Xanuunka wallaca aadka u xun iyo sida loo daaweeyo

0
Friday March 03, 2017 - 21:59:55 in Maqaallo by
  • Visits: 1279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanuunka wallaca aadka u xun iyo sida loo daaweeyo

    Dumar badan oo daafaha caalamka ku nool ayaa aad u xanuunsada marka ay uur qaadaan. Qaar ka mid ah ayaa BBC Newsbeat uga sheekeeyay waxa ay la kulmeen iyo waxa ay sameeyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dumar badan oo daafaha caalamka ku nool ayaa aad u xanuunsada marka ay uur qaadaan. Qaar ka mid ah ayaa BBC Newsbeat uga sheekeeyay waxa ay la kulmeen iyo waxa ay sameeyeen.

Waxaa cilmi baarista lagu ogaaday in mid ka mid ah 100-kii dumar ay xaalad aad u xun gasho, ayna noqoto ku aan tabar lahayn.

Sidoo kale waxaa la ogaaday in seddax meelood laba ka mid ah dumarka ay mararka qaar helaan akhbaarta saxda ah ee caafimaadkooda ayna helaan daawo wanaagsan.

Ellie Jewel iyo cunugeedaEllie Jewel iyo cunugeeda

Warbixinta oo ay soo saartay hyperemesis gravidarum (HG), waxaa lagu sheegay in 400 oo dumar la wareystay lana baaray xaaladdooda intii cilmi baarista ay socotay.

Waxaa sidoo kale ka qeybgalay dumar arrinta la kulmay oo la hadlay BBC Newsbeat.

Waxay ka sheekeeyeen in cisbitaal la seexiyay ka dib markii ay cunno iyo cabidba kariwaayeen.

Dumarka qaar markii ay waxba cuni waayeen waxaa loo sheegay in xaaladda ay maraan ay tahay mid aan loo dulqaadan karin.

‘Aad bey u adkeyd nolol baa gudaheyga lagu abuurayay, waxaan mooday inaan dhimanaayo’

Ellie Jewel oo mardhow dhashayEllie Jewel oo mardhow dhashay

Ellie Jewell, oo 29 jir ah, ayaa marar badan la seexiyay cisbitaal xilligii ay uurka lahayd.

"Aqoon uma lahayn in aad loo xanuunsanayo marka uurka la qaado”, ayey u sheegtay Newsbeat.

"Waxaan xasuustaa inaan qof u sheegay in xanuunka uu yahay saa’id iyo la yaab inay tahay in naf kale gudaheyga lagu uumayo. waxay ila noqotay inaan dhimayo.

"Dhaqanka wuxuu ahaan sida inaan aniga nafteyda dhibaato u geysanayo, balse waxba ma cuni karin mana awoodin inaan biyo cabo”.

"Shaqaalaha cisbitaalka marar badan wey ila yaabeen, sababtoo ah waxaan doonayay in faleebo ay igu xirnaato si aan xoog u yeesho”.

Ku jahwareeridda daawada

Maeve O'Lynn iyo qoyskeedaLahaanshaha sawirkaMAEVE O’LYNN

 

Image captionMaeve O’Lynn iyo qoyskeeda

Maeve O’Lynn markay jirtay 25 sano ayey uur qaaday, aad ayeyna u faraxsaneyn ka hor wallaca.

"Waxaan dareemay sida xanuun wareer ah, oo hadana joogto ah. markaan taaganahay, haddaan gaari saaranahay, markaan TV daawanayo – markastaa matag unbaa i hayay,” ayey u sheegtay BBC Newsbeat.

"Markaan matago, xoogaa waxaan dareemayaa inaan nafisay iyo caafimaad. Shan daqiiqo ka dib wax unbaa iishiirayo, lalabadana way soo noqoneysaa. Waxaan mararka qaar damcayay inaan ooyo”.

Diidmada in daawo sax ah loo qoro waxay ku badan tahay dumarka qaar oo la soo koray kuwa uur leh oo xanuunsan.

"Waxaan ahay mid ka mid ah kuwa ugu nasiib badan”, ayey tiri.

"Waxaa la isiiyay daawooyin kala duwan oo wallaca loo qaato, dhaqtarkana si wanaagsan ayuu ii caawiyay. Balse wax intaa ka badan ee uu sameyn karay ma jirto”.

"aad ayaan horey iyo hadaba ugu faraxsanahay daawada la isiiyay”.

Talada la siiyo dumarka wallaca la xanuunsada

Sharon iyo gabadheedaLahaanshaha sawirkaSHARON HARTLEY

 

Image captionSharon Hartley iyo gabadheeda

Sharon Hartley oo seddax caruur ah dhashay waxay ku talineysaa in dumarka ay qaataan daawada inta ay awoodaan ee la siiyo.

"Waxaan qaatay cirbado, iyo kiniini. wax kastoo ay ugu daaweyn kareen ayey isiiyeen”, ayey u sheegtay BBC Newsbeat.

Waxay ka hartay shaqada, sababtoo ah waxaa la seexiyay cisbitaal, waxaana lagu xiray faleebooyiin, aad ayeyna u caatowday.

"Waxba ha diidin, ha moodin inaad iska caafimaadi doonto. Haddii aadan waxba cunin oo aadan cabin, waxaad u baahan tahay faleebo in lagugu xiro”, ayey kula talisay dumarka.

"Ha ka baqin inaad caawimaad weydiisato. Xaaladda way dhaafi kartaa wallaca oo keli ah”.XIGASHO:-DAYNIILE.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip