Waraabe Dadoow Somali ah.

0
Sunday March 12, 2017 - 12:46:38 in Maqaallo by
  • Visits: 1239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waraabe Dadoow Somali ah.

    Waa jimco. Waxa aan iska joogay guriga,waxa aan goostay in aan akhtiyo dhowr file oo i hor till, waxaan aqriyay 16 file oo ku saabsanaa musuqa ( corruption-ka) xubna beesha caalamka ah iyo shaqsiyaad Somali ahi ay isku baheeysteen,waan dhameeyay aqri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa jimco. Waxa aan iska joogay guriga,waxa aan goostay in aan akhtiyo dhowr file oo i hor till, waxaan aqriyay 16 file oo ku saabsanaa musuqa ( corruption-ka) xubna beesha caalamka ah iyo shaqsiyaad Somali ahi ay isku baheeysteen,waan dhameeyay aqriskii, waxaan arkay indhaheeyga oo ilmo ka socoto, waxaan u maleeyay in ay indhuhu iga daaleen, bacdamaa aanan xasuusan markii iigu dambeeysay ee aan ooyo.

Waxaanse ogaaday in ay ilmado aheed ooyin dhab ahoo ka dhalatay qoraalkii aan aqrinayay. Waxa badanaa aan ka walwali jiray musuqa madaxda sare ee qaranka .waxaanse la yaabay madaxda dhexe ee wasiirada, taliyayaal, agaasimayaal, gudoomiyayaal, ganacsato iyo wakiilo beesha caalamka ah dowrka ay ka qaateen musuqa oo 10 jibaar ka badan kan madaxda sare, dhibka ka dhashana uu quus ku galinayo marka aad ka fekerto xalkiisa.

Waxan ka sii naxay sida dadweeynuhu u arkaan shakhsiyaadkaas ,in ay yihiin dad nadiif ah,xalaal quudata ah.

Waxaan mar kale soo xasuustay mar aan arday xamar jamacada ka dhigta aan u diray cilmi baaris sanadkii 2014, in ay qiimeyaan wasiiradii dalka soo maray 8dii sanno ee ugu dambeeysay. Waa ay soo saareen qofkii ugu musuqa badnaa oo noqday wasiirkii /wasiiradii….. oo aniga iyo dadka intiisa badan aan u heeysanay qofka ugu nadiifsan in uu yahay laakin noqday qofka ugu xun,anigii ayaa aamini waayay, koox kale oo arday ah ayaan u diray, isla qofkii ayeey soo saareen. Waxaan ku iri tan lama daabici karo oo qof aaminayo ma jiro.

Sidaa ayaan ku joojinay.

Waa dad waraaba dadoow ah,waxaan soo xasuustay 1975tii galab ayaan tagay Magaalada Qansax dheere ee Gobalka Baay. Waxaan la joogay galabtaa Md.Maxamad Ibrahim warsame "Hadraawi” oo halkaa maxbuus ku ahaa,waxa doodeena ugu badan aheed markii uu ku adkeeystay in uu jiro” waraabe dadoow” dad waraabe noqda waxaan ku iri ma anigaad i cabsiinee, see dad waraabe ku noqdaa ? xageed iyo sideed ku ogaatay? Waxa uu igu yiri: Suudaan.


Waxaan ku iri: kaama aaminayo.waxaa uu igu yiri: walba mid iga aamin. Waxaan ku iri: waa maxaay? Waxa uu igu yiri: alaabta aad heeysato halkan dhigo anigaa ku heeynayo, saacadan laga bilaabana ogoow in aad maxbuus tahay. Waxaan ku iri: waan yarahay dambina ma galin. Waan ka tagay, laakin maxaa dhacay! Isla Habeenkii xabsi ayaan ku jiray.

Taasi runtii ayeey noqotay.Tii kale maanta ayaan ogaaday 10/3/2017, in ay jiraan dad somaliya oo waraabe dadood ah laakin jirkoodu uuna is badalin.

Allow dadkan adigaa kala yaqaane, inta waraabe dadoowga qalbiga ka ah, qalba hanuun u gali. Aamiin.

NB. Sawiradu waa Abwan Hadraawe,Yaxya iyo WD.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip