa ay ku dartay labo dagaaly ahano oo Canadian ah kuwaasi oo ka dagaalama dalka Syria.

Faarax Maxamed Shirdoon oo ah soomaali canadian kana mid ah liiska shaqsiyaadka dowla da Mareykanka ay ku dartay waxa loo yaqaano argagaxisada ayaa Dowlada Mareykanka waxa ay xustay in weeraro liddi ku ah amaanka ay qorsheynayeen kuwaa oo sidoo kale lagu eedeeyay in Kooxda ISIS ay maalgeliyaan.

Farah Mohamed Shirdon ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in uu ahaa layliye sare oo kati rsan kooxda Daacsih gaar ahaan kooxda AlQacida xiriirka la leh ee AlNusra Front.

Hamza Bin Laden oo ah wiilka uu dhalay hogaamiyihii hore ee ALQacida ayaa kamid ah ragga lagu eedeeyay in ay yihiin shaqsiyaad argegexiso ah.

DOWLADA UK OO KA HADASHAY QODOBADA UGU MIHIIMSAN EE SHIRKA LONDON

Warsaxaafadeed ay soo saartay dowlada Britain ayaa loogaga hadlay qodobada shirka Lon don ee horaanta bisha soo socota ka dhici doona magaalada London.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu yiri in Amaanka uu noqon doonaa mowduuca ugu muhiimsan shirka Soomaalida ee London lagu qabanayo 11ka May, kaas oo isku keenaya dawlada cusub ee Federaalka ah, maamulada xubnaha ka ah dawladda Federaalka, iyo dalalka daneeya arrimaha Soo maaliya si loo dardargaliyo horumarinta la iskuguna raaco iskaashi heer caalami ah oo baahidiisu tahay in Soomaaliya ay qaado dhabbaha ku jihaysan nabad buuxda iyo barwaaqo sanadka 2020.

"Heshiiska ay gaareen dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada waamid taariikhi ah oo dhabbaha u xaaraya in ciidamada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada wadajir uga shaqey nayaan si cad qorshaha ammaanka qaran, si ay tartartiib u qaataan masuuliyada hogaanka si nabad loo helo.”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxadeedka waxaa lagu xusey in dawlada UK ay door muhiim ah ka qaadanayso taagee rada caalamiga ah ee amni ku soo celinta Soomaaliya, iyadoo dhaqaanahan cusub ee taageerada uu yahay mid kale oo dheeraad ku ah gagaarka au hadda bixiso dawlada UK ee ay ka mid tahay tab abarka ay ciidamadda Britishka siiyaan ciidamadda qaranka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika, tababarida Booliiska iyo hawlaha xasilinta iyo waliba ka hortaga ficiladda xagjirnnimadda.

Soomaaliya waxay u sii baahnaan doontaa taageero la taaban karo guud ahaan ammaanka, isbadal siyaasadeed, horuminta dhaqaalaha iyo bulshada si loo sugo in la adkeeyo horumarka ay sameysay shantii sano ee la soo dhaafay.

Warsaxaadeedka waxaa lagu sheegay in xiligan oo kala bar dadka Soomaaliya aanay haysan cunto la isku hallayn karo, shirku waa fursad lagu xoojiyo jawaabta beesha caalamka ee abaarta jirta iyo baahida gargaarka bini’aadamtinimo waxaa loo baahan yahay taageerada caalamiga ah si looga hortago abaar baahsan, hadii aan taas la helinna horumarka siyaasadeed iyo ammaan ee Soomaa liya laga sameeyey tan iyo 2012kii wuxuu noqon doonaa mid dib u dhac wajaho.

ALSHABAAB OO SHEEGATAY OO IN 35 MADAAFIIC KU GARAACDAY GAROONKA BALLIDOOGLE

AlShabaab ayaa sheegatay in gelinkii dambe ee shalay ay 35 madaafiic ku garaacday Garo onkii Diyaaradaha BalliDoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo la sheego inay saldhig ku leeyihiin Ciidamo Mareykan ah, AMISOM iyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya.

Warar lagu qoray baraha Internetka ee taageera AlShabaab ayaa lagu sheegay in madaafiicda ay ku garaaceen Garoonka BalliDoogle oo xero u ah Ciidamo Caddaan ah iyo Afrikaan.

Ma jirto war ka madax banaan sheegashada AlShabaab oo ka soo baxay dowladda Soomaal iya iyo Taliska AMISOM, hase ahaatee warar laga helayo degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya shal ay ay maqlayeen hugunka madaafiic aanay ogeyn halka ay ku dhacayeen.

Garoonka Diyaaradaha BalliDoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah xero ay isticmaa laan Ciidamo Mareykan ah, sidoo kale waxaa halkaas ay ku leeyihiin saldhig diyaaradaha aan duul iyaha laheyn ee Drones.

Ciidamo Mareykan ah ayaa la sheegaa in dhaq dhaqaaq fir fircoon ku leeyihiin Garoonka Ball idoogle, halkaasoo ay ku tababaraan Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, waxaa horay halkaas u booqday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

CAMEY:"PUNTLAND MA FUDUDEYSAN DOONTO QATARTA KOOXAHA BURCAD BADEEDA”

Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa ka hadlay qatarta Kooxaha Burcad Badeeda Soomaliya oo xiligaan dib usoo laabatay, waxa ay Punt land kaga dhigan tahay.

Camey wuxuu sheegay in ay Puntland leedahay Qiyaastii 1,700 KM Oo Xeeba , wuxuuna ka dhawaajiyay ineysan marnaba fududeysan doonin khatarta kooxahaasi, isagoo soo hadal qaaday falkii Burcad badeedu ay ku Afduubteen Markabkii ARIS 13 ee Ay Puntland ku guuleysatay in Laga Sii daayo kooxihii Burcada aheyd ee Qafaalatay Markabkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa qiray in dhalinyarada Afduubkaasi gey satay ay la kulmaan Falal isugu jira dilal Bareer ah iyo In Xiliyada qaar ay Maraakiibta jariifka ah Ka burburiyaan Qalabkooda kaluumeysiga, Taasina ay keentay iney ka caroodaan Dhibaatooyinka Ku soo noqnoqatay Dadkaasi.

Ugu danbeyna Madaxweyne ku xigenka Puntland ayaa sheegay iney Baarayaan Fal dhawaan dil loogu geystay 2 Qof oo Dhalinyara ah Kuwaas oo Meydkooda la soo dhigay Xeebta deegaanka durduri oo Ka Tirsan gobolka Sanaag, Waxaana la sheegay iney Dileen Ciidamada Ilaalada xeeba ha ee Caalamiga ah.

FARMAAJO OO MAANTA KU WAJAHAN MAGAALADA BAYDHABO

Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa Axada maanta ah ku wajahan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweynaha Somaliya iyo wefdi uu hogaaminayo, ayaa saakay lagu wadaa in ay ka amba baxaan Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana la fillayaa in Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyan Madaxda Madaxda Maamulka Koonfur Ga lbeed.

Wefdiga Madaxweynaha Somaliya, ayaa Madaxtooyada Baydhabo kulamo kula leh Madaxw eynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Golihiisa Wasiirada, Xildhibaanada Baarl amaanka Maamulkaasi iyo qaybaha bulshada.

Gelinkii dambe ee Sabtidii, ayaa waxaa Magaalada Baydhabo ka cago dhigatay diyaarad si day Ciidanka Koofi Casta ee Madaxtooyada Somaliya, iyagoona horudhac u ah booqashada Mada xweyne Farmaajo.

sheegay in Ciidanka Koofi Casta la dejiyay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo oo xalay ay ku hoydeen, iyadoona maanta lagu wado in ay ka qayb qaataan suggida amniga ee wefdiga Madax weyne Farmaajo.

Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala Magaalada Baydhabo, ayaa saakay xiray wadooyinka ugu muhiimsan ee isu socodka magaalada, si loogu xaqiijiyo nabadgelyada Hogaamiyaha Wadanka.

Waa safarkiisii ugu horeeyay ee Farmaajo uu ku taggo magaalo ku taala dalka, kana baxsan Magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, 8dii bishii February.

XILDHIBAAN CABDIRISAAQ ” WAXAAN KU TALIYAY IN ALSHABAAB LALA HADLO”

Wasiirka hore ee Amniga Xukuumadda Soomaaliya hadana ah xildhibaan ka tirsan Baarla maanka Soomaaliya oo la hadlay VOA ayaa sheegay in uu Madaxweynaha iyo sidoo kale Wasiirka Amniga uu kula taliyay in AlShabaab wadahadal lala galo.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Ammaanka Soomaaliya uu ku hagaagi karo oo kaliya in AlShabaab hogaamiyaashooda lala hadlo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in AlShabaab ay dib u qabsadeen degmooyin horay looga saa ray, taasina ay tahay awood ay ku faanikaraan.

Waxaa uu xusay in uu Wasiirka cusub ee Amniga uu kula taliyay dagaalka in uu ka hormariyo wadahadal.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidamada Itoobiya ay fursad weyn ay siiyeen AlShabaab.

LABA NIN OO SHABAAB KA TIRSAN OO LAGU QABTAY BAYDHABO

Laba ka mid ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ayaa saqdii dhexe ee caawa lagu qabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, xilli ay qorsheynayeen in ay dilaan askari ka tirsan Ciidam ada Booliska Koonfur Galbeed.

Raggan, ayaa waxaa lagu qabtay xaafadda Suuqa Xoolaha, gaar ahaan Isgoyska Cunaaye, ka dib markii uu iska caabiyay askarigii ay doonayeen inay dilaan. Askariga ayaa dhaawacay mid ka mid ah Shabaabka.

Sarkaal Booliska Baydhabo ka tirsan, ayaa sheegay in gurmad gaaray ninka askariga ay suu rtageliyeen in gacanta lagu soo dhigo xubnaha ka tirsan mintidiinta Al Shabaab.

Sarkaalkan oo magaciisa ka gaabsaday, ayaa yiri "Nabadiidkan waxay rabeen inay dilaan ask ari Ciidamada Booliska ka tirsan oo maraayay Isgoyska Cunaaye, ujeedkoodu wuxuu ahaa inay qoriga ka qaataan, laakiin is rasaasayn ayaa meesha ku dhex martay. Gurmad deg deg ah oo Ciid amada Booliska iyo Nabad Suggida ka tirsan ayaa meesha tagey, waxayna gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah labadaasi nin isagoo dhaawac ah, markiiba wuxuu sheegay ninkii kale ee la socday, sidaasi ayaana lagu soo qabtay.”

Isagoo la hadlaayay Dhacdo.com, ayuu yiri "Labadan nin waxaa lala soo qabtay laba bistoolad iyo bambooyin ay wateen. Nimankan waa nimankii argagixisada u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada ee Magaalada Baydhabo.”

Wuxuu intaa ku daray in mid ka mid ah ragga la soo qabtay uu sanad ka hor isa soo dhiibay, isagoo markaasi iska dhigaaya in uu ka soo baxsaday maleeshiyada Al Shabaab.

"Mid ka mid ah nimankan oo lagu magacaabo Kuusow Xasan, hal sano ka hor ayuu isa soo dhiibay, wuxuu markaasi sheegay inuu ka soo goystay Al Shabaab, xerada dhaqancelinta ayuu soo maray, lacag ayuuna ka qaatay, laakiin shaqadiisa si hoose ayuu u watay.” Sidaasi waxaa yiri Sar kaalka Booliska Baydhabo ka tirsan.Xigasho. Dhacdo.com

AMISOM IYO MAREYKANKA OO SHEEGAY IN ALSHABAAB LAGA ADKAADAY

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalla Soomaaliya in ay jabiyeen AlShabaab,islamarkaana ay wiiqeen awood Ciidan aha an.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in AlShabaab hadda aysan la heyn awood Milatari oo ay ku dagaalamaan.

Dhanka kale taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Cismaan Nuur Subagle oo ka qeyb galay Shir looga hadlaayay Xaaladda Ciidamada AMISOM iyo la dagaalanka AlShabaab ayaa sheegay in AlShabaab ay AMISOM ka guuleysatay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in AlShabaab awood kaliya oo ay haystaan ay tahay in ay ku dhex jiraan dadka Soomaaliyeed oo ay ka dhasheen, islamarkaana aan laga dhex aqoon.

Mudane Subagle ayaa ugu dambeyntii Xusay in Ciidamada AlShabaab u dagaalama ay isku jiraan Ajaanib iyo sidoo kale Soomaali.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dagaal xooggan waxa ay kula jiraan Xarakada AlShabaab oo gacanta ku heysa degmooyin ka mid ah Soomaaliya.

AlShabaab ayaa Weeraro toos ah iyo kuwa Qaraxyo ah waxa ay kusoo qaadaan Saldigyadda Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM

FARMAAJO OO SARAAKIISHII HORE UGU BAAQAY KA QEYB QAADASHADA DAGAALKA ALSHABAAB

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay Xarunta madax tooyadda Soomaliya kula kulmay Saraakiisha Ciidamada qalabka sida, kulanka ayaa ahaa mid uu Madaxweynuhu ku casuumay Saraakiisha.

Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ayaa la sheegay in uu marti qaaday illaa 21 Jeneraal, ku waasoo ay ku jiraan Taliyeyaal horay xilal soo qabtay iyo Saraakiil kale oo heysta darajada Jeneraal.

Kulanka Madaxweynaha iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa la sheegay in diirada lagu saaray sidii Saraakiisha Ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa howl gabka ah ee aan xilka heyn inay ka qeyb qaataan hoggaaminta howl galada ka dhanka ah Xarakada AlShabaab.

Dowladda Farmaajo ayaa xiligaan wada abaabul ku aadan sidii loo qaadi lahaa Guluf dagaal oo dalka oo idil loogu saarayo dagaalyahanada Xarakada Alshabaab oo haatan ku harsan qeybo ka mid ah Gobolada dalka.

QARAX GAARI OO KA DHACAY MUQDISHO

Meel u dhow Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhacay Qarax gaa rigiisa loogu xiray Wariye Faysal Cumar Xaashi oo ka tirsan Wakaaladda Wararka Reuters.

Qaraxa ayaa ahaa Miino lagu soo xiray Gaariga uu watay Wariye Faysal.

Sida ay inoo xaqiijiyeen Wariyeyaal goobta tagay Qaraxa wax khasaare Nafeed ah kama dhalan.

Gaariga ayaa qarxay ka dib markii ka degtay Wariye Faysal oo doonaayay in uu wax kasoo gato farmashiye.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaayay Qaraxyadda lagu xiraayo gawaarida.

BOQORKA SUCUUDIGA OO XILKII KA QAADAY WASIIRKII SHAQADA

Boqorka Sucuudi Carabiya, Salman Bin Cabdilcasiis

Boqor Salman ka Sacuudi Carabiya ayaa dib u soo celiyey gunnooyinkii la siin jiray shaqaa laha da wladda iyo ciidanka dalkaas ee laga gooyey bishii Sebtember ee sannadkii hore, markii dalku qaatay tallaabooyinka lagu dhimayo kharashaadka dawladda sababtuna ay ahayd sicirka saliidda oo hoos u dhacay.

Sidoo kale qaraaro boqortooyo oo uu soo saaray boqorku ayuu xilkii kaga qaaday wasiirkii sha qada waxaanu amar ku bixiyey in la baadho in wasiirku ku takri falay awoodda xafiiskiisa iyo in kale.

Qaraarada kale ee uu soo saaray Boqorku waxa ka mid ah inuu dan jirihii dalkiisa u fadhiyey Maraykanka ku bedelay wiilka uu isagu dhalay ee Amiir Khalid.

Boqorku waxa kale oo uu amar ku bixiyey in la abuuro xarun nabad sugidda qaranka ah oo toos u hoos timaadda xafiiska boqorka.

Askarta gunooyinka dheeraadka ah la siiyey waxa ka mid ah ciidamada ku sugan furinta dag aalka xulufada Sucuudigu hogaaminayaa ka wadaan dalka Yemen oo la siin doono laba bilood mu shaharkood oo dheeraad ah.

MAXAAD KA TAQAANAA AXMED DUCAALE OO KA MID AH MUSHARAXIINTA UGU CADCAD GALMUDUG..

Musharax Axmed Ducaale Geelle Xuseen (Xaaf), ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad ee u taagan jegada madaxtinimada ee Maamulka Galmudug.

30-ka bishan April, ayaa waxaa lagu wadaa in la doorto Madaxweynaha Galmudug, oo ay u taagan yihiin tiro musharaxiin ah oo isu soo sharaxay xilkaasi.

Siyaasiga Axmed Ducaale Geelle, ayaa ku dhashay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, 8dii bishii July sanadkii 1949-kii, iyadoo Dugsiga Hoose/Dhexe uu ku soo qaatay ma gaaladaasi, intii u dhaxeysay 1958-1965-kii. Sidoo kale Qur’aanka Kariimka ayuu ku xifdiyay isla magaaladaasi.

Dugsiga Sare, ayuu kaga baxay Iskuulka Jamaal C/naasir ee Magaalada Muqdisho intii u dhax eysay 1966-1970-kii. Jaamacadda Umadda, Kulliyada Dhaqaalaha ayuu kaga baxay intii u dhaxeysay 1972-1976-kii.

Intii uu dhiganaayay Jaamacadda Umadda, ayuu ka shaqo billaabay Bankiga Dhexe Somaliya, isa oona ka soo shaqeeyay intii u dhaxeysay 1975-1979-kii.

Dhanka ganacsiga, ayuu u wareegay 1979-kii, iyadoona uu ku soo jiray illaa 1999-kii. Wuxuu no qday aasaasihii iyo hawlgeliyihii Garoonka Nambar Konton ee Gobolka Shabellaha Hoose, intii u dhaxeysay 1992-2011-kii.

Sidoo kale waa aasaasihii iyo hawlgeliyihii diyaaraddii ugu horeysay ee ka hawlgasha Somaliya (Daallo Airlines), wixii ka dambeeyay burburka Dowladdii Dhexe Militariga.

Sanadkii 2000, ayuu ku biiray saaxadda siyaasadda dalka, iyadoo uu ka mid noqday Xildhi baanada Baarlamaankii Carta lagu soo dhisay, waxaana uu Xildhibaan soo ahaa illaa 2016-kii.

Waxaa la xusuustaa gacantii uu ku lahaa fududaynta ergooyinkii Somaliyeed ee ka qaybga shay Shirkii Magaalada Carta ee Wadanka Jabuuti, laguna soo doortay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Mudadii burburka, ayuu la soo shaqeeyay qaar ka mid ah Hay’adaha Qaramada Midoobe sida, WFP, Save Children, FAO iyo ACRC. Wuxuu sidoo kale uu la soo shaqeeyay Hay’adaha DONE iyo ADCO Groups.

Marka laga hadlayo waxqabadka Xaaf, ayaa waxaa la’ogyahay in ceel biyeedyo farabadan uu ka hirgeliyay magaalooyin ku kala yaala Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, waxaana laga xusi karaa Gaalkacyo 4 ceel, Galdogob 2 ceel, Dagaari 1 ceel, Galinsoor 1 ceel, Gowlalo 1 ceel, Gal barwaaqo 1 ceel, Celguula 1 ceel, Xinlabi 1 ceel, Dhuure 1 ceel, Qodaxtoole 1 ceel, Qodqod 1 ceel, Yamaarugleey 1 ceel, Matabaan 1 ceel, Beerxaani 1 ceel, Buurweyn 1 ceel, Dhabad 1 ceel iyo Caab udwaaq 1 ceel.

Iskusoo wadaduuboo Xaaf, ayaa rumeysan in wadada saxda ahi uu ku hogaamin karo bul shada ku dhaqan Gobolada Galgaduud & Mudug, haddii ay doortan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

BOGGA CAYAARAHA

EL CALSICO: GUILLEM BALAGUE OO SOO XUSHAY SHANTII WAQTI EE XUSUUSTA UGU BADAN KU LAHAA CLASICODA.

Ugu dhawaan waxaa soo dhamaanaya waqtigii dheraa ee la sugayay kulanka xiisaha badan ee El Clasicoda oo barri oo axad ah Stadio Santiago Bernabeu ku dhex mari doona kooxaha sida wa yn Spain ugu xifiltama ee Real Madrid iyo Barcelona. Haddaba ka hor kulankan waxaa shantii waqti ee kulamada Barcelona iyo Real Madrid ugu xusuusta badnaa soo doortay khabiirka kubbada cagta Spain iyo Sky Sports ee Guillem Balague.

1. Derbigii Madaxyada Doofaarka (November 2002)

Guillem Balague ayaa xusuustiisa ugu wayn ee lambarka kowaad ah u soo qaatay waxa uu ku tilmaamay derbigii ceebta ahaa wuxuuna yidhi: ” Anigu kulankan uma soo dooranayo mid ku bbada cagta ah sababtoo ah waxa uu xaqiiqdii ku dhamaaday barbaro gool la’aan ah, laakiin waxay sababtu tahay natiijada ay aduunka ka samaysay. ‘Derbygii ceebta”.

Guillem Balague ayaa qormadiisa ku soo xidhay: ” Waxaa xudun u ahaa go’aankii uu Luis Figo kaga baxay Barcelona ee uu ugu biiray Real Madrid. Dhamaan isaga ayaa lagu soo tuuray manay ahayn ugu yaraan madaxyo doofaar, waxa uu ahaa xaqiiqdii madaxyo doofaaro oo carruur ah oo luu qada Spain loogu yaqaaan cochonillo. Luis Van Gaal waxa uu Figo ku eedeeyay in uu cadhada kic iyay sababtoo waxa uu sameeyay wixii uu markasta samayn jiray".

2. Mourinho Iyo Wixii Camp Nou Ku Qabsaday (November 2010)

Guillem Balague oo sharaxaya qodobka labaad ee ugu xusuusta badnaa kulamada El Clasi coda ayaa yidhi: ” Waxa u muuqday guushii ku soo laabasho ee Jose Mourinho ee Camp Nou ayay Barcelona 5:0 ku ceebaysay Real Madrid iyada oo jirtay suurtogalnimada bandhigoodii abid ugu fiic naa. Xavi ayaa kadib ku qeexay kulankiisii ugu fiicnaa ee uu abid ciyaaray”.

Jose Mourinho and Pep Guardiola had a bitter rivalry in Spain

” Xaqiiqdii xataa way ka badan kartay, waxa la sameeyay waxa uu ahaa in xidhiidhka laxanka la saaray kaas ayaana ahaa heer kulka u dhexeeyay Mourinho iyo Guardiola ee waqtiyadii uga hadhsanaa kooxahooda” ayuu khabiirka sky sports iyo kubbada cagta Spain ee Guillem Balague hadalkiisa sii raaciyay.

3. Isku Taagidii Jamaahiirta Bernabeu Ee Ronaldinho (November 2005)

Ronaldinho celebrates during a Clasico with Real Madrid in 2005

Guillem Balague oo xusuustiisa saddexaad ee Clasicoda ka hadlaya ayaa yidhi: ” Bishii Nov ember 2005 kii Barcelona waxay Real Madrid ku garaacday 3:0 iyada oo Bernabeu joogtay. Isku taagii jamaahiirta Madrid waxa uu yimid markii uu Ronaldinho dhaliyay goolkiisii labaad, laakiin wixii tan iyo markaas la sheegay, Ronaldinho muu ahayn ciyaartoygii ugu horeeyay ee Barcelona ah ee isku taagis ka hela Bernabeu”.

” Xaqiiqdii waxay jamaahiirta Madrid si la mid ah u sameyeen Diego Maradona inkasta oo ay markaas ahayd mid Real Madrid dhan ka ahayd ee ka hor intii aanu ciyaartoygu bandhiga samayn”. ayuu Guillem Balague hadalkiisa sii raaciyay.

4. Barcelona Ayaa 62 Ku Ceebaysay Real Madrid Oo Gurigeeda Joogtay (May 2009)

Guillem Balague ayaa markale hadalkiisa ku bilaabay: ” Barcelona ayaa waxtar leh horyaalka ugu guulaystay Bernabeu iyada oo burburiysay Madrid taas oo iyaga dhigtay 7 dhibcood oo nadiif ah in ay ka horeyaan iyada oo waliba ay hadhsan tahay afar kulan oo kaliya May 2009 kii. Waxay Gua rdiola dhigtay dariiqii uu saddexda koob ugu guulaysan lahaa, wuxuuna la mid ahaa haddii aanu kaba waynayn 5:0 kii ay Camp Nou ugu diciifiyeen Madrid November ee sanadkii ku xigay”.

5: Afar El Clasico Oo Saddex Todobaad Lagu Ciyaaray (AprilMay 2011)

Guillem Balague ayaa qoraalkiisa ku bilaabay: "Ma aha hal, laba ama xataa saddex, laakiin waa afar kulan oo Clasico ah oo lagu ciyaaray in ka yar saddex todobaad intii lagu jiray xili ciyaa reedkii 2010/11, waxayna dhamaantood ahaayeen kulamo waa wayn oo ah horyaalka kadib finalkii Copa Del Rey iyo laba kulan oo afar dhamaadka Champions Leaquega ah”.

” Real Madrid ayaa guulaysatay kaliya hal kulan oo ah finalkii Copa Del Rey waxaana mahad ku lahaa Cristiano ROnaldo oo gool madax ah dhaliyay waqtigii dheriga ahaa. Sergio Ramos ayaa koobka kula safray buska iyada oo loo dabaal degayo” ayuu Guillem Balague hadalkiisa sii raaciyay.

Guillem Balague oo sharaxaadiisa sii wata ayaa yidhi: ” Madrid ayaa xifiltankan ku guulaysatay laakiin Barcelona ayay ahayd kooxda dagaalkan ku guulaystay. Kulankii ugu horeeyay waxay ku kala baxeen barbaro 1:1 ah waxaana laba rekoodhe kala dhaliyay Lionel Messi iyo Ronaldo si ay Barcelona 8 dhibcood oo nadiif ah uga sare marto Real Madrid ee horyaalka La Ligaha”.

Guillem Balague ayaa hadalkiisa sii raaciyay: ” Guushii Madrid ee Copa Del rey sidaa ayay ku timid, laakiin Barcelona ayaa 2:0 ku soo guulaystay lugtii hore ee Champions Leaquega ee kulankii Bernabeu kadib markii Pepe casaan la siiyay waxaana kulanka dilay goolkii layaabka lahaa ee uu Messi dhaliyay. Kadib markii uu Pedro hogaanka u dhiibay Barcelona kulankii lugtii labaad, ayuuna goolkii barbaraha ee Marcelo ku filnaan Real Madrid ".

Spain LaLiga Santander

21:45 Real Madrid ? ? Barcelona

Frica - Nations Championship:: qualification:

Somalia 1 -2 South Sudan

England - Premier League

AFC Bournemouth 4 - 0 Middlesbrough

Hull City 2 - 0 Watford

Swansea City 2 - 0 Stoke City

West Ham United 0 - 0 Everton

England - FA Cup

Chelsea 4 - 2 Tottenham Hotspur

5' Willian 1 - 0

18' 1 - 1 H. Kane

43'Willian 2 - 1

52' 2 - 2 D. Alli

75' E. Hazard 3 - 2

80' N. Matic 4 - 2

ENGLAND - PREMIER LEAGUE

16:15 Burnley ? - ? Manchester United

18:30 Liverpool ? - ? Crystal Palace

CHAMPIONS LEAGUE - SEMI-FINALS

May 2

21:45 Real Madrid ? - ? Atletico Madrid

May 3

21:45 Monaco ? - ? Juventus

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip