HALGANKII Nabadoon XASSAN GEEDI ABTOOW.

0
Sunday February 12, 2017 - 13:27:29 in Maqaallo by
  • Visits: 1272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALGANKII Nabadoon XASSAN GEEDI ABTOOW.

    Nabad-doon: Xassan Geedi Abtoow Aybakar Cali Adan, oo si aad ah looga yaqaan gobalka Ex-Banaadir iyo gobala kale oo badan, ahaana NB –guud ee Mogadishu iyo deegaanada u dhaw. waxa uu ku dhashay Bashaqle ( 1859-1926),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad-doon: Xassan Geedi Abtoow Aybakar Cali Adan, oo si aad ah looga yaqaan gobalka Ex-Banaadir iyo gobala kale oo badan, ahaana NB –guud ee Mogadishu iyo deegaanada u dhaw. waxa uu ku dhashay Bashaqle ( 1859-1926),

Hooyadiina waxaa la yiraa: Xaliimo Cadow Xayle. Waxa uu ka mid ahaa nabadoonadii isticmaarka si toos ah uga horyimid diidayna fekrada badan oo ay wateen, ayada oo dadka qaar ay ku dagaalamaan Hub, Suugaan, dhaqaale, feker diineed ayaa ND. Xassan waxa uu ku dagaalamay Caqli. Waxa uu ahaa nin Ilaaliya dhaqanka somalida,waxa uu xiran jiray dharkii ahaa labada go’ ee dadka deegaanka dhaqanka u aheed,Fiiri Sawirka 1aad,dhaqankaa oo duubabka dhaqanku ilaali jireen fiiri sawirka 2aad,saddaxda will ee uu dhalay Suldaan Cusman oo ka mid ahaa reer Imaamkii magaalada xakumi jiray.

Berrigii Sayid Barqash uu sheeganayay in uu xakumo xamar iyo nawaaxiga u dhaw, ayuu Xassan Geedi ku soo rogay Sayid barqash laftiisu in uu bixiyo cashuur,waana tan keentay in Barqash uu dagaal la’aan Talyaaniga isaga wareejiyay markii ay u celiyeen 199.000 DN oo aheed cashuurtii barqash ka bixiday,waxa uuna Talyaaniga ku wareejiyay 13.Oktobar 1893.

(Barqash waxa uu ahaa nin Cumani ahaa oo xakumayay xeebaha Afrikada barri,zinzibaarna xarun u aheed, gurina ku lahaa Mogadishu kaa oo markii dambe laga dhigay Museum, lagu keeydiyo taariikhda Somalida fiiri sawirka 3aad iyo 4aad ).

Waa badanyihiin dhacdooyinka taariikhiga ahaa ee dhaxmary ND. Xassan Geedi iyo Talyaaniga Haddiise aan qayb yar ka soo qaadano. Talyaaniga ayaa ku yiri: Berri u yeer dhalin yarada deegaanka waxaan siinayaa lacag iyo hadiyado si ay u ogaadaan hodonnimada dowladeeyda Talyaaniga. Xassan 400 dhaliyaro ah ayuu wabiga dhinaciisa keenay,markii Talyaanigii wixii uu hayay u qeeybiyay oo ay ka dhamaadeen ,ayuu xassan u yeeray 400 oo kale oo wabiga dhinaciisa kale uu ku qaryay.Talyaanigii ayaa ku yiri: waa iga dhamaatay intan ka badan wax ma bixin karo. Xassan ayaa yiri: 400 ee hore i tusiya lacagta uu gaalku idin siiyay,intii oo kale ayuu isna siiyay 400 ee dhineed, wuxuuna ku yiri: ogow Talyaaniyoow xassan geedi kaama xoola yaro.

Wuxuu ku yiri :hadalkiisii caanka ahaa: dadkeeyga wax ma deeqsii kartid,mana maamuli kartid ee aniga iiga dambeey.wixii maalintaa ka dambeeyay waxaa la yiri: Adigu dadkaaga maamul. Xassan waxa kale oo uu diiday in dadkiisu Canshuurta u ururiyaan talyaaniga, waxa uu yiri adinku ka urursada cashuurta islaamaha suuqa yaanyada ku gadayo, si uu dadka u tuso talyaanigii oo cashuur ururinayo oo gacanta u taagayo dadka suuqa wax ku iibinayo, asaga oo dadkii ku yiri: fiiriya Talyaanigii maantana suuqa ayuu ka tuugsanayaa.

Mar kale ayaa talyaanigu u yeeray Xassan in uu yimaado xafiiska Governatooraha Talyaaniga,Talyaaniga oo u careeysnaa falal uu ku kacay Xassan, Xassn waa yimid ,laakin irida laga soo bilaabo ilaa gudaha xafiiska wixii yiil ayuu soo dardaray oo jajabiyay,Gaalkii ayaa carooday oo ku yiri: hantida Talyaaniga maxaad u burburisay, wuxuu yiri: adoo doowlad weeyn sheeganaya miyaad intan ka carootay anigaa kuu soo gadaya.

Talyaaniga ayaa mushaar u qoray odayaasha deegaanka. xassan ayaa waxa ay isqabteen Talyaanigii ,ayaga oo ku xumeeynaya ayeey ku yiraahdeen ,Anaga oo 4 sanno mushaar ku siineeynay, miyaad amarkeena diidee?. Xassan wuxuu ku yiri : berri aan isku nimaado, maalintii xigtay ayaa waxaa yimid xassan oo dhiil wata dadkiina soo shiriyay wuxuuna ku yiri: Talyaaniyoow haddaad aragto ma taqaan Lacagtii mushaarka aheed ee aad i siin jirtay,wuxuu ganuunka ka qaaday dhiishii waxa uuna ka soo daadiyay mushaarkii 4ta sano la siinayay ee uu dhiisha ku ururiyay, wuxuuna ku yiri: xassan iyo dadkiisa mushaar laguma xakumo.

Dhacdooyinkii Xassan Geedi iyo talyaaniga laguma soo koobi karo,qoraalkan waxa ay u baahantahay Buugaag in laga qoro. Sida sheekadii uu ku xujeeyay ee bixinta Gabadha iyo Tirakoobka dadkiisa.

Talyaaniga oo u yaqiin ND. Xassan Geedi " Gaandigii Banadir” ayaa yiri: Nabadoon Xassan Geedi waxa uu 7 sanno oo xirrir ah nagu hayay dagaal aan hubeeysneey asago oo hor istaagay in ka badan 12 sharci oo Dowlada Talyaanigu soo saartay diidayna in ay hirgalaan.

Dowladii kacaanku waxa ay ku magacaawday Nabadoon Xassan Geedi waddada isku xirta,laga soo bilaabo Ex- Posto, kawaanka malaayga ,Isbitaalka martini illa dekeda cusub.

FG. Qoraalkan.waad naqdin kartaa,wax ku dari kartaa waxna ka badali kartaa.

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip