Gudoomiyihii Maxkamadda Degmada Dharkiinley oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
Wednesday November 11, 2015 - 00:55:34 in Wararka by
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyihii Maxkamadda Degmada Dharkiinley oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

    Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan in caawa lagu dilay Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Maxkamadda Degmada Dharkiinley, Sheekh Xuseen Maxamed Cali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan in caawa lagu dilay Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Maxkamadda Degmada Dharkiinley, Sheekh Xuseen Maxamed Cali. Gudoomiyaha oo deganaa Degmada Yaaqshiid, ayaa waxaa lagu dilay meel ku dhow Xarunta Degmadaasi, xilli uu Salaaddii Cishaha ku soo tukaday Masaajid ku yaala halkaasi, kuna sii jeeday hoygiisa.

Ilo wareedyo, ayaa xaqiijinaya in Gudoomiyaha lagu weeraray wadada, xilli uu hoysgiisa ku wajahnaa, kana yimid Masaajidkii uu Salaadda ku soo tukaday, waxaana la beegsaday, xilli aanay wax ilaalo ihi la socon.

Dembiilayaasha oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, ayaa waxay isaga baxsadeen halkii ay dilka ka gaysteen, mana suurtagelin in gacanta lagu soo dhigo.

Sidii caadada ahayd Ciidanka Nabad Suggida iyo Booliska oo gaaray goobtii uu falku ka dhacay, ayaa waxay ka qaadeen meydka, iyagoo aanay jirin cid ay u soo qab qabteen fal dembiyeedkaasi.

Toddobaadyadii ugu dambeysay, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku soo badanaayay dilalka qorsheysan, ee ay ka wadaan xubnaha lala xiriirinayo mintidiinta Al Shabaab.

Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa waxaa lagu dhaliilaa in ay ku adag tahay bixinta mushaaraadka Ciidamada Qalabka Sida, waxayna taasi dhabaha u xaartay in dayac xagga ammaanka ihi uu ku yimaado Caasimadda iyo goobaha kale, ee ay ka arrimiso Dowladdu.

XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip