Mareykanka oo sheegay muwaadiniin dalkiisa u dhashay inaysan saarneyn Diyaaradii ku dhacday G/Shabeellaha hoose

0
Thursday October 29, 2015 - 10:58:39 in Wararka by
  • Visits: 634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo sheegay muwaadiniin dalkiisa u dhashay inaysan saarneyn Diyaaradii ku dhacday G/Shabeellaha hoose

    Wasaarada Difaaca dalka Mareykanka, ayaa beenisay Diyaarada ku dhacday deegaanka Cumar Beere ee duleedka Degmada Afgooye inay la socdeen muwaadiniin u dhashay dalka Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Difaaca dalka Mareykanka, ayaa beenisay Diyaarada ku dhacday deegaanka Cumar Beere ee duleedka Degmada Afgooye inay la socdeen muwaadiniin u dhashay dalka Mareykanka. Sarkaal u hadlay Wasaarada Difaaca dalka Mareykanka ayaa sheegay inaysan jirin muwaadiniin u dhashay dalka Mareykanka oo la socday Diyaaradaasi.

Warar soo baxay ayaa sheegaya Diyaarada in lagala dagay Ajaanib saarneyd oo tiradooda ay gaarayso 9 rag ah iyo 3 haween ah, kuwaasi oo loo badinaayo inay gacanta u galeen Ururka Al Shabaab.

Bantigoonka Mareykanka waxa uu xaqiijiyay in diyaarada laga lahaa meel kale oo aysan taabacsanayn Mareykanka.

Diyaaradan ayaa doonaysay inay ka degto Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle, balse lama oga cilada ku timid oo ay halkaasi ugu dhacday.

Diyaaradda Daniel 300f waxay ka soo amba baxday Magaalada Nairobi, iyadoona ku sii jeeday Garoonka Balli-doogle, oo saldhig military oo qarsoodi ah uu ku lee yahay Militariga Mareykanka. Soo dhicista diyaaraddu ayaa la sheegay inay ka dhalatay roobab xoogan, oo ka da’aayay inta u dhaxeyso Afgooye iyo Toora Toorow.

Deegaanka ay diyaaradan ku dhacday, waxaa gacanta ku haya Xoogaga Ururka Al Shabaab ee dagaalka kula jira Dowladda Somaliya iyo ciidamada Amisom.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip