WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 26-KA FEBARAAYO 2017-KA

0
Sunday February 26, 2017 - 10:35:22 in Wararka by
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 26-KA FEBARAAYO 2017-KA

    WASIIRKA ARIMAHA DIBADA SUCUUDIGA OO BOOQASHO LAMA FILAANA KU TAGAY BAQDAAD Waftiga uu hogaaminayo AlJubayr oo la fadhiya ra'isal wasaaraha Ciraaq AlCabbaadi Wasiirka arimaha dibadda Sucuudiga, Caadil AlJubayr, ayaa booqasho lama filaana k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASIIRKA ARIMAHA DIBADA SUCUUDIGA OO BOOQASHO LAMA FILAANA KU TAGAY BAQDAAD Waftiga uu hogaaminayo AlJubayr oo la fadhiya ra'isal wasaaraha Ciraaq AlCabbaadi Wasiirka arimaha dibadda Sucuudiga, Caadil AlJubayr, ayaa booqasho lama filaana ku tagey mag aalo madaxda Ciraaq ee Baqdaad, taas oo noqonaysa booqashadii ugu horraysay ee uu wasiir arr imo dibadeed Sucuudi ahi ku tago halkaa tan iyo sannadkii 2003.

AlJubayr wuxu kulan la yeeshay dhigiisa Ciraaq Ibrahim AlJacfari iyo ra'isal wasaare Xaydar AlCabbaadi.

Safaaradda Sucuudigu ku lahaa Ciraaq oo xidhnayd tan iyo sannadkii 1990, ka dib markii ciid amada Ciraaq ku duuleen Kuwait markii uu dalka ka arriminayey Saddaam Xusayn, ayaa dib loo fur ay sannadkii 2015kii oo loo magacaabay Saamir [Thaamir] AlSabhan inuu ka noqdo danjire.

Hase yeeshe muddo ka dib ayaa waxa xilkaa lagu wareejiye diblomaasi kale oo sii haye ka ah safaaradda ka dib markii wasaaradda arimaha dibadda Ciraaq ka cosatay Sucuudiga in ay danjir ahoogu ka baxo dalka ka dib markii uu sheegay in "Iran faro gelin toosa ku hayso arrimaha gudaha Ciraaq oo ay dhibaataynayso Sunniyiinta".

Sidoo kale, AlSabhan wuxu mar kale dhaliilay xoogagga maleeshiyaadka madaniga ah ee Shiicadu u badanyihiin iyo doorka ay ku leeyihiin dagaalada ay milatariga Ciraaq kula jiraan dabley da kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Markii Sucuudigu danjiraha u dirtay Ciraaq sannadkii 2015kii waxa loo qaatay in ay ahayd tall aabo muujinaysay bilowga iskaashi adag oo ay labada dal ka yeelanayaan la dagaalanka kooxda Daacish.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO DIB UGU SOO LAABASHADIISA MUQDISHO KA DUWANEYD SIDII MADAXDII KA HOREYSAY..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib safar labo cisho ah uu ku joogay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabi ya, oo uu martiqaad rasmi ah ka helay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis.

Dib ugu soo laabashada Madaxweyne Farmaajo ayaa ka duwaneyd, sidii Madaxdii hore mar kii ay dib ugu soo laaban jireen Muqdisho qaababka loo soo dhoweyn jiray, ma jirin is bar baar yaacii jiri jiray marka madaxda la soo dhoweynayo iyo dadkii safafka dhaadheer u geli jiray salaanta Mad axweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha ka hor inta uusan ka soo bixin magaalada Jeddah uu la soo hadlay Guddoonka Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirada xilka haya in aysan isku dhibin soo dhoweyntiisa, oo ayna shaqooyinkooda iska wataan, oo ay xafiiskooda joogaan

Madaxweynaha ayaa markii uu ka soo degay diyaaradii keentay garoonka diyaaradaha Aad an cadde waxaa soo dhoweyay xubno ka tirsan xafiiska Madaxtooyada iyo Xildhibaano dhowr ah oo uu kula kulmay qeybta VIBda Garoonka diyaaradaha.

Intaas kaddib ayaa Madaxweynaha loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, halk aasoo lagu wado inuu wariyeyaasha kula hadlo.

Wariyeyaal ku sugnaa garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in qaab hoose ah ay aheyd ima anshaha Madaxweynaha, ayna jirin dadkii faraha badnaa ee looga bartay marka Madaxda ka soo degayaan garoonka inay soo dhoweeyaan.

Tani ayaa ah astaan cusub oo uu la soo baxay Madaxweyne Farmaajo oo qaaday tallaaboo yin ka duwan sida looga bartay Madaxdii hore.

SHABAAB OO SHEEGTAY MASUULIYADDA DIL KA DHACAY MASAAJID MAGAALADA MUQDISHO KU YAALA..

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dil habeen hore fiidkii ka dhacay gudaha Masaajidka Bandhabow ee Degmada Xamar jajab, kadib markii halkaasi xoogag ka tirsan Al Shaba ab ay ku dileen Askari ka tirsanaa ciidamada Nabad Suggida Somaliya.

War ka soo baxay Shabaab oo laga sii daayay Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Shab aab ayeey ku sheegteen Shabaab masuuliyadda dilkaasi loo geystay askariga ka tirsanaa ciidama da Nabad Suggida.

Askariga dilka loo geystay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar, wuxuu dhacay dilkiisa xilli uu dhageysanaayay cashar tafsiir oo ka socday Masaajidka Bandhabow ee Degmada Xamar ja jab.

Shabaab waxa ay sheegteen Maxamed Cumar inuu horay u soo noqday Guddoomiye waax eed ka tirsanaa Degmada Xamar jajab, balse hada uu ahaa askari ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya.

Dhalinyaro Shabaab ka tirsan ayaa geysatay falkaasi dilka ah, kuwaasi oo mid ka mid ah uu istaagay albaabka masaajidka laga soo galo si uusan u baxsan askarigii ay dilayeen.

Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga hadal haayaa sheekada ku saabsan dilka habeen hore ka dhacay Masaajidka gudihiisa, iyadoo dadka siyaabo kala duwan goobaha fadhi ku dirirka ay ugu hadal hayaan.

Dilalka qorsheysan ayaa ka dhaca Magaalada oo ay geystaan Shabaabka, balse waxaa arin la yaab leh noqotay in Masaajid gudihiisa dil laga geysto.

QAAD YARI KA JIRTA MAGAALADA MUQDISHO IYO QIIMO KOROR KU YIMID QIIMIHII LA KALA SIISAN JIRAY

Qaad yari, ayaa waxaa shalay laga dareemayaa suuqyada qaadka lagu iibiyo ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dhanka kalana uu qiimo koror ku yimid qiimihii la kala siisan jiray qaadka.

Iyadoo maalin kasta ay Magaalada Muqdisho ka deggi jireen dhawr iyo toban diyaaradood oo qaad sida, ayaa waxaa shalay ka degay laba diyaaradood oo qura. Tani waxaa sabab looga dhigay Dowladda Somaliya oo kordhisay canshuurta lagu canshuuro qaadka.

Dowladda, ayaa bartamihii bishan ganacsatada qaadka ku wargelisay in laga bilaabo Sabtida shalay ay kordhineyso canshuurihii laga qaadi jiray ganacsatada qaadka ka keenta dalka Kenya.

Ganacsatada qaadka oo ka jawaabaya cabashadooda ku aadan inaanay bixin karin canshuu rta dheeriga ah ee lagu soo rogay, ayaa bilaabay in ay shaqo joojin sameeyaan, si ay culeys ugu saaraan dowladda.

Ganacsato fara ku tiris ah oo ka faa’iideysanaysa qaad yarida Magaalada Muqdisho, ayaa shalay qaad yar ka keentay Magaalada Nairobi.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa soo sheegaya in laba laab uu ku yimid qiimihii qaadka la kala siisanaayay, suuqyada qaarkoodna lagu iibinaayo qaad baarixi ah, oo midkii habeen hore ka soo haray.

SIRDOONKA SOOMAALIYA OO LA SHEEGAY INAY QABTEEN XAASKA MID KA MID AH SARAAKIISHA AJAANIIBTA ALSHABAAB

Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Haweeney uu qa bay Sarkaal Ajnabi ah oo ka mid ahaa saraakiisha AlShabaab.

Sida ay baahisay Wakaalada wararka ee SONNA Ciidamada Sirdoonka ayaa haweeneydan oo magiceeda lagu sheegay Leyla Cumar Baaruud ka soo qabtay mid ka mid ah degmooyinka Gobo lka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Haweeneyda muddo 5bilood ay ay daba gal ku hayeen Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya.

Ninka qabay ee ajnabiga ah ayaa la sheegay inuu u dhashay dalka Ethiopia, waxaana ay she egtay mar ay la hadashay warbaahinta dowladda inay u socotay seygeeda oo ku sugnaa degmada Jilib ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Sirdoonka ayaa horay howl gallo ay ka sameeyeen Muqdisho ku soo qabtay haween ay sheegeen inay hubka u hayaan AlShabaab

Ajaaniibta ka bar bar dagaalanta AlShabaab ayaa la sheegaa inay ku guursadeen deegaa nada ay ka arrimiyaan, kuwaasoo qaba haween soomaaliyeed.

MAXKAMADAYNTA WARIYE C/MAALIK MUUSE COLDOON OO DIB LOO DHIGAY

Iyadoo shalay lagu waday in Wariye C/maalik Muuse Coldoon la horkeeno Maxkamadda Go bolka Maroodi Jeex, ayaa dib loo dhigay maxkamadayntiisa.

Tani waxay ka dambeysay markii uu Wariye C/maalik Muuse Coldoon codsaday ka hor inta aan Maxkamadda la horkeenin in lala kulansiiyo Qareenkiisa.

Abukaate Guuleed Axmed Jaamac oo ah Abukaataha difa acaya Wariye C/maalik Muuse Coldoon, ayaa sheegay in uu doon aayay in Wariyuhu uu ku booqdo Xarunta CIDda ee Magaalada Hargeysa, balse loo sheegay in laga mamnuucay guud ahaan saldhigyada booliska in uu galo.

Abukaate Guuleed Axmed Jaamac, ayaa sheegay in uu noqonayo Abukaatihii labaad oo Somaliland ay is hortaag ku sa mayso in Suxufiga C/maalik Muuse Coldoon uu ku booqdo Xarun ta CIDda.

Qareen Maxamed Abokar oo markii hore difaacayay Suxufi ga, ayaa sidaan oo kale loogu diiday in uu Suxufigu ku booqdo Xa runtan. Garyaqaan Guuleed ayaa sheegay in qareen 3aad ay u qabanayan Wariyaha, si uu ugu booqdo Xaruntaasi.

Garyaqaan Guuleed waxaa uu walaac xoogani uu ka muujiyay kala xulashada Qareenada ee ka soo cusboonaatay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Dhanka kale waxaa shalay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex la horkeenay Agaasimaha Telefishinka Star, Maxamed Baashe Cabdi, iyadoona ay Maxkamaddu ku sii deysay damaanad. Waxaase soo baxaya warar sheegaya in Saraakiil Booliska Somaliland ka tirsan ay ka horyimaade en damaanadda ay Maxkamaddu ku sii deysay Wariye Baashe, iyagoona dib ugu celiyay Saldhiga Dhexe Hargeysa.

Somaliland, ayaa labada Suxufi ku eedeysay kicin dadweyne iyo xagjir ka soo horjeeda jiri taanka Somaliland.

ODAYAASHA BOOSAASO OO SHARCIDARRO KU TILMAAMAY XUKUNKA DILKA EE LAGU RIDAY TODDOBADA WIIL..

Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari, ayaa Jimcihii daraad jeelka Magaalada Boosaaso ku booqday toddobo nin oo dhalinyaro ah, oo Maxkamadda Ciidamada Puntland, ay laba toddobaad ka hor ku riday xukun dil ah.

Maxkamadda, ayaa sheegtay in wiilashaasi ay ka dambeeyeen dilalka saddex ka mid ah mas uuliyiinta Puntland, oo bishii December loogu gaystay Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Boos aaso.

Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari, Nabadoon C/qaadir Axmed Xarago, ay aa sheegay in ay jeelka Boosaaso ku soo arkayn arrin aad iyo aad looga argagaxo, oo la xiriirta jirdil daran oo loogu gaystay wiilasha dilka ku xukuman.

"Anagu daraad waxaanu tagnay jeelka Boosaaso, waxaan ku soo aragnay dhalinyaradii tod dobada ahayd ee maalintii dhaweyd lagu xukumay dilka, maadaama Odayaashii Nabadoonada Gob olka aan nahay. Waxaan ku soo aragnay runtii arrin aad iyo aad looga argagaxo, dhalinyarada wax aa lagu sameeyay jirdil aad u farabadan, oo meelo badan ka saameeyay, sida waxay aad uga caba nayaan meelo badan oo halis, weliba ah . Waxay sheeganayaan in dhibaato badan loo gaystay, oo wiilashaasu jirdil badan lagu sameeyay.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka oo la hadlay VOA, ayaa waxaa uu iftiimiyay in ay aad iyo aad uga xumaadeen si da loola dhaqmay dhalinyaradaasi, islamarkaana ay doonayaan in cadaalad sax ah ay helaan.

"Aad iyo aad baan runtii arrimahaas aan uga xumaanay. Waxaana idinla soo xiriiray waxay ta hay inaan gaarsiiyo in mustaqbalka cadaalad la helo, oo arrintan dib loo baaro, lana helo dhakhaatiir arrimahakan takhasus u leh, oo eegga arrintan meesha taal.” Ayuu yiri Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari.

Afhayeenka, ayaa tilmaamay in kiiska lagu soo eedeeyay wiilasha iyo jirdilka loo gaystay aa nay ahayn wax is qaban kara, iyadoo uu intaa ku daray in wiilasha ay u muuqato in lagu khasbay in ay qirtaan eedeymaha lagu soo oogay.

Inkastoo xilligii uu xukunku dhacaayay ay wiilashu iska fogeeyeen eedeymahaasi, ayay had ana hay’adaha amniga Puntland soo bandhigeen muuqaal video ah, oo wiilashu ay ku qiranayaan eedeymahaasi.

C/qaadir Axmed Xarago, ayaa ku waramaya in arrintani ay u muuqato mid wiilasha si khasab ahi loogu cadaadiyay in ay qirtaan dembiga, haddii ay yihiina Odayaashii Dhaqanka ay u arkaan in aanay wiilashu shaqo ku lahayn kiiska lagu soo oogay.

C/qaadir Axmed, ayaa Maamulka Puntland ugu yeeray in uu dib ugu laabto xukunka lagu ri day wiilasha. Cid kasta oo ku shaqo leh arrimaha bani’aadanimada, ayuu ugu yeeray in ay ka qayb qaadato, sidii ay cadaalad u heli lahaayen dhalinta.

Nabadoon Xarago, ayaa sidoo kale qoysaska iyo ehelada masuuliyiintii lagu dilay Magaalada Boosaaso ugu baaqay, in iyagu qudhoodu ay gacan ka gaystaan, sidii loo heli lahaa garsoor sharc iga waafaqsan.

XUBNAHA AQALKA SARE OO ANSIXIYAY GUDDIYO

Xildhibaanada aqalka sare ayaa shalay kulan ay yeesheen waxaa ay ku ansixiyeen guddiyo kmg ah oo ka shaqeyn doona howlaha xildhibaanada aqalka sare.

1-Guddiga amniga

2-Guddiga miisaaniyada

3-Guddiga gudiga shaqaaleynta shaqaalaha aqalka sare

4-Guddiga xeer hoosaadka aqalka sare

5-Guddiga Sameynta Astaanta Aqalka Sare

Sidoo kale, xildhibaanada aqalka sare ayaa ansixiyey xildhibaan c/kaafi macallin xasan xildhibaan fartuun c/qaadir faarax ay noqdaan habdhawrayaasha aqalka sare.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO BARLAMAANKA KA CODSADAY IN AY ANSIXIYAAN R/WASAARAHA, KANA HADLAY SAFARKIISII SACUUDIGA..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Max amed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay keddib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka aan walaalaha nahay ee Sucuudiga ayaa la kulmay boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo labadiisa dhaxal suge isaga oo ka codsaday in ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada horumarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, qaadista xayiraadda ganacsiga xoolaha iyo gurmadka abaaraha.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xasfiiskiisa ayaa sheegay in dhammaan codsiyadii ay u bandhigeen dowlad da Sucuudiga laga aqbalay, isaga oo intaas raaciyay in Ra’iisul Wasaaraha magacaaban looga fadhiyo marka la ansixiyo kaddib inuu dhiso guddiyadii dhaqangelin lahaa qodobada la isla meel dhigay.

Qorshayaashii ay dowladda Soomaaliya hordhigtay Boqor tooyada Sucuudiga waxaa kamid ahaa in la kabo miisaaniyadda dalka si loo bixiyo mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha hey’adaha dowladda, dhismaha xarumo cusub oo ay hay’adaha Qar anku ku shaqeeyaan, garoon diyaaradeed oo cusub, dib u dhiska waddooyinka laamiyada ah ee is ku xira magaalooyinka dalka iyo dib u hawlgelinta safaaraddii Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay ku lahayd magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si faahfaahsan uga hadlay shaqsiyadda Ra’iisul wasaaraha uu dhowaan magcaabay Mudane Xasan Cali Kheyre iyo waxyaaba ha uu ku doortay.

"Sidaad la socotaan, Ra’iisul wasaaraha aan magcaabay laba maalmood ka hor Xasan Cali Kheyre waa shaqsi leh aqoon maamul iyo mid bini’aadannimo, isla markaana ah ninka xilli gaan la joogo ku habboon inaan wada shaqeynno, shacabka Soo maaliyeed uma baahna khilaaf ragaadiya madaxweynaha iyo Ra’ iisul wasaaraha, dadka Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in aysan arrintaasi ka wel welin oo aan afarta sanno ee soo socota aan wada dhammeysan doonno, waxaa ugu muhiimsan ee aan u doortay Xasan in uu yahay shaqsi aan aaminsanahay inuu igula shaqeyn kara mabaadiideyda iyo ammaanada ummadda Soomaali yeed, sidoo kalena aan ka wada qeybqaadan karno la dagaallanka musuqmaasuqa” ayuu yiri Mada xweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Qaranka, ayaa ka codsadey Barlamaanka Federaalka ee labada aqal ah in ay si dhaqsi leh Kalsoonidooda u siiyaan Ra’iisul wasaaraha uu magcaabay, isla markaana ay dowla dda cusub ee la soo dhisi doono garab istaagaan, si loo dardargeliyo howlaha adag ee hor yaalla dowladda, madaxweynaha ayaa intaa raaciyey in dhowaan Barlamaanka la geyn dooni miisaaniyad aad ugu ballaaran kuwii horey loo arki jiray, maadaama ay dowladdu heysato ballanqaadyo waa we yn oo wax badan ku soo kordhin karna miisaaniyadda dalka, maadaama aysan jirin canshuur badan oo ay dowladdu ku shaqeyso xiligaan.

Dowladda Sacuudiga oo balan qaadyo u sameysay Soomaaliya Dowladda Sacuudiga ayaa balan qaadyo kala duwan waxey u sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii halkaasi uu booqasho ku tagay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Boqorka Dowladda Sacuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud ayaa shaaca ka qaaday in Sacuudiga uu kabi doono miisaaniyada Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay dib u dayac tir ku sameyn doonaan Xarumaha Dowladda.

Boqorka ayaa xusay in sidoo kale ay dhisi doonan Garoon cusub, ayna dhisi doonaan wad dooyin isku xira Gobolada Dalka Soomaaliya.

Waxuu sidoo kale uu qeexay in Magaalada Muqdisho ay ka furan doonaan Safaaradooda, isa goona tibaaxay in ay ka qeyb qaadan doonaan wax ka qabashada abaaraha ka jira Dalka Sooma aliya.

Sikastaba, hadalka Boqorka Sacuudiga ayaa waxuu imaanayaa xili maalmo ka hor ay wada kulmeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

UGU YARAAN 40QOF OO KU GEERIYOOTAY QARAXYO MATAANO AH OO KA DHACAY MAGAALLADDA XOMAS EE DALKA SYRIA.

Telefishinka Dowladda Syria ee Ikhbaariyah ayaa sheegay in weeraro Isqarxin ah shalayyto lala beegsaday Dhismo ay Ciiddanka Ammaanka ku leeyihiin magaalladda Xomas.

Wakaalladda Wararka Raashiya ee RIA NOVOSTI ayaa sheegtay inay 6 Isqarxiyayaal isku qarxiyeen Xarunta Dhexe ee Hay’adda Ammaanka iyo Dhismaha Sirdoonka Milliteriga.

Guddoomiyaha Gobalka Xomas, Talaal Barzani ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AP inay dhaceen 3 Qarax, kuna geeriyoodeen in ka badan 20qof, kuna dhaawacmeen tobaneeyo kale.

Magaalladda Xomas oo ah magaalladda 3aad ee ugu weyn dalka Syria waxaa si buuxda u maamulayey Ciiddanka Dowladda tan iyo bishii May ee sannadkii 2014kii, kadib, markii ay Maleesh iyadda kaga baxeen Heshiis ay QM garwadeen ka ahayd.

 

MIISAANIYADDA DOWLADDA OO LA KORDHINAYO

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed( Farmaajo) ayaa sheegay in Sanadkaan la kordhin doono Miisaaniyadda dowladda Marka la eego Balanqaadyada ay haysato do wladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay haysato Balanqaadyo ka badan kuwii ay heli jireen dowladihii dalka Soo maray , islamarkaana ay sanadkaan ay kordhin do onaan miisaaniyadda dowladda .

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii loo dar yeeli lahaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale xildhibaanaada Qaranka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay si joogta ah ay u bixin doonto Mushaaraadka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagan dowladda Soomaaliya si loo gaaro guulaha ay hiigsanayaan.

DADWEYNE CAREYSAN OO BANNAANBAX KA DHIGAY MAGAALADA BOOSAASO

Boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, ay aa xalay isugu soo baxay qaybo ka mid ah wadooyinka ku yaala Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Dadkan, ayaa waxay ka caroodeen xarig ay Ciidamada Puntland kula kaceen Nabadoon C/qa adir Axmed Xarago, oo ah Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari.

Xariga Nabadoon C/qaadir Axmed Xarago, ayaa waxaa loo maleynayaa in uu la xiriiro ware ysi uu siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA, islamarkaana uu kaga hadlay jirdil ba’an oo laamaha ammaanka Puntland u gaysteen toddobo nin oo dhalinyaro ah, bartamihii bishaana ay Maxkamadda Ciidamada Puntland ku xukuntay xukun dil ah.

Afhayeenka Odayaasha Gobolka Bari oo Jimcihii jeelka Boosaaso ku booqday dhalinyarad aasi, ayaa wareysigii uu VOA siiyay ku sheegay, in xaalad aad looga argagaxo uu ku soo arkay dhal intaasi.

Dadkii xalay isugu soo baxay wadooyinka Magaalada Boosaaso, ayaa waxay dalbanayeen in si deg deg ihi lagu soo sii daayo Nabadoon C/qaadir Axmed Xarago.

Illaa iyo hadda waxaan macluumaad sax ahi laga hayn goobta uu ku xiran yahay Nabadoon Xarago, balse waxaa loo maleynaya in lagu xiray xabsi dhinaca galbeed kaga toosan Magaalada Bo osaaso.

Masuuliyiinta Maamulka Puntland, ayaan weli ka hadlin aragtidooda ku aadan hadalka Nabad oon Xarago iyo waxa uu salka ku hayo xarigiisan.

MADAXA GARGAARKA QM OO BOOQAN DOONA DALAL SOOMAALIYA …

Stephen O’Brien, oo xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha gargaar ka, ayaa safar ku tagi doona dalalka Yemen, Soomaaliya iyo Kenya inta u dhaxeysa 26 Fibraayo iyo Shanta Maarso ee sanadkan, isagoo la kulmi doona dadka ay taabatay nolashadooda dhibaatooyin ka bani’aadanimada ee ka jirta dalalkaas, sida uu shaaciyay afhayeenka Qaramada midoobay.

"Dhammaan sadexda wadan, Mr. O’Brien waxaa uu kula kulmi doona dadka sida aadka ah u saameysay xaalada bani’aadanimo, taas oo keentay dagaalada iyo abaaraha,” sidaa waxaa yiri Step hane Dujarric oo ah afhayeenka QM.

"Malaayiin dad ah oo Yemen iyo Soomaaliya ku nool waxaa soo wajahday macluuul aad u da ran lixda bilood ee soo socota hadii dadaalada gurmadka aan si deg deg ah loo kordhinin,” ayuu mar kale sheegay afhayeenku.

Afhayeenka ayaa sidoo kale, sheegay in dalka Yemen, in ka badan todobo milyan oo ruux ayaa waxaa heystay cuni yaro aad u daran, iyadoo 460,000 oo carruur ah ay la ildaran yihiin nafaqa daro, halka Soomaaliya sadex milyan oo qof u baahan yihiin raashiin muwaacano ah oo deg deg ah. Kenya ayaa ku dhawaaqday 10 Fibraayo in dalka ay ka jirto abaar taas oo sidoo kale same ysay ugu yeraan 23 dalka isla markaana dadka Kenyaanka ah ee gargaarka u baahan ay gaarayaan 2.7 milyan oo ruux lixdii bilood ee la soo dhaaftay.

Stephen O’Brien, oo xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha garga arka, ayaa waxaa uu la kulmi doonaa mas’uuliyiin sadexda wadan ee uu booqan doona.

SAXFIYAD IRAQI AH OO SHALAY LAGU DILAY MAGAALLADDA MOSUL.

Saxafiyadaasi oo la oran jiran Shifa Gardi ayaa la dilay xilli ay Warar ka soo tebinaysay da gaal Ciiddanka Dowladda Iraq iyo Kooxda Daacish shalay ku dhex maray magaalladda Mosul.

Hadal ka soo baxay Telefishinka Rudaw ee uu maalgeliyo Xisbiga Dimuqraadiga ee Kurdistan ee KDP, waxaaana la sheegay inay ku geeriyootay miino jidka dhinaciisa lagu aasay. Waxa kaloo qaraxaasi ku dhaawacmay Sawirqadaheeda oo lagu magacaabo Yonis Mustafa.

Dhinaca kale, Saxfiyadda shalay geeriyootray ee Shifa Gardi waxay bishan 21dii soo badba adisay Bakaylo dhaawac ah oo ay ka soo heshay Tuulladda Albu Sayf, waxayna Bakaylihii la soo gashay Qolka Wararka ee TVga, iyadoo gacmaheeda ku haysa Bakaylahii dhaawacnaa.

MUGABE OO U DABAALDEGAY SANNADGUURADIISII 93AAD

Hogaamiyaha dunida ugu da'da weyn, madaxweyne Robert Mugabe oo xukuma Zimbabwe, ayaa u dabbaal degay sannadguuradiisii 93aad.

Xafladda dhalashadiisa waxaa ka qayb galay kumanaan taageerayaal ah, taasoo ka dhacday meel dibadda ka ah magaalada Bulawayo.

Wuxuu ku labbisnaa koofi iyo shaar ay xaaskiisa naqshadaysay, wuxuuna sheegay inuusan carrabka ku dhifan doonin cidda beddelaysa.

Xisbulxaakimka ZANUPF ayaa la sheegay inuu aad ugu kala qaybsan yahay cidda beddeli doonta.

Wariye BBC u soo warramay ayaa sheegay in Mr Mugabe uu inta badan kursi ku fadhiyey, mararka qaarna ay indhihiisu is galayeen. Dhowr keeg ayaa la keenay xafladda, kuwaasoo midkood uu ku dhawaa boqol kiilo, ayadoo loo sameeyey sida khariidadda Zimbabwe.

9 RA'ISUL WASAARE KADIB, LIISKA IYO TIRADA WASAARADO AY TAHAY IN AANUU MAGACAABIN RA'ISUL WASAARE XASAN KHEYRE

16kii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxaa ka jiray wasiirro lagu keenay 4.5 iyo mar uun wasiir i dhaha, wasaarado boorso lagu wato, wasiir kasta marka la magacaabo waxaa uu wasaaradda iyo shaqadeeda ka dhigaa mid beeleed, waxaa intaa dheer wasiirro magacooda la maqlo maalinta la magacaabo, waxqabadkoodana aan la arag, Hadaba sidee arrintaas looga gudbi karaa oo dalkan u yeelan karaa wasaarado iyo wasiirro yar oo dabooli kara baahida dalka iyo dadka?!

Inta Ra’isul wasaaraha la magacaabay ee Xasan Kheyre aan u sheegin liiska iyo wasaar adaha loo baahan yahay, waxaa muhiim ah in aan dib u xasuusanno Sooyaalka wasaaradaha Soom aaliya 16kii sano ee la soo dhaafay, 9kii ra’isul wasaare ee Kheyre ka horreeyay waxaad ku arki doontaan wasaarado ay dhiseen oo kharash iyo waqti ku baxay mooyee aan dalka u soo kordhin wax faa’ido ah habayaraatee, waa in casharro laga barto wixii hore, waxaana muhiim ah in aan arrin taas mar kale dhicin 2017ka oo aan ka feejignaano!!

Sooyaalka Xukuumadihii Soomaaliya 2000-2017:

October 28, 2000: Xukuumaddii Cali Khalif Galeyr waxa ay ka koobneyd illaa 29 wasaarad ood, intooda badan waxba ma qaban, sidaasi ay tahay waxaan dhihi karnaa iney ahayd tillaabo fii can oo dowladnimada lagu bilaabay burburkii kadib, laakin waxqabad la’aan ayaa intooda badan wasiirrada lagu xasuustaa, waxaa intaa dheer wasaarado aan isweydiin karno maxaa loo sameeyay iyadoo aan ognahay in baahidooda aanay jirin xilligaas, waxaa ka mid ahaa: Wasaaradda Kallumey siga, Wasaaradda warshadaha, Wasaaradda Isgaarsiinta, Wasaaradda Teknolojiyadda iyo Wasaara dda Biyaha.

February 16, 2001: Xukuumaddii Xasan Abshir Faarax waxaa ay ka koobneed 31 wasaarado od, haddii aan daacad u hadlo dhamaantood waxba ma qaban, laakin markii aan liiska wasaaradaha fiiriyay waxaa isoo baxday wasaarado aan loo baahneyn in meesha la keeno sida: Wasaaradda gaadiidka, wasaaradda dhaqanka, wasaaaradda qaxootiga, wasaaradda dhaqan celinta, wasaarad da tacliinta sare, wasaaradda warashadaha, wasaaradda iskaashiga caalamiga ah, wasaaradda do wladaha hoose, wasaaradda biyaha, Wasaaradda Lacagta, wasaaradda tecknoljiyadda iyo wasa aradda dalxiiska.

December 4, 2003: Xukuumaddii Maxamed Cabdi Yusuf waxaa ay ka koobneynd illaa 14 was iir, waxqabad la’aanta waxaa ay kala sinnaayeen xukuumadihii ka horeeyay, laakin waxaa ku jiray wasaarado aan magacaabistooda loo baahneed waxaa ka mid ahaa: illaa 3 ra’isul wasaare ku xigeen, Wasiirka Dastuurka, wasiirka Tamarta iyo Korintada, wasiirka deegaanka, wasiirka kallu meysiga iyo wasiirro kale.

Junuary 7, 2005: Xukuumaddii Cali Maxamed Geedi waxaa ay ka koobneed 45 wasaaradood, intooda badan looma baaneen laakin tusaale haddii aan u soo qaato waxaa ku jiray wasiirro aad la yaabi doonto waxa ay qabteen, waxaa ka mid ah: Wasaaradda golaha shacabka, Wasaaradda Tamarta, Wasaaradda dhulka, Wasaaradda Masiibooyinka qaranka, Wasaaradda Iskaashiga, Was aaradda Tacliinta sare, Wasaaradda Kallumeysiga, Wasaaradda Warshadaha, Wasaaradda Xoola ha, Wasaaradda Amniga qaranka, Wasaaradda agoonta iyo naafada, Wasaaradda Betroolka, Wasa aradda Gadiidka, Wasaaradda Isgaarsiinta, Wasaaradda guriyeynta, Wasaaradda qurbojoogta, Was aaradda Cashuuraha, Wasaaradda horumarinta reer miyiga, Wasaaradda Tecknoljiyadda, Wasiird owlayaasha xafiiska madaxweynaha, Xafiiska ra’isul wasaaraha, wasiirka deegaanka iyo wasaarado kale oo intooda badan magac u yaal ahaa.

Augu 21, 2006: Xukuumaddii Cali Maxamed Geedi, waxaa ay ka koobneed illaa 31 wasaar adood, inta badan looma baahneed wasaaradahaasi, laakin qaarka aan la yaabay waxaa ka mid ahaa: wasaaradda gaadiidka dhulka, wasaaradda deegaanka, wasaaradda tacliinta sare, Wasaarad da korontada, Wasaaradda isgaarsiinta, Wasaaradda Gurimyeynta, Wasaaradda dib u heshiisiinta, Wasaaradda dib u dejinta, Wasaaradda Dalxiiska iyo wasaaradda amniga gudaha.

January 8, 2008: Xukuumaddii Nuur Cadde waxaa ay ka koobneed 15 wasaaradood, in kasta uu ahaa ra’siul wasaarihii ugu macquul sanaa hadana waxaa ku jiray dhowr wasaaradood oo waxq abadkooda su’aal laga keeni kar sida: Wasaaradda Tamarta, Wasaaradda amniga gudaha, wasa aradda dib u dhiska iyo wasaaradda Warshadaha.

February 21, 2009: Xukuumaddii Cumar Cabdirashid waxaa ay ka koobneed illaa 36 wasiir, waxaa ku jiray wasaarado aan kaligood istaagi Karin ama aan loo baahneed xilligaas sida: Wasaa radda qurbojoogta, wasaaradda Betroolka iyo Tamarta, Wasaaradda Guriyeynta, Wasaaradda wa rshadaha, Wasaaradda Hantidhowrka, Wasaaradda Kallumeysiga, Wasaaradda Dalxiiska, Wasaar adda Tecknoljiyadda, Wasaaradda Naafada, Wasaaradda Xuquuqulinsaanka, Wasaaradda dhaqan ka iyo Tacliinta sare, Wasaaradda amniga gudaha iyo wasaaradda horumarinta reer miyiga.

November 18, 2010:Xukuumaddii Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa ay ka koobneed illaa 18 wasiir, in kasta oo xukuumaddan ay tayo la baxday, dhowr wasaarad ayaa wax qabtay, wasaar adaha aan loo baahneen xilligaas oo Farmaajo uu magacaabay waxaa ka mid ahaa: 3 ra’isul wasa are ku xigeen, wasaaradda Miinada, Biyaha, Tamarta iyo Betroolka, waxaa kaloo isweydiin karaa wa xqabadka wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka, Beeraha, wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, Wasaaradda Kallumeysiga iyo deegaanka iyo qaar kale.

July 20, 2011: Xukuumaddii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa ay sidoo kale ka koobneed 18 wasaaradood, waxaa ku jiray wasaarado badan oo magac u yaal ahaa sida: wasaaradda Kal lumeysiga, Wasaaradda Biyaha iyo Betroolka, Wasaaradda Gadiidka iyo Isgaarsiinta, Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, Wasaaradda Fedelismka, Wasaaradda Beeraha iyo wasaa radda guriyeynta, dhammaan wasaaradahan looma baahneen, waxaa kaloo aanan sheegin wasaar adaha loo baahnaa ee liiska ku jiray balse aan waxbo qaban.

November 4, 2012: Xukuumaddii Cabdi Faarax Shirdoonoo ka koobneed 10 wasaaradood, waxaa ku jiray wasaarado aan wax micno ah xilligaas ku fadhigan sida: wasaaradda Kheyraadka dabiiciga, wasaaradda dib u dhiska iyo wasaaradda horumarinta bulshada.

December 12, 2013: Xukuumaddii Cabdiweli Axmed Maxamed, waxaa uu magacaabay illaa 25 wasiir, liiskaas waxaa ku jiray wasaarado tiro badan oo la is raaci karay, waqti iyo hanta ayaa ku baxday, wasaaradaha aan loo baahneen ee Cabdiweli uu magacaabay waxaa ka mid ahaa: wasaa radda amniga qaranka, Wasaaradda qorsheynta, Wasaaradda Tamarta iyo biyaha, Wasaaradda Bo ostada iyo Isgaarsiinta, Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska, Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda, Wasaaradda Macdanta.

February 5, 2015: Xukuumadda Cumar Cabdirashid waxaa uu magacaabay illaa 26 wasiir, qoor badan oo wasiirradaas ka tirsan lama maqal sidii loo magacaabay, looma baahneen, wasaarad ahaas waxaa ka mid ahaa: Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga oo waxaa la raacin ka ray arrimaha dibadda, waxaa uu labo wasaarad u kala sameeyay dekadaha gadiidka badda iyo ga adiidka iyo duulista hawada, waxaa uu sameeyay wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska, was aaradda Batroolka iyo Macdanta, Amniga gudaha oo la raacin karay arrimaha gudaha, waxaa kaloo la isweydiin karaa waxa ay qabatay wasaaradda korontada iyo biyaha….dhammaan wasaaradaha asi waxaa loo baahnaa in wasaarado kale lagu daro laakin ma dhicin.

Hadaba, innaggoo ka tusaale qaadaneyna sooyaalkaasi xukuumadihii Soomaaliya soo maray 16-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa ra’isul wasaaraha la magacaabay Xasan Cali Kheyre la gudbo on in uu magacaabo wasaarado tiro yar oo waxtar u leh umadda, isla markaana shaqeyn kara, waa imtixaanka ugu horreeya ee horyaalla wasiirka koowaad.

Hadaba, Wasaaradaha Ay Soomaaliya U Baahan Tahay Xillgan, Waa 13 Wasaaradood Oo Keliya, Liiska Hoos Ka Akhriso:

Wasaaradda arrimaha gudaha, amniga iyo federaalka.

Wasaaradda Xoolaha iyo Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga ah

Wasaaradda Difaaca

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare.

Wasaaradda Arrimaha dibadda, qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga.

Wasaaradda Caafimaadka, Biyaha iyo arrimaha bulshada.

Wasaaradda Maaliyadda

Wasaaradda Dhaqaalaha(Ganacsiga iyo Warshadaha)

Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka

Wasaaradda Dekadaha, Gaadiidka Cirka iyo Dhulka

Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Howlaha Guud

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Wasaaradda Diinta iyo awqaafta

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo hortagi doona golaha shacabka maalmaha soo socda si loo an sixiyo, waxaan taladan ula jeedaa in wasaaradaha lagu saleeyo baahida dalka iyo dadka ee aan me el iska dhigno danaha gaarka ah iyo raaligelinta reer hebel.

W/Q: Cabdi Casiis Axmed Gurbiye, XIGASHO:GOOBJOOG.COM

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip