BAAQ RUGTA SAMA-TALINTA SOOMAALIYEED EE CALI GEEDI SHADOOR

0
Monday February 27, 2017 - 20:01:50 in Maqaallo by
  • Visits: 1188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BAAQ RUGTA SAMA-TALINTA SOOMAALIYEED EE CALI GEEDI SHADOOR

    Ref:R/S/S/C.G.SH/06/2017 Tar: 27/02/2017 BAAQ Waxaa ah wax aad iyo aad loola yaabo in dowladii yarta ahayd ee si gacan ku samays ah uga xoroowday dowlada ingiriiska dhamaadkii 1971 ka geysaneeyso Somaaliya xadgudubyo meel ka dhac ku ah Qarankeenna,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ref:R/S/S/C.G.SH/06/2017 Tar: 27/02/2017 BAAQ Waxaa ah wax aad iyo aad loola yaabo in dowladii yarta ahayd ee si gacan ku samays ah uga xoroowday dowlada ingiriiska dhamaadkii 1971 ka geysaneeyso Somaaliya xadgudubyo meel ka dhac ku ah Qarankeenna,

dalkaa aadka u yar ee khaliijka ku yaal ee Ciimaaraadka Carabta oo tirada muwaadiniintiisu tahay 1,400,000 (hal malyan iyo afar boqol oo kun) balse ay ku nool yihiin toban u jibaar ajaanib ka badan muwaadiniintiisa, ayaa maanta doonaya in ay si guracan uga faa`iidaysato xilli ay isleedahay Soomaaliya waa ay kala daadsan tahay aadna daciif ayay u noqotay.

Waxaan aad iyo aad uga xunnahay in Amiirka dhaaxal sugaha Ciimaaraadka Carabta Sheikh Maxamad bin Zayed al Nahyan haddana hawshiisii hoggaamiye-nimada dalka Emaaradka Carabta si kumeelgaar ah u sii wada in uu magansaday aas-aasihii Black Water Mr. Eric Prince oo ku caan baxday gumaadkii ay Ciraaq ka geysatay shirkaddiisi calooshood u shaqeystayaasha ahaa ayagoo si sharci darro ah ku laayay muwaadiniin muslimiin ah oo aan hubeysneyn.

Sheekh Maxamed oo hadda Erik Prince u yahay lataliyaha rasmiga ah isagoo og in Mr. Eric Prince yahay wadaad xag jir kirishtaan ah ee ka ganacsada shirkado calooshod u shaqeytayal ah isla markaana ka mid ah xag jirka kuwa loo yaqaanno "Crusaders” (ama ku jira Jihaadka Kirishtaanka).

Erik prince shirkadii calooshood u shaqaystayaasha ee Black Water kaddib markii dacwad uga furamatay maraykanka wuxuu yimid Cimaaraadka Carabta halkaas oo uu xarun ka dhigtay asagoo abaabulay shirkad kale oo calooshood u shaqaystayaal ah taa oo lagu magacaabo Saracen International ayadoo ay maal galiyeen amiiro dalka Cimaaraadka Carabta, Saracen ciidankeedu wuxuu hadda ku sugan yahay Puntland.

Sida uu qoray wargeeyska New York Times waxay ahayd May, 2011markii Erik Prince uu u bilaabay amiirka dhaxal sugaha ee Cimaaraadka Carabta in uu u ururiyo hal guuto oo ciidamo ka kooban 800(sided boqol) oo calooshood u shaqaystayaal ah ayadoo qaybihii ugu horeeyey ee guutadaa ka yimaadeen dalka Colombia iyo haraadigii shirkadiid Executive Outcomes oo ciidamadeedu ahaayeen calooshood u shaqaystayaal caddaan Koofur Afrikaan ah.

Sow wax lala yaabo ma`aha in la yiraahdo Cimaaraadka Carabta oo ciidankiisa qalabka sida ka kooban yihiin calooshood u shaqaystayaal dalal badan laga soo uruuriyay in maanta la yiraahdo waxay tababarayaan ciidamada Soomaaliyeed oo aan ognahay in ciidamada Soomaaliyeed laga helayo saraakiil badan oo leh xirfad milatari oo aad u saraysa oo heer caalami ah.

Waxay aruursadaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u tiro badan ayagoo siiya tababar ciidameed, ayadoo tirada dhabta ah oo ay marayaan iyo qaabka laga damacsan yahayba ogaal ka ahayn maamulka ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa intaa dheer in maanta ayagoo aan ogolaansho ka heysan shacabka iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed ka degen yihiin goobo badan oo dalka ka mid ah sida Dooxada Jubba oo ay ka damacsan yihiin in ay ka goostaan dhul aad u baaxad weyn oo ay iskood u beertaan.

Sidoo kale waxay magaalada Muqdisho ka degeen dekadii hore halkaasoo ay darbi weyn ku gooyeen wadadii xeebta liido loo mari jiray isla markaana qaatay dhismooyinkii dhanka galbeed ku teedsanaa ilaa laga gaarayo dhismihii dowlada Jabaan u dhistay wasaaradda gaadiidka ee ka soo horjeeda saldhiga bari iyo sidoo kale isbitaalkii xooga iyo xeradii agoonta.

Waxaa hadda soo kordhay in uu damacoodu gaaray in ay la wareegaan Dekadii Berbera ee ahayd saldhig milateri oo istaraatiiji ah.

Ugu danbayntii waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo hay`adahooda dowliga ah in ay go`aan degdeg ah ka gaaraan, degdegna u suuliyaan dulmigaa qaawan ee dalka Ciimaaraadka Carabta Ummadda Soomaaliyeed ula bareereen.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta
Fowsi Cali Geedi Shadoor



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip