Daawo Sawirrada Dabkii Saakay Ka Kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

0
Monday February 27, 2017 - 10:45:21 in Wararka by
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirrada Dabkii Saakay Ka Kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

    Abaarihii 02:50 waxaa suuqa bakaaraha ka kacay dab xoogan oo geystay qasaaro hantiyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaarihii 02:50 waxaa suuqa bakaaraha ka kacay dab xoogan oo geystay qasaaro hantiyeed.

Dadbka ayaa ka kacay sida la sheegay qeybta suuqa Al-khaliifa ee isla Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada muqdisho waxaana halkaasi ku baaba’ay hanti aad iyo aad u badan.

Goob jooge ku sugan Bakaaraha ayaa inoo xaqiijiyey in dabka sidoo kale uu ku faafay subaxnimadii hore ee saakay qeybta Maacuunta iyo Malabka ee Suuqa Bakaaraha.

Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya ayaa gaaray goobta uu ka kacay dabka kuwaasi oo ka hortagayay dadka inta loogu bartay in ay dhacaan ama ay biliqaystaan hantida ay leeyihiin shacabka Soomaliyeed.

Sidoo kale gaadiidka dab damiska ah ayaa gaaray halka dabka uu ka kacay, waxaana socda dedaal badan oo lagu doonayo in dabkaan lagu damiyo.




 

Sawir Qaade:- abdiaziz Hassan Ibrahim



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip