Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo u suurageli la' weli inay tagaan halkii ay diyaarada ku dhacday

0
Thursday October 29, 2015 - 11:05:57 in Wararka by
  • Visits: 585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo u suurageli la' weli inay tagaan halkii ay diyaarada ku dhacday

    Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya, ayaa weli waxaa u suurageli la' inay tagaan deegaanka Cumar Beere ee duleedka Degmada Afgooye, halkaasi oo shalay ay ku dhacday Diyaarad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya, ayaa weli waxaa u suurageli la' inay tagaan deegaanka Cumar Beere ee duleedka Degmada Afgooye, halkaasi oo shalay ay ku dhacday Diyaarad. Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay inay wadaan dadaal ku aadan sidii ciidamada ay ku gaari lahaayeen halka diyaarada ay ku dhacday, balse meel waliba waxaa la sheegay oo loo mari lahaa diyaarada Shabaab inay ciidamo badan dhigeen.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Xuseen Shiine, ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay Diyaarada halkii ay ku dhacday inay weli taallo, halkaasina ay maamulaan ciidamada Shabaabka.

Waxa uu sheegay ciidamada inay sameeyeen isku day waliba oo ku aadan inay gaaraan halka diyaarada ay ku soo dhacday, laakiin Shabaab meel waliba ciidan ay dhigeen, isaga oo intaasi warkiisa ku daray goobta diyaarada ay taallo inay u jirto ciidanka dhowr boqol oo tallaabo.

Arinta kale ee sii cusleysay ciidamada inay gaari waayaan halka diyaarada ay ku dhacday ayaa ah roobab xoogan oo ka da’ay Gobolka, waxaana adag gaadiidka inay maraan wadooyinka maadaama ay jirto dhiiqo badan oo ka dhashay roobabkii da’ay.

Dowladda Somaliya ilaa hada si rasmi ah ugama aysan hadlin diyaaradan ku dhacday deegaanka Cumar Beere ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Waa Diyaaradii labaad oo Bishan gudaheeda ku dhacda Gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo diyaaradii hore ku dhacday deegaanka Carbiska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip