WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 5-TA SEPTEMBAR 2015-KA

0
Saturday September 05, 2015 - 09:34:47 in Wararka by
  • Visits: 1395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 5-TA SEPTEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNAHA: ''SOOMAALIYA WAXAY LEEDA HAY FURSAD AY KU NOQOTO HORSEEDKA DHAQA ALAHA QAARADDA AFRIKA'' Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxa muud iyo Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA: ''SOOMAALIYA WAXAY LEEDA HAY FURSAD AY KU NOQOTO HORSEEDKA DHAQA ALAHA QAARADDA AFRIKA'' Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxa muud iyo Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella, ayaa maanta kulan ku yeeshay xar unta madaxtooyada dalka Talyaaniga ee mag aalada Rome. Madaxweynaha ayaa dhiggiisa Talyaaniga uga waramey xaaladda dalka Soo maaliya iyo horumarka laga sameeyay dhinac yada amni ga, siyaasadda, dib u soo kabash ada dhaqa alaha, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo fidinta adeegyada bulshada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahad celiyey taageerada Talyaaniga ee dib u dhiska Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in iyadoo laga duulayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal loo baahan yahay in Soomaaliya maal gashi lagu sameeyo. ‘’Waxaan Mudane Mada xweyne kaa codsaneynaa inaad ku dhiirigeliso dowladdaada iyo shirkadaha ganacsiga Talya aniga inay maalgashadaan Soomaaliya, si looga faa’iideysto kheyraadka aan leenahay. Soomaaliya waxay leedahay kheyraad u saam axaya inay noqoto horseedka dhaqaalaha Afr ika, waxaana ku dhiirigelinayaa Talyaaniga inay ka faa’iideystaan fursaddaasi oo ay ka mid noqdaan waddamada ugu horeeya ee maalgashanaya dalkeena’’.

Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Matta rella ayaa u sheegay Madaxweyna Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdigiisa in Talyaaniga uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, isla mar ahaantaana uu soo dhoweynayo codsiga Soomaaliya ee dhinacyada maalgashi ga , iskaashiga dhaqaalaha, arrimaha bulsha da iyo amniga.

Waxaa uu Mr Mattarella ku bogaadiyey Mad axweynaha Soomaaliya dadaalka uu ku bix inayo sugidda amniga, siyaasadda, fidinta ade egyada iyo arrimaha bulshada, kuwaas oo uu sheegay inay sii adkeynayaan barnaamijyada lagu xaqiijinayo dib u soo kabashada Soomaal iya, dowladda Talyaanigana ay taageero buu xda la garab taagan tahay.Labada Madaxwe yne ayaa sidoo kale ka ha dley arrinta muha ajiriinta ku soo qulqulaya Yur ub, gaar ahaan Talyaaniga, kuwaas oo qaark ood ay yihiin muwaadiniin u dhashey Soomaa liya.

Madaxweynaha Talyaaniga Mr Mattarella ayaa soo dhoweeyay fikir uu soo jeediyay Mad axweynaha Soomaaliya oo ahaa in dhalin yarada Soomaalida ee u soo tahriibtey Talyaa niga, isla markaana ku guuldareystey in rasmi ahaan loo qaabilo, la siiyo tababaro mihnade ed, dalkana dib loogu soo celiyo si xirfadaha ay barteen ay ugu adeegsadaan dib u dhiska Soomaaliya. Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa mas ’uuliyiin ka tirsan labada dal, waxa ana uu ku dhammaadey jawi is afgarad leh. –DHAMMAAD

SHIRKA GOLAHA WASIIRADA OO LAGU MAGACAA BAY TALIYAHA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED

Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa dorraad isugu yimid kulank oodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuum ada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xalaaddaha Amniga iyo hogaan cusub oo uu yeesho ciidanka Xooga dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa golaha Wasiirada u soo jeediyay magacaabid taliyaha ciidanka xo ogga dalka waxaana dood dheer ka dib, golu hu ay isla ogolaadeen magacaabista taliyaha Ciidanka Xooga dalka oo loo magacaabay Jan aral Maxamed Aadan Axmad.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale, soo jeed iyay in loo dalacsiiyo Taliyaha cusub ee C.X. D. Mudane Maxamed Aadan Axmad darada Sareeye Gaas, maadama uu yahay shaqs ita khasus weyn u leh howlaha Ciidamada, uga na soobaxay kulliyado kala duwan oo dalka dibeddiisa ah. Taliyaha cusub ee ciidanka C. X.D Janaral Maxamed Aadan Axmad ayaa waxbrashadiisii ciidanimo ku soo qaatay kulli yadda Ciidanka ee Masar, kulliyada hogaamin ta ciidanka ee Ruushka, Muskow, kulliyada da gaalka ee da lka Mareykanka, isaga oo sidoo kalena soo qabtay xilal kala duwan oo ciidama da ah, wuxu una ahaa Taliye qeybta Baladwe yne,Taliyaha qeybta ciidanka 60-naad Baydha bo,taliyaha qeybta 21-naad ee Dh/mareeb.

Arrintan ayaa qeyb ka ah, dardargelinta, xo ojinta iyo tayeynta ciidamada xoogga dalka, iyadoo Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid na uu ku ammaanay hogaankii hore ee ciidan ka inay heer wanaagsan soo gaarsiiyeen Talis ka, loogana fadhiyo hogaankan cusub inuu hal kaasi ka sii wado.

Dhanka kale, Hanti dhowraha Qaranka Mu dane Dr. Nuur Faarax ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay howlaha Xafiiska Hanti dhowr ka Qaranka, taasoo ku saabsaneyn arrimaha Baarista,hubinta iyo illaalinta Hantida Qaran ka, guurto iyo maguurtaba. Waxaana xafiiska Hanti dhowrku uu ka codsaday xukuumada in ay ku garab siiso gudashada waajibaadkiisa shaqo, si loo dhowro Hantida Qaranka, loogu na dhaqmo si waafaqsan sharciga-Dhamaad

MADAXWEYNAHA: ''SOOMAALIYA IYO TALYAANIGA DHINACYO BADAN AYAY ISKA KAASHAN KARAAN''

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Max amuud ayaa khudbad ka jeediyay Carwada Caalamiga ah ee ganacsiga iyo maalgashiga ee ka dhacaysa M.Milano ee dalka Talyaani ga. Madaxweynaha ayaa sheegay in Soom aaliya ay dib uga soo kabaneyso colaaddi so keeye, lana sameeyay horumar dhinacyada amniga,siyaasadda iyo dhaqaalaha, taasina ay suuragelineyso in shirakadaha kala duwan ee caalamka ay maalgashan karaan Soomaa liya.

‘’Soomaaliya waxay leedahay kheyraad badan oo kala duwan. Waxaan leenahay dhul beereed, kheyraadka badda, xoolaha nool iyo weliba kheyraadka shidaalka iyo macdanta. Sidaa darted waxaan 148 dowladood ee ka qeybgalaya carwadan, gaar ahaan Talyaaniga u sheegayaa in waddankeena uu diyaar u ya hay ganacsi iyo maalgashi. Dhanka kheyraad ka beeraha, waxaan aaminsanahay in haddii si wanaagsan loo maalgashado ay Soomaali ya gacan ka geysan karto sidii wax looga qa ban lahaa dhibaatada cunno yarida ee ka jirta dunida. ’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in do wladda ay ka shaqeyneyso sameynta sharciya da maalgashiga, isla markaana sharciyadaasi noqon doonaan kuwa ugu fiican qaaradda Afri ka ee soo jiita shirkadaha maalgashiga caala mka. Waxaa uu Madaxweynaha si gaar ah u ga hadley xiriirka soo jireenka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, isagoo ka mahadc eliyay doorka Talyaanigu ka qaadanayo dib u soo kabashada Soomaaliya, gaar ahaan dhin acyada amniga , siyaasadda iyo arrimaha bul shada.

Dhanka xasaradda dadka u soo haajiraya waddamada Yurub, ayaa Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxaa uu sheegay in loo baah an yahay in xal wadajir ah ay la yimaadaan dalalka caalamka.‘’Arinta muhaajiriinta, gaar ahaan kuwa ka imanaya Afrika, waxaa loo ba ahan yahay in waddamada Yurub ay Afrika ga can ku siiyaan abuurista fursado dhaqaale oo ku dhiirigelinaya dhalinyarada inay dalalkooda ka shaqeystaan halkii ay naftooda khatar u gelin lahaayeen, iyagoo fursado dhaqaale ka raadinaya waddamo ka fog dhulkooda’’.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Talyaaniga, Roberta Pinotti oo ka wakiil ahayd Ra’iisul Wa saaraha Talyaaniga, ayaa iyana hadal ay ka jeedisey goobta waxay kaga hadashey xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo sheegtay in dalkeeda uu si buuxda qeyb uga yahay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka jira Soma liya.

"Xoojinta xiriirka labada dal muhimad gaar ah ayay inoo leedahay. Md.Madaxweyne dowl adda Talyaaniga waxay soo dhoweyneysaa hoggaankaaga wanaagsan ee dib u soo kaba shada Soomaaliya, siiba dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Sidaa darted wax aad xisaabta ku darsataa in Talyaanigu uu ya hay saaxiib dhab ah oo aad leedahay oo kugu taageeraya hawlaha muhiimka ah ee aad hay so’’, ayay tiri Roberta Pinotti, Wasiirka Gaash aandhigga ee Talyaaniga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo ka le magaalada Milano ka furey Madasha Dhaq aalaha iyo Maalgashiga Soomaaliyeed oo ay ka soo qeybgaleen ganacsato Soomaaliyeed, shirkadaha ganacsiga caalamka iyo dowlado. Waxaa uu Madaxweynaha hadal uu halkaasi ka jeediyay ku sheegay in Soomaaliya ay diy aar u tahay inay si wanaagsan u soo dhowe yso maalgashiga shirkadaha caalamka, isla markaana kuwa soo hormara la siin doono mudnaan gaar ah waxaa kale oo uu Madax weynaha isla M/Milano kulan kula qaatey Gu ddoomiyaha G/Lombardia, Roberto Maroni. Gobolka Lombardia oo ka mid ah gobollada dhanka warshadaha qaniga ku ah qaaradda Yurub, ayaa waxaa uu Madaxweynaha, mada xda gobolkan kala hadley sidii adeegyada iyo xirfadaha dhanka tiknoloojiyadda loogu tag eeri lahaa gobollada kala duwan ee Soomaa liya.

Mar uu la hadlayey jaaliyadda Soomaalida ee M/Milano, waxaa uu Madaxweyna Xasan Sh. Maxamuud ugu baaqey inay dib dalka ugu noqdaan, si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska waddankooda. Madaxweyna Xasan Sh Ma xamuud uu M/Rome, kulan kula yeesho Mad axweynaha Talyaaniga, Sergio Mattarella. -DHAMMAAD-

GOLAHA AMMAANKA OO SHEEGAY IN LA CIQAABAYO DADKII SOO QABAN QAABIYAY IYO KUWII MAALGELIYAY WEERARKII JANNAALE

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoo bay, ayaa waxa ay ka hadleen weerarkii cusl aa ee Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Sal dhig ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Degm ada Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Fadhiga Golaha Ammaanka ayaa la gu ca mbaareeyay weerarkaasi oo lagu til maa may mid wuxuushnimo ah, waxaana Gola ha ay she egeen in si deg deg ah cadaa lada loo horke eni doono Dambiilaya ashii ka da mbeyay falka

Warxafaadeed Golaha ammaanka uu soo saaray,ayaa lagu sheegay in Golaha ama anka uu aad kaga xun yahay wixii 1-da bishan Sep temper ka dhacay degmada Janaale gaar ah aan Fariisinka Ciidanka AMISOM,iyagoon tac si u diray dhamaan ehalka dhibanayaasha iyo sidoo kale shac abka Dowlada Uganda.

Golaha waxa ay sheegeen inay qirsan yih iin kartida ciidanka Amisom ay u leeyihiin howl galka ay u joogaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana ciidamada Amisom ay ku ammaan eyn sida geesinimada leh ee ay iskaga caabiy een Xoogagii soo weeraray.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in dadka soo maleegay, qaban qaabiyay, maal geliyay in si deg deg ah cadaalada loo horke eno si loogu qaado ciqaabta ay mudan yihiin. Weerarkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 50 Askari oo ka tirsan ciidamada dal ka Uganda, halka lagu la’ yahay 50 kale oo qaarkood la sheegaayo inay Wabiga ku daateen, xilli ay ka baxsanayeen rasaasta Shabaabka.

XOOGAGA AL SHABAAB OO LA WAREEGAY GACAN KU HAYNTA DEGMADA KUNTUWAAREY

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa wa xay shalay la wareegeen gacan ku haynta De gmada Kuntuwaarey Ee Gobolka Shabellaha Hoose, xilli ay shalay isaga baxeen Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

Ciidamada Huwanta, ayaa waxay u ruqaa nsadeen dhinaca Degmada Buulo Mareer Ee Gobolka Shabellaha Hoose, illaa iyo hadda lama garanayo waxa dhaliyay inay soo bane yan Degmadaasi. Ciidan dhinaca dhulka ah oo taabacs an Ururka Al Shabaab, ayaa guda ha u soo galay Degmadaasi, markii ay xaqiijiy en inay isaga baxeen Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

Shacabka ku dhaqan Kuntuwaarey, ayaa waxay ku xaqiijinayan in Xoogaga Shabaabku ay la wareegen Degmadaasi, imin kana ay ku sugan yihiin.Ciidamada Amisom, ayaa waxaa la dhihi karaa waxay dareen ka muujiyen wee rarkii uu dhiigga bad ani ku daatay, ee maalin ka hor ka dhacay Degmada Janaale. Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan.

Weerarkaasi, ayaa waxay Shabaabku sheeg teen inay ku dileen 70 ka mid ah Ciidamada Uganda, ee qaybta ka ah Xoogagga Midowga Afrika, waxayna tallaabadaasi ku sheegeen mid loogu aargudaayay dadkii ay ku dileen M/Marka.Xoogaga Al Shabaab, ayaa weerar kaasi ku qabsaday saanado militari oo Ciida mada Uganda ay lahaayen, ka gadaal markii ay xoog kaga qabsadeen Xeradii ay ka dega naayen Degmadaasi. Xigasho:-dhacdo.com

GENERAL INDHA CADDE "GENERAL BUUD MAA HA NIN KU SAQAJAAMA GARAAMKA IYO MUSHAARAADKA CIIDANKA”

General Yuusuf Maxamed Siyaad (In dha Cadde) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xo ogga Dalka, ayaa soo dhaweeyay in General Maxamed Aadan Axmed (Buud) laga dhigo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka.

Wuxuu sheegay in Taliyaha la magacaab ay xilli ay sii burburiyen Ciidamada Xoogga Dalka, sababo ku aadan Taliskii hore oo caa deystay inay musuq maasuqan garaamka iyo mushaaraadka Ciidanka Militariga Soomaal iya, sida uu yiri.

Waxa kaloo uu sheegay in warka uu ku ha ayo General Maxamed Aadan Axmed aanu ah ayn mid ku xadgudba waxyaabaha loogu talla-galay Ciidanka, isla markaana uu yahay mid wax ku kordhiya, sida uu yiri. Sidoo kale waxa uu ku celceliyay in horumar weyn uu ku talla absan doono Taliyaha cusub, isagoona u raje eyay in uu gudan doono waajibaadkii loo ig maday.

Yuusuf Maxamed Siyaad oo shalay laga ma qlaayay Warbaahinta gudaha, ayaa General Buud ugu baaqay in uu la tashiyo la sameeyo Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka, si uu ugu guuleysto shaqada lagu aaminay.

General Indha Cadde, ayaa intaa ku daray cid kasta oo ka tirsan Saraakiishii Ciidanka Xooga Dalka Ee Dowladdii Dhexe Soomaaliy a, isla markaana maqashay magacaabidda Ge neral Buud, ay ku dhalinayso rajo badan, sida uu yiri. Taliyihii hore ee Ciidanka Xooga Dal ka,General Daahir Aadan Cilmi (In dhaqar she), oo Khamiistii xil ka qaadis lagu sa mee yay, ayaa waxaa lagu ee deyaa in si weyn uu u musuq maasuqay,saadka,sahayda iyo mush aaraadka Ciidanka.Xigasho Dhacdo.com

DOWLADDA UGANDA OO SHEEGTAY INAY MAG-DHAW SIINAYSO QOYSASKA ASKARITII LAGU DILAY JANNAALE

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Uganda Jen. Jeje Odong oo ka hadlayay Baarlamaan ka Uganda ayaa sheegay in ciidamada Soom aaliya ka jooga ay Gacanta ku hayaan Xoogag ka tirsan Al-shabaab ee Maalmo ka hor Wee rar Khasaaraha badan geystay ku qaaday sal dhig ku Jannaale oo ka tirsan Gobolka Shabe ellada Hoose oo ay askartooda AMISOM ka tirsan joogeen. Jen.Jeje Odong ayaa Warbixi nta uu siiyay Xildhibaannada dalka Uganda ku sheegay inay nolosha ku hayaan laba Xubno od ka tirsan Xoogaggii Al-shabaab ee Weera rka ku Qaaday Saldhigga AMISOM ee Janna ale, isagoo intaa ku daray inay hadda su’aalo weydiinayaan.

Sidoo kale, Wasiir u dowlaha Difaaca Ug anda ayaan sheegin magacyada labada ruux ee uu sheegay inay Gacanta ku hayaan, isa goo aan ka hadlay waxay ka yeelayaan Xubna haan uu sheegay inay qabteen, iyadoo xilliga uu khudbadan jeedinayay ay Xubnaha Baarla maanka Uganda su’aalo weydiinayeen wasiir-u dowlaha sida Weerarkaas lagu dilay Askarta badan uu ku dhacay.

Dhanka kale, Leo Kyanda oo ka mid ah Sa raakiisha Uganda ayaa sheegay in Weerarkii Jannaale ciidamadooda looga dilay 12 Askari sidoo kale ay jiraan 10 Askari oo kale oo kaga dhaawacmay Weerarkaas, kuwaasoo uu Xus ay inay Qaar ka mid ah Dhaawacyada Askar toodu yihiin kuwo culus.

Wuxuu sarkaalku intaas ku daray in Qoys aska Askarta weerarkii Jannaale lagu dilay la siin doono lacag mag-dhow ah oo gaaraysa 50,000 oo doollarka Mareykanka ah, isagoo intaas ku daray inay lacagtan bixin doono Qar amada Midoobay.

Xukuumadda Uganda ayaa weli ku adkey sanaysa in Weerarkii Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacay Saldhigga AMISOM ee Janaale loo ga dilay 12 Askari, iyadoo ku goodisay inay sii wadayaan ciidamadoodu dagaalka ay kula jir aan Kooxda Al-shabaab. Ugu dambeyn, Dubl amaasiyiin Reer Galbeed ah oo dalka Somalia ku sugan ayaa iyagana Sheegay inay hayaan Xogo ku saabsan in Askarta AMISOM ee Sal dhiggaas lagu dilay ay gaarayaan 50-Askari, ayna maqan yihiin 50-Askari.

Si kastaba ha ahaatee, Maydadka 10-askari oo ka tirsanaa Ciidamadii Uganda looga dilay Soomaaliya ayaa la geeyay Uganda Khamiistii shalay ahayd, kuwaasoo lagu aasayo halkaas, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dalka Uganda

MADAXWEYNAHA DALKA NIGERIA IYO KU XIGEENKIISA OSINBAJO OO SOO BANDHIGAY HANTIDA AY HAYSTAAN

Madaxweynaha dalka Nigeria, Mohammadu Buhari iyo ku xigeenkiisa, Yemi Osinbajo ayaa soo bandhigay hantida ay xilligan haystaan, taasoo la sheegay inay qayb ka tahay la dag aalanka Musuq-maasuqa.

Buhari ayaa xusay inuu leeyahay shan guri, laba qol oo cariish ah, xoolo nool iyo 150 ,000 oo Doollarka Mareykanka ah oo u taalla Bangiga, isagoo Xusay in Qorshahan uu Qayb ka yahay qorshayaasha ay kula dagaalamay aan Musuqa ka jira dalkiisa.

Sidoo kale, Mohammedu Buhari oo 72-jir ah ayaa horay dalka Nigeria Afgambi ciidan ugu qabsaday, inkastoo Sannadkan 2015-ka si xor ah loogu doortay mar kale xilka Madaxnimo ee Nigeria, xilligaasoo uu ballan-qaaday inuu Xoo gga saarayo sidii uu ula dagaallami lahaa mus uqmaasuqa, xilli sannadihii lasoo dhaafay la sheegay in $150 bilyan la lunsaday.

Afhayeenka Buhari oo lagu magacaabo, Garba Shehu ayaa sheegay inuu si cad u soo ban-dhigay hantidiisa, iyadoo hantida uu ha ysto Mohammedu Buhari ay aad uga badan tahay tan uu hayso madaxweyne ku xigeenki isa. Warbixin uu Madaxweynaha Nigeria soo bandhigay Khamiistii shalay ahayd ayaa Waxaa ku xusan inuu leeyahay beero waawe yn oo lagu Xannaaneeyo 270 Neef oo lo’ ah, 25 neef oo ido ah, shan faras iyo shimbiro kala duwan.

"Dukumiintiga Madaxweynuhu ku caddie yay hantida uu leeyahay waxaa si rasmi ah loo gu gudbiyay guddiga ilaalinta hantida Qaran ka, tanina waa qayb ka mid ah ballanqaadya dii uu sameeyay markii xilka loo dhaariyay 29-kii May, 2015. Sidoo kale Buhari wuxuu leeya hay hal xisaab-bangi oo keliya,” ayuu yiri, She hu.Garba Shehu Wuxuu intaas ku daray in Qorshahan uu yahay mid lagu hubinayo hant ida ay haystaan Madaxweynaha iyo Madaxw eyne ku Xigeenka Nirgeria si ay Shacabku Wax uga ogaadaan Hantidooda.

Dhanka kale, Madaxweyne ku Xigeenka Dalka Nigeria, Yemi Osinbajo ayaa la sheegay in uu isagana haysto lacag gaaraysa 1.4-Mil yan oo doollarka Mareykanka ah, taas oo aad uga badan hantida Madaxweyne Buhari u taa lla Bagiga. Ugu dambeyn, Osinbajo ayaa la sheegay inuu saddex guri ku leeyahay dalka Nigeria, sidoo kalena uu laba Guri oo uu Am aah ahaan ku gaatay uu ku leeyahay Bedford oo ah Magaalo 50-mayl u jirgta Magaalada Lo ndon ee Xarunta Dalka Britian.

SHIINAHA OO U DABAAL DEGAY 70-GUURADII KA SOO WAREEGATAY DAGAALKII LABAAD EE ADUUNKA (SAWIRRO)

Shiinaha ayaa u dabaal degay 70-guuradii ka soo wareegatay markii uu ka adkaaday Jap an dagaalkii 2aad ee adduunka, waxa ana munaasabad lagu soo bandhigay dhoolatus milateri ay ka dhacday fag aaraha Tianmen ee ma gaalada Beijing. Illaa 12 kun oo ciidamo iyo 200 oo diyaara dood ayaa ka qeyb galay dabaal dega 70-guurada ka soo wareegatay dagaalkii la baad ee adduunka, markii Shii naha ay ka adkaadeen

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ay aa munaasabada ka sheegay in shacab kiisa ay dagaal adag soo galeen, ayna ka guuleysteen Japan-kii xilligaas dagaalka kula jira.

Xi Jinping ayaa sidoo kale sheegay inuu dhi mi doono illaa 300, 000 oo ciidamada Shii na ha ka mid ah, inkastoo aanu shee gin waqt iga la dhimi doono ciida madaas.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb ga lay Madaxweynayaal caalamka ka socday,inkas too aanay qeyb ka aheyn Madax da Reer Galbeedka,waxaana madaxda la gu casuum ay ka mid ahaa Madaxweyna ha Ruushka, Koofur Kuuriya iyo madax ka le oo Afrikaan ah Awooda ciidan ee sii koreysa dalka Shiinaha ayaa isha lagu haayo, xilli ay xii sad ka jirto Gobolka, waxaana horay u ji ray walaac laga qabay awoodaha milateri ee Shiinaha ku leeyahay gobolka.

TALIYA BOLIISKA OO KU BAAQAY IN LA CAAWIYO CARRUURTA LAGU XANAANAYNAYO CABDICASIIS

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay caaw iyaan Carruurta aan heysan daryeel kuwaas oo lagu hayo xarumaha ku yaalla M/ Muqdis ho. Sareeyo Ga as Maxamed Sheekh Xas an Xamuud Tali yaha Ciidanka Boliiska ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu ba aqay in ay Cawiyaan Carruurta Walaalahoo da ah ee lagu xanaanaynayo xarun ku taalla de gmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir hal kaa soo dhawaan ay furtay Marwada Mad axw eynaha Jamhuuriyadda federaalka Sooma aliya.

"Cid walba waxan leeyahayha caawiyaan Carruurtaan islamarkana haka qayb qaa taan in wax labaro sida ay u rabaan inay u noolaa daan haddana ay duruuftu u diiday waxaan indin leeyahay caawiya Carruurtaan dhaqaalo looma hayo laakiin waa inad idinka soo garab istaagtaan” Ayuu yiri Taliyaha Boliiska.

Carruurta hadda lagu xannaanaynayo xaru ta ku taalla degmada Cabdicasiis ay aa u mu uqda kuwo ka duwan sidii hore ta as oo muuj inaysa in bulshada Soomaliye ed ay yihiin kuwo u diyaarsan in ay caa wiyan walaalah ooda.

EX.XILDHIBAAN SALAAD CALI JEELLE OO WEERARKII JANNAALE SABAB UGA DHIGAY WADA SHAQEYN LA'AAN KA DHAXEYSA AMISOM IYO CIIDAMMADA DOWLADDA

SiyaasigaEx- Xil.Salaad Cali Jeelle oo xilal ka la duwan ka soo qabtay Dowladihii dalka soo maray, ayaa ka hadlay weer arkii Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Amisom ay ku leey ihiin Degmada Jann aale ee G/ Sh/hoo se. Salaad Cali Jee lle, ayaa sheegay sa babta weerarkaasi in ay tahay wada shaq eyn la'aan ka dhaxe ysa ciida mada Dowladda Soomal iya iyo kuwa Ami som, wuxuuna taasi ku micneeyay xerada la weeraray kaliya inay ku sugnaayeen ciid amada Amisom.

ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo ku wa Amisom, wuxuuna taasi ku micneeyay xerada la weeraray kaliya inay ku sugn aayeen cii damada Amisom. "Dagaal ay la galeen Al-Qaacidada oo ay markaasi had anna dhowr mar Amisom dhibaato loo gey stay arrintaasi waa arrin iska muuqata oo waadax ah inaan wada shaqeyni jirin, had da ka dhaxeysa, mar hore ayeeyna soo dhacday arrintaan oo ay soo jirtay, marka hadda waxaad ka garanay saa Xerada ciidamada Amisom kaliya ayaa la gu weeraray waa muuqataa inaan wadasha qeyn ka dhaxeyn.” Ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho.

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, ayaa sheeg ay ka adkaanshaha Shabaab inay noqotay arin mashruuc ah oo la dheereystay, taasina ay dhibaato ku tahay Umadda Somaliyed.

Ciidamada Amisom, maadaama ay yihiin ciidan Ajaanib ah oo dalka aanan u dhalin, ayuu sheegay Salaad Cali Jeelle muhiim inay tahay meel waliba oo ay joogaan inay ka horeeyaan ciidamada Amisom oo haddii lasoo weeraro ay iskaashadaan labada ciidan si ay uga hortagaan Cadowga.

Weerarka Amisom qabsaday 1-dii Bishan ayaa ah kii labaad oo noociisa ah oo ku qa bsada Gobolka Shabeellaha hoose, xilli law ada xusuusto Amisom, gaar ahaan ciidanka Burundi Askar gaaraysa 70 Askari in looga dilay weerar Leego lagula helay. Weerarkii Jannaale, ayaa lagu soo beegsay sannad gu uradii koowaad ee kasoo wareegatay markii Mareykanka ay dileen Hogaamiyihii Ururka Al Shabaab oo Gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay 2014-kii Bishii September 1-deedii

MUQDISHO OO LAGU SOO GABAGEEYAY TABABAR AY QAATEEN XUJEY SOOMAA LIYEED

Munaasibad shalay lagu qabtay Ma chad lo ogu talagalay in Dadka soomaaliye ed ee San adka gudanaya waaji baadka Xa jka lagu ba ro Acmaasha looga ba ahanya hay ayaa lagu qabtay Magaalada Mu qdisho. Xarunta oo 26-kii bishii Ramadaan la ga furay magaalada muqdisho ayaa wax aa Xujeyda soomaaliyeed Duruus la xiri irta Wajib aadka Xajka barayay Mashaaiq Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaano gudaha dalka iyo dib addiisa. Qaar ka mid ah dad ka Macha dkasi wax ku bartay maalmihii koobnaa ee uu furnaa ayaa aad ugu mahadnaqay Culimada soomaaliyeed ee howshaasi isku xilqaamay iy agoo sheeg ay in waxbadan ay faaiideys teen. Sh Max amuud Sh Ibraahiim Suul ey oo kamid ah culimada gacanta ku heystay Machadka asi ayaa ka dhawaajiyay in shal ayla soo xiray goobtaasi ayna dadbadan oo soomla aiyeed ku fahamsiiyeen waajib aaka Xajka iyo dariiq yada looga baahanya hay in ay raacaan Xuje yda. "goobtaan sida aad la socotaan dad ba dan ayaa siyaabo kala duwan u fasirtay, waad arkeysaan inaan burburineyno waxyaabihii aan dadka ku tusaaleeneynay si aan faham qa ldan aan loo faafin,waana banantahay share ecada islaamka marka loo eego dalal badan oo islaam ah ayaana sidan oo kale samee ya”sidaasi waxaa yiri sh Maxamuud Sh Ibraah im Suuley.

CABSI SOO WAJAHDAY SOOMAALIDA KU NOOL DALKA YEMAN.

Dhawaan Warbaahinta Ka howlgasha Waddanka Yeman iyo Meela kale ayaa ba ahiyey in Ciidamo ka Socda Dowladda So omaaliya islamarkaana ay tababartay Do wladda Imaaraadka Carabtu ay tagayaan Waddanka Yeman si ay uga qeybqaataan Dagaalada Sacuudigu hormuudka ka yahay ee lagula jiro maleeshiyada xuutiyii nta ee ka dagaalama Dalkaasi ayaa wax aa arintaasi ay saameyn xooggan ay ku yeelatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalooyinka Waaweyn ee Waddanka Yema.

Wararka Ka imaanaya Dalka yeman ay aa sheegaya in Hadda Dadka Soomaalida ah ay mari la’yihiin waddooyinka Waawe yn Ee Dalka Yeman Cabsi ay ka qabaan inay wax yeeleeyaan dadka yamaniyiinta ah ka dib markii Muwaadiniinta yamaniyii ntu ay ka xumaadeen sida la sheegay Cii damada soomaalida ah ee tagaya dalkaa asi

Qunsulka Guud ee Safaaradda Soom aaliya ee M/Sanca Cismaan Axmed Maxa med oo la hadlay Warbaahinta ayaa She egay hadda Wal-wal xooggan uu soo waj ahay soomaalida yeman isla durbadiina ay bilaabeen yamaniyiintu dhibaateynta Soomaalida halkaa ku nool oo isagu uu ka midyahay sida uu noo sheegay Haddii aan wax laga qaban arintan inta ay bilow ga tahay ayuu sheegay inay keeni karto cawaaqib xumo iyo in Dadka Soomaalidu ay wajahaan dhibaatooyin hor leh oo kaga yimaada dhinaca muwaadiniinta yamaniy iinta

Marka lagasoo tago dhacdadan oo ah mid ku cusub somalida yaman ku sugan ayaa waxaa jira duruufo horay u heystay soomaalida oo iyagu xilli hore colaado u ga qaxay dalkooda hooyo una hayaamay waddan shisheeye oo hadda ay ku hayst aan dagaallo ka qarxay dalkaasi

LACAGO FAALSO AH HOWLGALLO LAGU SOO QABTAY OO KA DHACAY GAALKACYO

Howlgallo ballaaran oo Ciidamada Maam ulka Galmudug ay ka sameeyeen Xaaf adaha M/ Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug iyo qeybo ka mid ah Suuqa ayaa waxaa lagu soo qab qa btay lacago badan oo faalsa ah kuwaasi oo mud dooyinkaan dambe ay ka cabanayeen Ga nacsatada ku nool M/Gaa lkacyo. Ciidamada amaanka ee Maamu lka KMG ah ee Galmu dug ayaa sidoo kale soo bandhigay Gaarigii la waday lacagah aasi faalsada ah iyo Kooxihii soo galay M/Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ay aa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamul ka Punt land, Cabduweli Maxamed Cali Gaas uu ka dambeeyay qaabka lacagtaasi been abuurka ah ay ku soo gashay Degaanada uu ka arim iyo Maamulka Galmudug

Ugu dambeyn, Duqa M/Gaalkacyo Bile Dii ni Ali ayaa sheegay in lacagtaasi faalsada la ga keenay Waqooyga M/Gaalkacyo isla marka ana la doonayay in lagu dhaco hantida Uma dda G/Mudug.

HILIBKII OO LAGA WAAYEY MAGAALADA HAR GEYSA IYO DADKII QALI JIREY OO LA XIRXIREY IYO CABASHO DADWEYNHA KA SOO WEERAYA

Magaalada Hargaysa ee Caasimada so maliland waxa Maalintii 3aad galay inaan Neef Xoolaa Lagu qalin Taas oo Shirkada Maandeeq Ee Qaliinku Lacago Xad Dhaaf ku Kordhisay iyada iyo Dawlada Hoose oo is Barkani Dadka Muruq Maalka Ah ee Xoolaha Qala.

Masuuliyiinta wasaaradda Daakhiliga ayaa sidoo kale Albaabka ka soo xidhay dadka ka ganacsada Hilibka oo cabasho la hor tagay markii laga xidhay dadkii mad axda u ahaa Ururkooda iyo guddiyadoda. Booliska ayaa kala eryay dadka xarunta wasaaradda daakhiliga cabashada la tub naa.

Dadka Xoolaha qala waxa ay shegeen in Neefka lo’adaha lagu Kordhiyay 12kuna Kaas oo laga Dhigay 35,000 sheegayna inaan lagala Tashan Iyaguna Cabasho ay Ka muujiyeen,waxaana ay Ciidanka Booli sku Awood ku Muquuniyeen Masuuliyiintii Ururka Nafaqo oo Maalintii 2aad aan Xoo la Qalin waxaana Lagu Buuxiyay Saldhig yada iyaga iyo Shaqaalihii Hilibka Qali Jir ay.

Magaalada Hargaysa waxa Goob kasta Gaaf Wareegaya Ciidanka Booliska oo Diidan in Mudaharaad Cabasha Ah laga Muujiyo Cashuurta Ay Ururka Nafaqo ku shegeen Sharci Daro Waxaana ay yidh aaheen. "Waxa isku kaayo keenay eenu dorraad iyo shalayba u joojinay qalista xo olaha waxa weeye waxaanan qaadi Karin ayaa nalagu jujuubay. Neefka Lo’ada ah wuxuu yidhi SLSH 35,000 bixiya oo wu xuu ku kordhiyay 12,000 kun, Neefka gee laha SLSH 60,000 wuxuu ahaan jiray 42,000, Neefka adhiga ahi wuxuu ahaan jiray 6,500 wuxuu yidhi 12,000 bixiya wax aanan qaadi Karin ayuu nagu jujuubayaa”

"Nin shicib ah oo nala mid ah ayaa xuur to nagu haysta. Dawladdayadii hore wax ay naga qaadi jirtay shan boqol oo shillin (SLSH 500), markuu qabsaday ba wuxuu nagu bilaabay saddex kun iyo shan boqol(SLSh 3,500), mar kale ayuu nagu kordhiyay oo lix kun ka dhigay(SLSH 6,000).”

"Waxaanu ka mudaharaadaynaa shirk adda Maandeeq la yidhaahdo oo nagu ha ysata Kaawaankii dawladda.Cashuur aan an qaadi Karin ayaa nala leeyahay bixiya oo waxaa nalaga xidhay 50 qof oo rag iyo dumar iskugu jira. Masuuliyiintayadii Nafa qo ayay qaqabatay oo la xidhay, manta na naftiibay noogu timid oo waxay leedahay anagaaba ganacsanayna oo ganacsigii bay nagu haysataa. Cashuurtii way soo dhaaftay oo ganacsigii baabay nagu hay sataa, haddaanu khalad wadno dawladdu hana qabato, haddii nalaga gar daran ya hayna madaxweynaha, wasiirka daakhil iga iyo cid kasta oo ay khusa ysaba waxaa nu leenahay adeer nimankaas nooga soo gurmada,”ayay yidhaheen dadkii Cabasha da qabay ee Ururka nafaqo

Jaamac Rooble, guddoomiyaha shirka dda Maandeeq oo maamusha Kawaanka xoolaha lagu gawraco ayaa ku dooday in dadka hilibka ka ganacsadaa ka cabana yaan SLSH 5000 oo ay keentay duruuf ku aadan sixir bararka dalka, maadaama buu yidhi ilaa 2005 aan lacag la kordhin, in kas ta oo Hilibluhu arrintaasi beeniyay oo she egay in dhawr jeer lagu kordhiyay.

"Horta waa in la fahmo cabashada dad kan, anigu waxaan u arkaa dad aan lagu aamini Karin cuntada dadka, sababtoo ah may ahayn inay dadka gaajaysiiyaan. Wa xay ahayd in hilibka la qaybiyo oo wixii wa da hadal ah la iskugu yimaado. Waxaanu ilaa hadda qaad naa qiimihii 2005-tii, sid aas darteed Kawa anka nadaafaddiisu ma sii shaqayn karto. Hal kii aanu 6000 qaadi jiray waxaanu ku kordh inay 5000, waxaan ad ka qiyaastaa qiimihii 2005-tii sida wax u kaceen, hadday lacagta tahay, hadday masaariif tahay,hadday shaqaal aha tahay, wakhtigaa 2005 litirka shidaal ahi wuxuu ahaa sodon senti, haddana waad ara gtaa sn,” ayuu yidhi Jaamac Rooble oo BBC-da la hadlay

XILIBAANNO BAARLAMAANKA SOOMAALIYA KA TIRSAN OO KULAN XASAASI AH KU YEESHAY MUQDISHO

Xilibaanadaan oo gaarayay 126 mudane ayaa kulankooda kaga arinsaday Qadiyadda ku saabsan mooshinka ka dhanka ah m.we ynaha Jamahuuriyadda Fedaraalka Soomaa liya Mudane Xasan Sh Maxamuud Kaas ay Guddoonka Baarlamaanka u gudbiy een muda nayaal ka tirsan Baa rlamanka

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuu madda soomaaliya kuwaas oo iyag una aragti ahaan diidan mooshinkaasi.

Kulan Saacado qaatay kadib xilibaana da ayaa soo saaray Bayaan ka kooban dhowr qo dob oo uu ugu muhiimsanaa in Guddoonka ba arlamaanku Laalo Mooshi nkaasi iyagoo Cadd eeyay in Mooshinkaa si uu yahay mid siyaasa deysan dhibaat ana u horseedaya soomaaliya.

Xildhibaan Cilmi maxamuud Nuur oo ka mid ah mudanayaasha kulanka yeeshay ayaa wax aa uu aqriyay bayaanka ay wa da jirka u soo saareen 126 oo ka tirsan baarlamaanka soom aaliya kuwaas oo ka mideeysan dhibaatada ka dhalan karta mooshinkaasi.

Kala aragti duwanaantan ka dhex-ta agan baarlamaanka soomaaliya ayaa wa xa uu ku soo beegmayaa iyadoo Qeybaha kala duwan ee Bulshadu ku baaqayaan in laga fogaada wax kasta oo dhaawici kara Amaanka iyo Hanaanka Soo kabasho ee hadda dalku marayo

MAAMULKA CEELBUUR OO SIIDAAYAY ODAYAAL U XIRNAA CIIDANKA ITOOBIYA

Maamulka Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa ku guuleeystay inay siida ayaan 10 Ruux oo ku xirnaa Xabsi ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya mudo 4 Maalmood ah isla markaana laga soo qabtay Degaanka Ceelq ooxle ee Gobolka Galgaduud.

Dadka la siidaayay ayaa waxaa ka mid ah Odayaal Degaanka Ceelqooxle Ciidamada Ito obiya ay ka soo xireen. Ciidamada Itoobiya ay aa la sheegay in ay wali u Xiran yihiin Labo ka mid ah Dadkii Shacabka ahaa ee Degaanka Ceelqooxle ay ka soo qabteen.

Maamulka Degmada Ceelbuur ayaa waxaa uu hada wadaa Dadaadlo uu ku soo deynayo Dadka ku jira Gacanta Ciidamada Itoobiya ee Degmada ku sugan.

XULKA QARANKA EE CAYAARAHA FUDUD OO CONGO UGA QEYBGALAYA CIYAARAHA ALL AFRIKAN

Ciyaartoyda Xulka qaranka ciyaaraha fu dud ayaa shalayka Ambabaxay garoonka diya aradaha Aaden Cadde iyaoo kusii jeeda dalka Congo oo ay uga qeyb galayaan ciyaaraha All African Games 2015, waxaana wafdiga hogga aminaya wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinayarda iyo isboortiag Cusmaan Aadan Dhuubow.

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa Ciyaartoydan xereeyay bishii January ee san dkan waxayna tabbar qaadanayen sideeddii bil ee lasoo dhaafay. Ciyaartoyda ayaa kala ah Axmed Xuseen oo u tartamaa 800 iyo 1500 mtrCali Iidow 5000 iyo Maryan Nuux oou tartamaysa 800.

Ka hor Inta aysan amaba bixin waxaa xar unta Gos ciyaartoyda kula hadlay guddoomiya ha Gos Cabdullahi Axmed Tarabi,waxuuna u shegay in laga doonayo dadaal iyo karti dhe eri .ciyaaro wanaagsana ay soo bandhigaan.

”Ujedka Gos waasidii lagu heli lahaa ciy aartoy da’yar tayadiisuna ay wanaagsan tahay ,” ayuu guoomiy Tarai yiri. Cali Iidoow oo 5000 mtr ku tartamaya ayaa ah da’yar ay Gos kasoo xushay tartanka dugsiyada 2014 waana qayb ka mid ah dadaalada ay Gos ku doonayso in ay kusoo saarto ciyaartoy mus tqbal leh.

Ciyaartoyda Xulka qaranka Ciyaaraha Fudud ayaa ka qeyb gali doona Ciyaaraha All African game soo 4 September ka bilaaban doona Brazzaville ee Dalka Congo.

YURUB OO ISKU MARI LA’ QEYBSIGA QAXOOTIGA

Qaxooti doonaya in ay socod ku gaaraan soohdinta Hungry ay la leedahay Austria.

Ra’iisul wasaarayaasha afarta dal ee kala ah Jamhuuriyada Czech, Poland, Slovakia iyo Hungary ayaa diiday in Midowga Yurub uu u jaangooyo tirada qaxootiga ay aqbalayaan.

Ma muuqato calaamad muujineysa in Midow ga Yurub uu isaga soo dhawaanayo arrinta ku aaddan in si cadaalad ah ay dalalka xubnaha ka ah u qeybsadaan tobanaanka kun ee qaxo otiga ku ah soohdimaha Yurub.

Ra'iisul wasaaraha Hungary, Viktor Orb an, ayaa sheegay in xiisadda hadda taagan ay qeyb ahaan mas'uul ka yihiin siyaasiyiinta Yurub. Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah siy aasiyiintaasi ay qaxootiga ku dhiirigelinayaan in ay u socdaalaan dalalka galbeedka Yurub, ayagoo og in dalalka ay Hungary ka midka tah ay uu waajib sharci ah ka saaran yahay in ay joojiyaan safarada qaxootiga noocaasi ah.

Hogaamiyayaasha afarta dal ayaa ku tilm aamay hannaanka qeybsiga qaxootiga mid horseedaya in dad badan ay badaha isku soo biimeeyaan ayna qaarkood ku dhintaan.

Taa bedelkeeda hogaamiyayaashi ayaa ku tal inaya in xoogga la saaro ammaanka soohdima ha Yurub, iyo ilaalinta sharafta nidaamka isu socodka ee ay ku mideysan yihiin inta badan dalalka Yurub ee loo yaqaano Schengen.

Dhanka kale, qaar ka mid ah siyaasiyiinta Yurub ayaa soo jeedin in la sameeyo tareenno khaas ah, oo qaxootiga Suuriya kasoo daabu la Hungry isla markaana geeya Jarmalka, ay aga oo aan ku joogsan doonin Slovakia ama Jamhuuriyada Czech.

Balse qorshahaasi ayaa waxaa lagu xiray in xukuumadda Berlin ay dal ku gal siiso qaxo otiga dalkeeda la geynayo

GUDDOOMIYE JAWAARI OO GO’AAN KA SOO SAARAY SIDA LOO MAAREYNAYO MOOSHINKA MADAXWEYNAHA {AKHRISO}

Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xalay soo saaray go’aan ku saabsan sida loo Maareynayo Mooshinka Madaxweynaha.

Jowhar.com ayaa heshay Warqad uu G/Baarlamaanka Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Madaxweynaha ee 93 Xildhibaan ahaa,126 Xild hibaan ee tala soo jeedinta laaliska mooshinka Madaxweynaha, Ogeysiisna ku aheyd Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Warqadan oo halku dhigeedu ahaa Maareynta Mooshinada ku saabsan Tuhumada gabood-falka ka dhanka ah Madaxweynaha.

Guddoomiye Jawaari ayaa adeegsanaya qodobo kala duwan oo ku aadan habka maareynta Mooshinka Madaxweynaha laga soo gudbiyay, kaasoo dhaliyay xiisad siyaasadeed Haddaba Go’aanka Guddoomiyaha Baarlamaanka ka soo saaray Maareynta Mooshinka Madaxweynaha halkan hoose ka akhriso:-

 

maareyn mooshin1maareyn mooshin2maareyn mooshin3maareyn mooshin4maareyn mooshin5maareyn mooshin6

 

 


 

 

 









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip