Roobab saakay ka Da'ay Muqdisho

0
Saturday March 25, 2017 - 09:34:03 in Wararka by
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab saakay ka Da'ay Muqdisho

    Qaar ka mid ah Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho waxaa ka Da'ay Roobab ay ku qabowsadeen shacabka, waxaana saakay dadka ay ku soo tooseen iyada oo dhulka uu Qoyan yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho waxaa ka Da'ay Roobab ay ku qabowsadeen shacabka, waxaana saakay dadka ay ku soo tooseen iyada oo dhulka uu Qoyan yahay.

Dadka reer Muqidsho ayaa saakay ku soo toosay iyada oo Magaalada uu Roob ka Da’ay, inkastoo Roobka uusan aheyn mid biyo dhigay wadooyinka waa weyn.

Gobolada dalka ee qaarkood Abaaraha ay ka jiraan ayaa shalay iyo Habeen hore waxaa ka Da’ay Roob ay dadka ku nimceesteen, maadaama Abaaro xoogan ay ka jiraan dalka.

Mudooyinkii dambe Magaalooyinka Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho dadka waxa ay isugu imaanayeen Salaad Roobdoon ah, oo Alle ay kaga baryayeen in uu Raxmadiisa ku qaboojiyo.

Gobolada dalka gaar ahaan Koonfurta iyo Degaanada Puntland waxaa laga soo wariyay in ay ka Da’een Roobab ay ku nimceysteendadka iyo Duunyada. alle ahaa mahad ceh isagaa baryeynaa in abaarta iyo cudurka dadka ku habsaday inga dulqaado 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip