misom oo isaga baxday deegaanka Ceel Silindi iyo Shabaab oo la wareegay

0
Saturday September 05, 2015 - 10:12:46 in Wararka by
  • Visits: 975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    misom oo isaga baxday deegaanka Ceel Silindi iyo Shabaab oo la wareegay

    Ciidamada Ururka Al Shabaab ayaa saaka aroortii la wareegay deegaanka Ceel Silindi oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii ciidamadii Amisom ay isaga baxeen deegaankaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ururka Al Shabaab ayaa saaka aroortii la wareegay deegaanka Ceel Silindi oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii ciidamadii Amisom ay isaga baxeen deegaankaan.
Xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay ciidamada Amisom inay faarujiyeen deegaanka Ceel Silindi, waxa ayna ka guureen guud ahaan deegaanka oo ay ka rarteen qalabkii u yiilay.

Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa saaka aroortii galay deegaankaan oo la wareegay guud ahaan gacan ku haynta deegaanka Ceel Silindi.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha saaka in deegaanka Ceel Silindi ay ku sugan yihiin ciidamada Ururka Al Shabaab, dhawaana fagaaraha deegaanka ay Bulshada kula hadli doonaan Shabaabka.


Waxa uu sheegay Qofkaasi dadka deegaanka ka mid ah ciidamo badan oo Shabaab ka tirsan inay maamulayaan gacan ku haynta deegaanka Ceel Silindi, ciidamadii Amisom ayuu sheegay maalmahan dhan inay ku guda jireen guuritaan, balse ugu dambeyn xalay saqdii dhexe ay faarujiyeen deegaanka.

Ceel Silindi, waxa ay ku dhaw dahay Deegaanka NO.60 ee Gobolka Shabeellaha hoose, ilaa hada lama oga ciidamada Amisom sababta ay uga baxeen deegaankaan.

Ciidamada Amisom ee Gobolka Shabeellaha hoose ku sugan, ayaa la kulmay dagaalo iyo weeraro culus oo kaga yimid dhanka Ururka Al Shabaab, taasina waxa ay keentay inay Amisom isaga baxeen deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose. XIGASHO;- DHACDO.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip