Golaha Wasiirada oo ansixiyay Heshiiska Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Turkiga

0
Thursday November 12, 2015 - 19:37:21 in Wararka by
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada oo ansixiyay Heshiiska Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Turkiga

    Golaha Wasiriida ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carte, waxaana lagu ansixiyay heshiis u dhexeeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiriida ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carte, waxaana lagu ansixiyay heshiis u dhexeeya Dawladda Soomaaliya iyo Dawladda Turkiga oo ku saabsan iskaashi dhanka Caafimaadka ee labada dal.
Ugu horeyn Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ka warbixiyay amniga guud ee dalka gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha Nabadiidka iyo dilal qorshaysan oo ay ka fuliyeen asbuucii la soo dhaafay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay weeraro ay qorshaynayeen cadowgu laga hortagay, isagoo xusay dhinaca kale in deegaano dhowr ah oo ku yaala Koonfurta iyo Bariga Soomaaliya in ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyey Maleeshiyaad ka wada tirsan nabadiidka oo kala taabacsan fikradaha dhiig daadinta ku saleysan ee ururada Daacish iyo Al Qaacida halkaas oo ay isaga dileen saraakiil iyo Maleeshiyaad badan.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dood ka yeeshay xaaladdaha ka taagan soohdinta ay Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya gaar ahaan degmada Beled-xawo. Waxaana R.Wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh uu sheegay in walaaca ay ka qabaan arrintaas ay kala hadleen Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya si uu ugu gudbiyo hogaanka dalka Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa Golaha Wasiirada hor keentay heshiis u dhexeeya Dawladda F. Soomaaliya iyo Dawladda Turkiga oo ku saabsan wadashaqeynta dhanka Caafimaadka. Iyadoo dood dheer kadib Goluhu meel mariyey heshiiskaas.

Heshiiskan labada geesoodka ah ayaa xoojin doonaa kaabayaasha Caafimaadka Soomaaliya, iyadoo lagu salaynayo sinaan iyo isdhaafsi kaalmo, waafaqsana faa’iidada labada dhinac iyo shuruucda labada dal.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa shirkoodii maanta warbixino uga dhagaystey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, iyagoo sheegay in ay muuqato saadaashii la filayay ee roobabkii dabalaylaha watay iyo fatahaaddii wabiyada. Wasiiradda ayaana xustay in deegaano ka mid ah Gedo, Jubbooyinka iyo Hiiraan laga dareemayo xaalado u muuqda in wabigu soo fatahayo.

---Dhammaad-----

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka


Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

IMG 9852
IMG 9826
IMG 9895
IMG 9856

1px
©2015 Office Of the Prime Minister | Mogadishu | Somalia


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip