Galmudug oo ka hadashay saddex Oday Dhaqameed oo Galgaduud lagu dilay

0
Thursday November 12, 2015 - 20:15:58 in Wararka by
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo ka hadashay saddex Oday Dhaqameed oo Galgaduud lagu dilay

    Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin falkii shalay galab lagu laayay saddex oday Dhaqameed oo ka soo jeeda Magaalada Guriceel, kuna howlanaa xalinta xiisado ka taagnaa aaga Balanbal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin falkii shalay galab lagu laayay saddex oday Dhaqameed oo ka soo jeeda Magaalada Guriceel, kuna howlanaa xalinta xiisado ka taagnaa aaga Balanbal. Odayaashan, ayaa ahaa ergo nabadeed oo maalmahaanba ku sugnaa Degmada Balanbale, waxaana la weeraray, xilli ay shalay galabdib ugu laabanayeen Magaalada Guriceel oo kolkii horeba ay ka yimaadeen.

Ku xigeenka Madaxweynaha Maamulka Galmudug, wuxuu tilmaamay ragii ka dambeeyay dilkaasi inay gacanta ku soo dhigayaan meel waliba oo ay galeen, isaga oo ku hanjabay hadii dhanka Ethiopia ay u gudbeen iyo hadii kaleba ciidamada ay gacanta ku soo dhigayaan.

Maxamed Xaashi Carabeey oo maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Cadaado, ayaa tilmaamay kuwii dilkaasi Odayaasha ka dambeeyay inay yihiin arxan laawayaal aanan aqoon qiimaha Oday Dhaqameedka uu leeyahay.

Wuxuu ku tilmaamay ragga dilkaasi geystay kuwa ka soo horjeeda Nabadda deeganada Galmudug, maamulkana uu qaadayo tallaabo arintaasi jawaab looga bixinaayo.

Raggan weerarkan gaystay, ayaa waxaa loo maleynayaa in ay yihiin kuwo ka soo horjeedo dadaaladii nabadeed iyo midka horumarineed, ee ay Odayaashu ka wadeen Degmadaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip