Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland oo Gaalkacyo lagu toogtay

0
Saturday April 22, 2017 - 10:19:32 in Wararka by
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland oo Gaalkacyo lagu toogtay

    Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Waqooyiga, ayaa sheegaya in xalay Kooxo hubaysan Magaaladaasi ay ku toogteen Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Waqooyiga, ayaa sheegaya in xalay Kooxo hubaysan Magaaladaasi ay ku toogteen Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland.

Sarkaalkaan ayaa lagu dilay meel aanan sidaasi kaga fogeyn hooygiisa, kadib markii rag wajiyada soo duubtay ay Bistoolad ku toogteen.

Wararka waxa ay sheegayaan ninka la dilay in lagu magacaabi jiray Axmed Cabdiraxman Xasan Nuur Gaandiwuxuuna ka mid ahaa sida wararka ay sheegayaan illaalada Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Raggii dilka gaystay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo ciidamada Puntland mar dambe ay soo gaareen goobta ay wax ka dhaceen baaritaanana ay ka sameeyeen.

Ammaanka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa waayahan dambe wuxuu ahaa mid hagaagsan oo aysan ka dhicin dilalka qorsheysan ee loo gaysto Saraakiisha ciidamada Puntland.

Ciidamada Puntland, ayaa lagu soo waramayaa saaka inay wadaan hawlgalo ammaanka ay ku xaqiijinayaan, sidoo kalena ay ku baadigoobayaan kooxaha xalay dilka ka gaystay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip