Ololaha Musharax C/qaadir Cosoble oo xoogeystay (Warbixin)

0
Saturday February 04, 2017 - 14:24:05 in Wararka by
  • Visits: 2049
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ololaha Musharax C/qaadir Cosoble oo xoogeystay (Warbixin)

    Ololaha Musharax C/qaadir Cosoble Cali ayaa maalmihii la soo dhaafay si aad ah u xoogeystay, ka dib markii Musharaxa bilaabay kulamo iyo abaabullo xooggan oo uu ku kasbanaayo Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ololaha Musharax C/qaadir Cosoble Cali ayaa maalmihii la soo dhaafay si aad ah u xoogeystay, ka dib markii Musharaxa bilaabay kulamo iyo abaabullo xooggan oo uu ku kasbanaayo Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Musharax C/qaadir Cosoble Cali ayaa la sheegay in rajadiisa xilka Madaxtinimada ay sare u kacday, ka dib markii xubnaha ololihiisa ay ku soo biireen xubno waayo arag ah oo u badan siyaasiyiin ruug caddaa ah.

Hoyga uu ka deggan yahay Muqdisho iyo xarumihiisa ololaha ayaa laga dareemay saxmad aad u weyn, iyadoo kulamada ay ahaayeen habeen iyo maalin mid aan kala go’ laheyn.

Saadaal horu dhac ah oo la sameeyay ayaa sheegeysa in Musharax C/qaadir Cosoble Caliuu ku jiro, saddexda Musharax ee ugu cad cad xilka Madaxweynaha.

Xeeldheeriyaasha waxa ay tilmaameen in Mudane Cabdulqaadir Cosoble Cali uu safka hore kaga jiro doorashada la abaabulayo (front-runner in Somalia’s 2017 presidential election), waxaana xilligan loo filan karaa inuu hanto Xilka Madaxtinimada dalka.

Khudbada uu maanta ka hor-jeedin doona Baarlamaanka ayaa ah mid si aad ah isha loogu haayo, maadaama uu ku jiro dadka ugu cad cad xilka Madaxweynaha

Dad badan ayaa aaminsan in Musharax C/qaadir Cosoble Cali  uu mar kale dhigi doono rikoor cajiib ah, maadaama la xusuusto in doorashadii sannadkii 2012 inuu kaalin wanaagsan ka galay.

waxaan uu yahay musrraxa daacada ah ee xilligaan ballanqaadyadiisa ka dhabeyn karo maadaam uu warbaahinta had iyo jeer ka muuqdo waxaana dadweynaha soomaaliyeed ay hadal ahayaan in ninkaa loo codeeyo waayoo wuxuu yahay nin mu'min ah oo hadalkiisa qanciya buslahda dhageysnayesa ama daawaneysay habeen hore TV-UNIVERSAL Dood TOOS AH UGU JIRAY  Waxaan uu yahay id halqabsigiisa jawabta haduu bixinaayo dhahayey insha allaah hadii aan qabto xilkaa waxaan ku dadaalayaa inaan arrimaha aan hortiina ka shegay  aan fulin doono si caddaalad ah oo siman, nabadgayo taam ah ,dhaqaalha dalka ka soo baxo oo lagu cleinaayo dhismaha iyo horumarka bulshada iyo ilaalinta dalka diinta iyo dadka soomaaliyeed, 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip