Kaba daran!!…Talo Dowladeed. Talo qof la toosan qofna la tuur leh.

0
Monday April 10, 2017 - 20:45:49 in Wararka by
  • Visits: 1136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaba daran!!…Talo Dowladeed. Talo qof la toosan qofna la tuur leh.

    1-Beel waliba waxa ay leedahay waxaan rabnaa wasiir. Mala weeydiiyay haddii la idin siiyo, muxuu idin siinayaa? xuquuq gaar ah miyaad ka sugeeysaan? Wax miyuu idiin soo xadayaa? ileeyn mushaarkiisu tolka ma kala gaarayee, ma iska dhahdiinoo tuug tolk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Beel waliba waxa ay leedahay waxaan rabnaa wasiir. Mala weeydiiyay haddii la idin siiyo, muxuu idin siinayaa? xuquuq gaar ah miyaad ka sugeeysaan? Wax miyuu idiin soo xadayaa? ileeyn mushaarkiisu tolka ma kala gaarayee, ma iska dhahdiinoo tuug tolkaa aan rabnaa, illeyn wasiir macnahiisa ma taqaaniine. Tolku waxaa ay jecelyihiin, wasiir iyagana waji kula dhaqma, somalida kalena waji kale kula dhaqma.



Talo Dowladeed-TD.( dowladu qofkii beelu keento, shuruud beesha ha lagu xirto, Beeshu sida ay isku aragto ma ahan haddii sharcigu sareeyo).

2-Haddii waalid Ameerika joogo la siiyo dhalashada Mareeykanka, waxa uu u dacwoodaa caruurtiisa,waana loo ogolaadaa bacdamaa uu yahay Muwaadin mareeykan ah. Annaga bacdamaa madaxweeynaheenu mareeykan yahay, xaq ma u leenahay in uu noo dacwoodo si kuligeena naloo siiyo dhalashada mareeykanka, si intii daneeynee loo qarameeyo, taas oo madaxda dalkuna ay taageero weyn uga heli lahaayeen dadka xanuunka buufiska la ildaran.

Dastuurkeena waa ku qoran in qofku laba jinsiyadood qaadan karo,taa lama diidano, laakin la isma weeydiin xil ma ku qaban karaa?. waxaa haboon marka qof loo magacaabayo xil siyaasadeed gudaha iyo dibada sida: wasiir, xildhibaan, safiir ,taliye ciidan, ama madaxweeyne gobaleed, waa in uu maxkamadda tago oo uu ku cadeeyo in uu baabiyay jinsiyadii kale, kadibna qoraalkaa laga tasdiiqo wasaarada arrimaha dibada ee somalida, loona diro dowladii iyo degaankii laga siiyay jinsiyaadaa in uu ka baxay.

Dastuurkeenii hore iyo sharci hoosaadkii doorashada ee 60aad kii waxaa ku qoraa qofka deegaanka uu wax ka soo dooranayo waa in muda cayiman " 2 sano ama 6 billod ayaan u malleynayaa " in uu deganaa deegaankaa. haddana mid aan laba habeen ku hoyan ayaa wax soo doortaa. Xataa qodobkaa Kii hore si weeyn looma dhaqan galin waxaa lagu soo koobay dowlada hoose ee degmada.waxa aad argagixiso u taqaaniin wax nooga ragagax badan ayaa jira ee aan isla fahamno.

FG. Aniga iyo abootadeey kuma jirno dhoofka, dadkii hore ",prima tipo” ayaan nahay waxaan iska ahaaneeynaa beesha aan mareeykanka aheeyn ee looga tirade badan yahay Somalia.

Waxaad maqlee safaarad leh muwaadiniinteenu somaliya ha ka soo bexeen,nabad galyadaa xume, kuwa loo yeerayo waxaa ku jira wasiirkaagii ama walaalkaa.haddii aad wax yeesho waa ajnabi dowladiisaa ku qabsee, hadduu wax ku yeelo waa reer hebel beeshiisaad u raacee.waxaa na wareeriyay: wiilku waa hiraab waana Hollandees,wiilku waa majeerteen waana mareeykan,wiilku waa digil waana Danmarkees, waa isaaq waana iswidhish, waa karinle waana kanadian,waa ogaadeen waana ingriis,waa others waana aduunka oo dhan,waa shiiqaal waana shisheeye,iyo kuwa kale. Ar wiika inteen u raacnaa!. Waxaa rabto sheego anigu walaalkeey somaaliya oo qax qaraab u doontay dibada ayaan kuu arkaa.

TD-( dowladu xilalka xasaasiga ah dadka loo dhiibayo haka fiirsato, xattaa dowladaha horuumaray arrintan waa tix galiyaan, qof kastana xil uma dhiibaan,xataa haddii dasruurkoodu fasaxayo, marka laga reebo mid mid qancis ah oo dusha lagala socdo).

ogowo, siyaasigu habllaha been uma sheego ee waa kaftan siyaasdeed oo ,waa nin aamin ah, dumarkana ka aqrinaya da’da, iyo khaladkiisa .

FG: siyaasi hadii aad dhaliisho ama aad talo siiso ma qabiilkiisa oo dhan ayaad dhaliishay. Qabiil ha u macneeyn qoraalkan in wax aadan igu raacsaneeyn ku jiraan qoraalkan waan hubaa,ee i sax argtidaadana ku biiri.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip